Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta G/Banaadir oo xoogeysatay

0
Sunday January 21, 2018 - 08:09:27 in Wararka by
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisadda Siyaasadeed ee ka jirta G/Banaadir oo xoogeysatay

    Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho ayaa xoogeysatay ka dib markii Markii Gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsan gobolka Banaadir ay xalay sheegeen in ay Guddoomiye u doorteen Taabid Cabdi Maxamed labada san

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho ayaa xoogeysatay ka dib markii Markii Gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsan gobolka Banaadir ay xalay sheegeen in ay Guddoomiye u doorteen Taabid Cabdi Maxamed labada sano ee socota.


Kulan xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Gudoomiye Taabid ay doorteen Gole degaan , iyadoo ay xusid Mudan tahay in gobolka Banaadir uusan la aheyn Gole degaan.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo Warbaahinta u aqriyay War kasoo baxay kulankii lagu doortay Gudoomiye Taabid ayaa sheegay in uu noqon doona Hoggaamiyaha gobolka Banaadir, islamarkaana uu diyaarin doono doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa waxaa doortay sidda la sheegay 70 xubnood oo ka tirsan Golaha Degaanka, kuwaa oo laga soo kala xulay 17 degmo ee Gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.

Thaabit Cabdi, ayaa waxaa kuxigeen u noqonaaya C/laahi Xaaji Ereg, oo markii horeba ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir,

Dad badan oo ka mid ah kuwa Siyaasadda Soomaaliya la socda ayaa sheegay in Khilaafka Cad ee ka dhex jira maamulka gobolka Banaadir iyo Madaxtooyadda uu sameyn ku yeelankaro Amniga iyo Sidoo kale Xasiloonida gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi ayaa Doorashada uu xalay sameeyay waxaa la sheegay inuu kaga gaashaamanayo in xilka qaadis lagu sameeyo, kadib markii maalmahan ay hadal heyntaas taagneyd.

Waxgaradka Magaalada Muqdisho ayaa wacad ku maray in aysan aqbali doonin in Taabid xilka laga qaado oo kaligiis uu baxo, iyadoo ay jooggaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Ciidamada Ammaanka ayaa shalay iyo ilaa xalay si weyn u xaqiijiyay Amniga Magaalada Muqdisho si looga hortaggo Banaanbaxyo rabasho wata oo ka dhaca Muqdisho




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip