Madaxweynaha ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ahaa Wasiirka Warfaafinta.

Xilka qaadista ayaa ka dambeysay saacado kaddib, markii xalay Golayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku dhawaaqeen inay u doorteen Taabid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa muddo 10 bilood soo hayay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, waxaana xil ka qaadistiisa ku soo aaday, iyadoo khilaaf ka taagan maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe