Banaanbax ka dhacay Cadaado

0
Thursday January 18, 2018 - 22:09:16 in Wararka by
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbax ka dhacay Cadaado

    Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud maanta oo Khamiis ah ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo shirweynaha Galmudug iyo Ahlusuna ee magaalada Dhuusa-mareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud maanta oo Khamiis ah ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo shirweynaha Galmudug iyo Ahlusuna ee magaalada Dhuusa-mareeb.

Banaanbaxan oo ka dhacay wadooyinka waa weyn ee magaalada Cadaado ayaa waxaa horkacayay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug, sida ay inoo sheegeen Wariyeyaasha halkaasi ku sugan.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha oo u badnaa Haween iyo caruur ayaa waxa ay wateen boorar waa weyn oo ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin doonimeyno heshiiskii Jabuuti, doonimeyno shirka Dhuusa-mareeb.

Banaanbaxayaasha ayaa heshiiska Dhuusa-mareeb ku sheegaya mid aan caddaalad ahayn, waxaana Odayaasha Cadaado maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha Galmudug ku dhaliilayeen in uu saxiixay heshiis aan loo dhameyn.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanaya in siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta Magaalada Cadaado ku matala dowladda Federaalka ah iyo maamulka Galmudug ay tagaan Cadaado si arrintaas wax la isaga weydiiyo.

Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ka tirsan gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Galmudug ayaa shalay gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Cadaado, iyaga oo ka baxay magaalada Dhuusa-mareeb, waxaanaujeedada socdaalkooda ahaa in kulamo xal loogu raadinayo tabashada waxgaradka reer Cadaado ay la qaataan, balse natiijo ayay soo laabteen maanta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip