Aqalka Sare ee Mareykanka oo laalay miisaaniyadii Dowladda

0
Saturday January 20, 2018 - 12:28:59 in Wararka by
  • Visits: 366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Sare ee Mareykanka oo laalay miisaaniyadii Dowladda

    Dalka Mareykanka waxaa ka dhacay xaalad "Shut down" waxaana istaagay shaqada dhammaan laamaheeda Federaalka kaddib markii ay Senetarada waddankaasi ku guuldareysteen inay isku afgartaan miisaaniyada cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Mareykanka waxaa ka dhacay xaalad "Shut down" waxaana istaagay shaqada dhammaan laamaheeda Federaalka kaddib markii ay Senetarada waddankaasi ku guuldareysteen inay isku afgartaan miisaaniyada cusub.

Arrintan waxaa ay keentay, in howlaha Xukuumadda ay joogsadaan iyo sidoo kale adeegyo ay ka mid yihiin amniga Qaranka iyo maamulka hawada.

Sida ay sheegtay AFP, Aqalka cad waxa uu xisbiga dimoqoraadiyiinta ku eedeeyay in ay afduubayaan hey’adaha Mareykanka marka ay shaqada joojiyeen laamaha Federaalka.

Arrimaha la isku heysto waxaa ugu weyn in aan Mareykanka laga tarxiilin caruur ku dhashay taasi oo doonayo Madaxweyne Trump.

Arintaan la mid ah oo lagu curyaamiyay hawlaha Xukuumadda ayaa dhacday sanadkii 2013-kii, waxa ayna taagneed 16 maalmood.

Trump ayaa sidoo kale ku casuumay hoggaamiyaha senetarada xisbiga Dimoqaraadiga Chuck Schumer, Aqalka Cad daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ay socdeen wadahadaladda miisaaniyada balse waxa ay ku guuldareysteen inay xal isla gaaraan.

Balse saacad kaddib, Mr Schumer, ayaa u sheegay werriyayaasha in "xoogaa horumar ah” lagu tallaabsaday, balse wali waxaa jira ” arrimo dhowr ah oo uu khilaaf ka jiro”, waxaana ka mid ah kala duwanaanshaha fikradaha ee la xiriirta waxyaabaha ay doonayaan xubnaha Dimoqaraadiga si loo kordhiyo muddada wadahadaladda illaa shan maalmood oo kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip