Xildhibaan Mina Xasan Shibis oo ugu horeyn ka hadashay shirka jaraa’id ayaa sheegtay inay garab taagan yihiin goaankii odayaasha, iyadoo ugu baaqday Maamulka Gobolka Banaadir inuu shaqadiisa sii wato.

Sidoo kale Xildhibaan C/qaadir Carabow ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho uu yahay mid muqadas ah, isla markaana ay u taalo Labada Gole ee Baarlamaanka, iyagana ay u taagan yihiin, waxaa uu ugu baaqay Maamulka Gobolka Banaadir inuu is dejiyo oo uu howshiisa wato.

War murtiyeed kooban oo Xildhibaanada soo saareen shirkooda jaraa’id kaddib ayaa waxay ugu baaqeen Madaxda dowladdainay ku dadaalaan amniga iyo xasiloonida dalka, lagana fogaado wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo keeni kara, isla markaana loo ogolaado shacabka Gobolka Banaadir inay ka hadli karaan wixii xuquuqdooda iyo aayahooda dowladnimo ee horumarinta Gobolka Banaadir, si waafaqsan dastuurka