Taliye Gorod Oo Ka Hadlay Dilka Taliye Ku Xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya

0
Thursday January 18, 2018 - 22:13:20 in Wararka by
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Gorod Oo Ka Hadlay Dilka Taliye Ku Xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya

    Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Ehelada, Ummadda Soomaaliyeed iyo Taliska Ciidanka Xoogga uga tacsiyadeeyey Geerida ku timid Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya, Ex Admiral Saciid Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Ehelada, Ummadda Soomaaliyeed iyo Taliska Ciidanka Xoogga uga tacsiyadeeyey Geerida ku timid Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya, Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf oo Maanta Magaaladda Muqdisho lagu dilay.

Wuxuu Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo qoyskiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo, Isaggoo sheegay in uu ahaa qof karti leh, islamarkaana lagu yaqiinay gudashada waajibaadkiisa qaran, kuna amaanay dowrkii uu qaatay intii uu nolaa.

Taliye Gorod, ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Qofkii ka dambeeyey dilka Marxuum Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf, waxaana uu tilmaamay in Cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip