Danjire Cali Saciid Fiqi oo ka hadlay qorshaha dowladda ee Soomaalida ku dhibaateysan Liibiya

0
Saturday January 20, 2018 - 12:32:53 in Wararka by
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire Cali Saciid Fiqi oo ka hadlay qorshaha dowladda ee Soomaalida ku dhibaateysan Liibiya

    Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Tunis ee dalka Tunisia ku sugan Safiirka Soomaliya ee u fadhiya Midowga Europe Dr. Ali Said Faqi oo ay weheliso ergeyga gaarka ee xukuumada u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha iyo Qaxootiga Maryan Yaasin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Tunis ee dalka Tunisia ku sugan Safiirka Soomaliya ee u fadhiya Midowga Europe Dr. Ali Said Faqi oo ay weheliso ergeyga gaarka ee xukuumada u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha iyo Qaxootiga Maryan Yaasin.

Waxaa sidoo kale Tunis joogey wafdi midowga Afric ee u hooggaaminaayey Safiirka Somaaliya ee Midowga Africa Dr. Mohamed Ali Nur. Labada wafdi oo si lama filaan ah ku kulmey magaalada Tunis ayaa waxay ujeedadood ahayd in ay u safraan dalka Libya si ay u kuur galaan xaalada guracan ee ay ku sugan yihiin muhaajiriinta Somaliyeed, iyadoo wafdiga Midowga Afrikana sidaas oo kale u socdey inay soo eegaan xaalada muwaadiniinta wadamada Afrika.

Wafdiga Soomaaliyeed waxay la kulmeen madaxda IOM iyo UNCHR ee Libya ee ku sugan magaalada Tunis iyagoo isku soo qaadey sida Soomaalida dhibaateysan wax looga qaban lahaa. Sidoo kale wafdiga waxay la kulmeen Safiirada Midowga Europe ee Libya fadhigeeduna yahay Magaalada Tunis.

Waxaa shirka Safiir Ali Said Faqi iyo Maryan Yaasin ku weheliyey Safiir Mohamed Cali Nuur. Waxaa shirkaas looga hadley dadaalka dawlada Soomaaliyeed ay ugu jirto badbaadinta muwadiniinteeda ku dhibaateysan Libya iyo kaalinta Midowga Europe ka aadan arrimahaas.

Wafdiga ayaa u suurta-gelin inay u dhoofaan magaalada Tripoli ee dalka Libya dagaal ka dhacey garoonka diyaarada ee Tripoli awgeed oo sababey in la xiro hawada Tripoli.

Hiiraan Online oo xiriir la sameysay safiir Ali Said Faqi ayaa waxaa uu sheegay in macluumaad fara badan ay ka heleen IOM iyo hay’adda qaxootiga ee UNHCR, kwaas oo ku tilmaamey tirada Soomalida ku dhibaateysan inay kor u dhaafeyso ilaa shan kun oo qofood.

Safiirka wuxuu no sheegey in kumannaan ka badan ee Soomalida lagu haysto magaalooyinka Alkufra, Murzuq, Sebha iyo Benghazi oo dhamaan ka fog Tripoli oo ay dawlada maamusho.

Dowlada Somaaliya ayuu sheegay in ay ka go’an tahay dib u soo celinta qof kasta oo Soomaali ah oo doonaya in uu si VOLUNTARY ah ugu noqdo dalkiisa iyadoo hawsha daad gureenta ay mas’uul ka tahay hay’adda IOM.

Sidoo kale safiirka waxaa uu sheegay in bisha February ay ku noqon doonaan Magaalada Tunis si ay ugu safraan Libya.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip