Maxaabiis Ka baxsatay Al-Shabaab oo Ciidamada Kenya ay Raadinayaan.

0
Thursday January 18, 2018 - 22:37:41 in Wararka by
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiis Ka baxsatay Al-Shabaab oo Ciidamada Kenya ay Raadinayaan.

    Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in xabsi ay maamulaan Al-shabab ay kazoo baxsadeen 5-qof oo ka tirsaneyd Al-shabaab kuwaas oo u baxsaday dhinaca Kenya. Warar hoose oo laga helaayo ciidamada difaaca Kenya ayaa tilmaamaya in ragaasi 5ta ah ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in xabsi ay maamulaan Al-shabab ay kazoo baxsadeen 5-qof oo ka tirsaneyd Al-shabaab kuwaas oo u baxsaday dhinaca Kenya. Warar hoose oo laga helaayo ciidamada difaaca Kenya ayaa tilmaamaya in ragaasi 5ta ah ay qorsheeyen Al-shabab inay gowracaan sida uu xaqiijiyay Axmed Iman Cali oo ka mid ah ragga baxsadka ah.

5taani qof ayaa si dhumalaysi ah ku gaaray Kenya iyagoo rajo weyn ka qaba inay kaga badbadaan dagaalamayaasha Al-shabab.

Axmed Iman ayaa kamid ah hogaamiyaasha Al-shabab ee shacabka Kenya ugu yeeri jiray inay ku biiraan bartamihii sanadkii tagay ee 2017kii.

Ninkaan ayaa isaga baxay Al-shabab kadib marki ay gowraceen dhowr dhalinyaro oo Kenyan ah oo ay ku eedeyen inay basaasnimo iyo macluumadka sirta ah ee Al-shabab ay u gudbinayeen xukuumada Kenya.

5ta qof ee kazoo baxsatay xabsiyada Al-shabab ayaa la tilmaamay inay kasoo jeedan magaalooyinka Lamu iyo Malindi waxana ay xirnaayen ilaa dhamadkii sanadkii tagay.

Warbixinada sirdoonka Kenya ay helaan ayaa muujisay in dadka ugu badan ee Al-shabab ka tirsan laguna dhibaateeyo ay yihiin kuwa Kenya kazoo jeeda.

Muwadiniinta Kenyaan ka ah ee Al-shabab ku jiray ee sanadkii lasoo dhaafay ay kooxda basaasnimo ku eedeysay kadibna gowraceen waxaa kamid ah Ardey horey wax uga bartay jaamacada Moi University Jared Mokaya Omambia, Faraj Abdulmajid, Ahmed Yusuf Hassan, Ahmed Nur Abdi Osoble, Abdullah Talal Musa, Hashim Othman Selali iyo kuwa kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip