WAA WARRAKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 18-KA JANNAAYO 2018-KA

0
Thursday January 18, 2018 - 09:14:45 in Wararka by
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARRAKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 18-KA JANNAAYO 2018-KA

    WASAARADDA WARFAAFINTA OO DIB U HOWLGALISAY KOOXDII KUBADDA CAGTA MADBACADDA QARANKA Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya ayaa 28-sano ka dib markii ugu horaysay dib u soo noolaysay kooxdii Kubadda Cagta ee Madbac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASAARADDA WARFAAFINTA OO DIB U HOWLGALISAY KOOXDII KUBADDA CAGTA MADBACADDA QARANKA Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya ayaa 28-sano ka dib markii ugu horaysay dib u soo noolaysay kooxdii Kubadda Cagta ee Madbacadda Qar anka, taas oo lagu xasuusto ciyaarihii cajiibka ahaa ee barisamaadkii soo bandhigi jirtay kooxd aan.

Munaasabadda dib u howlgelinta Naadiga Madbacadda Qaranka oo hoostagta wasaara dda Warfaafinta, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Warfaafinta, Wasiirk ku xigeenka Wasa aradda, ku simaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, ahna wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta, Maareeyaha Madba cadda Qaranka iyo qeybaha ay naad iga ka kooban tahay.

Guddoomiyaha Naadiga Madbacadda Qaranka Cumar Maxamuud Nuur (Mugaanbe) ayaa ballan qaaday in ay si joogta ah ula shaqeyn doonaan wasaaradda Warfaafinta.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed C/qani Saciid Carab ayaa soo dhoweeyey in wasaara dda warfaafinta ay muddo dheer kaddib dib u howlgeliso naadigii Madba cadaha Qaranka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar (Ca daala) ayaa sheeg ay in wasaaraddu ay ku dadaali doonto sidii loo tayeyn lahaa Naadiga Macb adda Qaranka.

Wasiir ku xigeenka Dhalilnyarada iyo Cayaaraha Axmed Cumar Isloow iyo wasiir ku xige enka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa labaduba sheegay in iskaashiga badan laga yeesho sidii loo xoojin lahaa awoodda Naadiga.

Ugu dambeyn wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa yiri "tani waa taariikh dalkeennu leeyahay, wasaaradda waxaa ka go’an in ay dib u soo nooleyso dhammaan taariikhd eedii lagu yaqaanay naadiguna ay si xooggan u taageeri doonaan.

Munaasabadda inta ay socotay ayaa lagu kala saxiixdey heshiis saddex geesood ah uu u dhaxeeyey wasaa radda, Naadiga iyo xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, kuna aaddan dib u howlgelinta Naadiga Madbacadda Qar anka.

WASIIRKA AMNIGA DUCAALE OO SHALAY BOOQDAY DEGMADA BALCAD …

DSC07010-508x420 Wasiirka Amniga Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ay wehlinayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federalka iyo siyaasiyiin ayaa shalay socdaalka dhulka ah ku tegey degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wafdiga Wasiirka Amniga ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka degmada Balcad oo uu horkacayo gudd omiyaha mamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ( Qaasim Furdug)waxana ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyagoo ka dhagasytay maamulka iyo shacabka baahiyaha amni ee ka jira degmada Balcad.

Wafdiga Wasiirka Amniga oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cabduqadir Carabow Ibrahim iyo Xildhibaan Aadan Cali Xasan kana mid ah xildhibaanada laga soo doortay Hirshabelle ayaa waxa ay sheegeen in degmada Balcad ay u yimaadeen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada amni iyo mida baahi ee shacabka degmada balcad ay qabaan.

"Waxaan indhaheena ku soo aragnay burburka xoogga leh ee haysta wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo degmada Balcad iyo dhibaatada shacabka ku haysata waxaana aan rajeyneynaa in dhowaan dayactir lagu sameeyo.”ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

Wasiirka Amniga Dowlada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka hadlay arri maha ammaanka ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin weerarada Alshabaab ee ku soo laala abtay wadada isku xirta degmada Balcad iyo magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle,

Wasiir Ducaale ayaa sidoo kale xusay inuu socdo qorshe amniga lagu soo celinayo islama rkaana kaalinta ciidanka Militariga dowlada Soomaaliya ay noqon doonto mid meesha looga saaro weerar ka yimaada Alshabaab.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo kordhayay weeraro ay ka geysanayaan ururka AlShabaab iyadoo dhowr jeer uu iskahorimaad ku dhex maray ciidamada miltariga iyo dagaalyhano ka tirsan AlShabaab.

DAB KHASAARO HANTIYADEED GEYSTAY OO KA KACAY NAWAAXIGA SAYIDKA

Dab xoogan oo khasaaro geystay ayaa Shalay ka kacay Kaam Barakac oo ku yaalla Nawaaxiga Isgosyka Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa uu ka dhashay Dabkaasi, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in uu ka dhashay Koronto.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabeelle ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Dabkaasi

Waxaana uu sheegay in uu baabi’iyay Guryo Cooshado ka sameysnaa oo ay daganaayeen dad Barakacayaal ah, inkastoo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo Dabkaasi

KAZAKHSTAN OO SOOMAALIYA SOO GAARSIINEYSO GARGAAR BANI’AADANIMO

​Safiirka Dowladda Kazakhstan u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyo mad axa nabad gelyada iyo ammaanka Midowga Afrika ayaa gaaray heshiis gargaar bani’aadanimo lagu gaarsiinayo Soomaaliya.

Dowladda kazakhastan ayaa ku wareejisay Ururka Midowga Afrika Lacag gaareyso 215,000 oo Dollarka Mareykanka ah taas oo loogu tala galay in wax loogu qabto, sidii Biyo Nadiif ah ay ku heli lahaayeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan koonfurta Soomaaliya iyo gobalada ka howlgalaan Ciidamada AMISOM.

Safiirka Kazakhstan ee dalka Ethiopia Yerlik Cali ayaa sheegay in wafdi ka socda Dowladdiisa ay tagi doonaan Soomaaliya, si u soo kormeeraan mashaariicda lagu qabtay lacagaha deeqdaha ah oo ay ugu talo galeen in dadka ay ku helaan Biyo nadiif ah oo ay cabaan.

Kazasakhstan ayaa sheegtay in deeqaha gargaarka ah ee ay ugu tala gashay Soomaaliya ay u sii marin doonto Ururka Midowga Afrika oo Ciidamo nabad ilaalin ah ay ka joogaan Soomaaliya.

Yerlik Cali ayaa xusay in ay mashaariic kala duwan ay ka sameyn doonaan deegaanada ay dhibaatooyinka xoogan ka geysteen Xarakada Al Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorka ay Dowladda kazakhastan ka qaadeyneyso in gargaar la gaarsiiyo qaar ka mid shacabka Soomaaliyeed ee saameynta ku yee sheen colaadaha ka taagan Soomaaliya.

GANACSATADA QAADKA MIRU U SOO DHOOFISA MUQDISHO OO SHAQO JOOJIN SAMEEYAY

masuul orama ah oo xabsiga laga sii daayey Ganacsatada qaadka Miru ee dalka Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin, kadib markii beeral ayda qaadka dalka Kenya ay qaali ka dhigeen qiimaha qaadka.

Ganacsatada oo kulan ku yeeshay Magaalada Nair obi ee dalka Kenya, ayaa waxa ay sheegeen inaysan ku iibsan karin qiimaha sare ee Beeralayda Qaadka dalka Kenya ay ku doonayaan in qaadka looga iibsado.

100Kg ee Qaadka ah ayaa hadda Gobolka Miruu ka maraya 160,000 oo shilinka Kenya ah iyada oo mar kaliya ay ku korodhay lacag ka badan 20,000 oo Shilinka Kenya ah, taas oo sababtay in Ganacsatada ay walaac ka muujiyaan.

Wasaaradda Beeraha ee dalka Kenya ayaa waxa ay ugu baaqeen ganacsatada inay soo farageliso arintaan, illaa inta ka horeysana aysan shaq eynayn sida ganacsatada ay sheegeen.

Beeralayda qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay sababta qaadka qaaliga uu u noqday ay tahay roobkii oo aanan da’in waqtigiisa iyo waraabka ay helaan beeraha oo yar, waxaana soo go’ qa ad yar sida ay ku doodayaan.

QM OO ABAALMARINO GUDDOONSIISAY SARAAKIIL KA TIRSAN HOWLGALGEEDA SOOMAALIYA

Xaafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM ayaa 11 ka mi ah Ciidamadeeda ka tirsan howlgalkeeda Soomaaliya u aqoonsatay in ay yihiin saraakiil milateri oo heer Caalami ah, islamarkaana guddoonsiiyay Abaalmarino ay sheegeen in ku muteysteen howlihii ay Qaramada Midoobay kala qabteen Soomaaliya.

Saraakiishani oo Qaramada Midoobay u qaabilsaa la taliyeyaal dhinaca milateriga Ciidamada xoogga dalka ayaa dhameystay waqtigoodii ay howlgalka uga mid ahaayeen, iyadoona lagu ama anay sidii ay uga soo dhalaaleen shaqadii loo igmaday ee ahayd dhanka la talinta Milateriga.

Ku xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ku sugnaa Munaa sabadda saraakiishaasi lagu guddoonsiyay Abaalmarinada ayaa xusay in saraakiishani ay dha meysteen waqtigii howlgalka, islamarkaana ay u aqoonsadeen in ay yihiin la taliyeyaal milateri oo heer Caalami ah.

Saraakiisha ayaa ka soo kala jeeda illaa iyo 9 dal oo kala ah Burundi, Ghana, India, Maur itania, Pakistan, Sierra Leone, Turkey, Uganda iyo Ingiriiska, iyadoona intii ay dalka ku sugnaayeen la talino iyo tababaro siinayay Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

YARKAENG YARISOW ”XFS WAXAA KA GO’AN IN WAX LOO QABTO DHALINYARADA Soomaaliyeed”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan "Eng Yarisow” ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay wado dad aalo looga hortagayo in Dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Al Shabaab.

Waxaana uu tilmaamay in Xukuumaddu ay ka go’antahay in ay wax u qabato Dhanlinyarada Soomaaliyeed, lana siiyo fursado Shaqo iyo mid Waxbarasho.

Sidoo kale Wasiir Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in Sportiga dalka uu muhiim u yahay Dhalinyarada iyo Isdhaxgalka bulshada.

Hadalkan ayuu ka jeediyay Wasiirka Warfaafinta XFS Munaasabad dib lo ogu howlgalinayay Naadiga Madbacadda Qaranka, taas oo lagu qabtay m/ Muqdisho.

ITOOBIYA OO XABSIGA KA SIIDAYSAY HOGGAAMIYIHII MUCAARADKA

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay xabsiga ka siidaysay hoggaamiyaha Muca aradka ah ee lagu magacaabo Merera Gudina

Qoyska Mereru ayaa u sheegay Warbaahinta in xabsiga laga siidaayay shalay oo Arbaco ah, wuxuuna ku eedeysnaa in uu xiriir la leeyahay kooxo argagixiso ah.

Maalintii isniinta ayay dowladda Itoobiya shaacisay in ay xabsiga ka siidaynayso illaa 500 maxaabiis ah oo la tuhunsanaa.

Muddo labo sano ayaa waxaa Itoobiya ka socday mudaaharaadyo ay samaynayaan shacabka oo ka cabanayay arrimo badan, iyaga oo codsanayay isbadalo .

Bishan horaanteedii ayay dowladda sidoo kale sheegtay in ay la laabanayso dacwadaha loo heysto qaar ka mid ah dadka mucaaradka ah ee xabsiyada ku jira, oo ay ka midyihiin siyaasiyiin ho re loo xukumay.

DOWLADDA CUMAAAN OO SOOMAALIYA KA SAMEYNEYSA MAALGASHI DHAQAALE

Dowladda Cumaaan ayaa sheegtay in ay sahmin ku sameyn doonto dhaqalaaha iyo gana csiga dalka soomaaliya si ay u maalgishato kadib markii wafuud ka socoto labada dhinac ay ku kul meen shirka OCCI ee dhaqaalaha looga hadlo.

Waxaana saldanada cumaan ay sheegtay in ay diirada saari doonto ganacsiga kaluumeysiga labada dal, iyadoo dalka Soomaaliya u soo dirsaneysa qabiir yahano sahmin ku sameeya gan acsiga iyo qaabka ay u wadaagi lahaayeen.

Eng. Ridha bin Juma Al Saleh oo ah wasiirka maaliyada saldanada Cumaan ayaa sheegay in labada dal ay bilaabi doonaan wax soo saarka kaluunka iyo dhuufintiisa si kor loogu qaado xeriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Waxaa intasi uu ku daray wasiirka in saldanada cumaan ay rajo wanagsan ka qabto wax soo saarka mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaaamay in ganacsatada reer cumaan ay maalgishan doonaan soomaaaliya kadib marka dalka soo gaaran wafdi ka socda saldanada.

KUMAANDOOSKA SOOMAALIYA OO SHEEGAY IN AY LA WAREEGEEN BAAR SANGUUNI ..

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 43aad iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya oo wata gadiid ka dagaalka ayaa Alshabaab kala wareegay degaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii magaalada Kis maayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose u jira 45KM.

Howlgalka Alshabaab looga saaray Baar Sanguuni ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidam ada Xoogga dalka qeybta 43aad, Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamada Daraa wiishta Jubbaland

Taliyaha Ciidanka Xoogga qeybta 43aad General Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Kum aandooska Danab ay Alshabaab ka saareen degaanka Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

General Saxardiid oo sii hadlay ayaa sheegay Howlgalka Alshabaab looga saaray degaanka Sanguuni in ay ka qeyb qaateen Diyaarado Helicopter ah oo ay wateen Ciidamo u dhashay wad anka Mareynkanka.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha intii uu howlgalkan socday in Ciidamada ay dileen 7 dagaala me oo ka tirsanaa ururka Alshabaab, iyo Afar Sarkaal oo uu ka mid ahaa sarkaalkii Shabaab ee degaankaasi.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga qeybta 43aad General Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay Ciidamada Xoogga dalka in ay gacanta ku dhigeen laba gadiidka nuuca dagaalka ah oo ay lahaayeen Dagaalyahanada Shabaab.

ASKARI QOF SHACAB AH KU DILAY DHUUSAMAREEB

Askari ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug ayaa Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb ku dilay nin la sheegay in uu ahaa darawal.

Ciidamada maamulka Ahlusunna ayaa gacanta ku dhigay ninkii dilkaasi geystay , waxaana ay geeyeen Xabsi ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ay darawalka iyo Askari ay murmeen, islamarkaana uu si bareer ah u dilay darawalka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaankeeda.

MAREYKANKA OO DUQEYN KA FULIYAY J/HOOSE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soom aaliya, Duqeyn diyaaradeed ayaa waxa ay ka dhacday degaanka Baar Sanguuni oo ka tirsan Gobol ka Jubbada Hoose.

Warbaahinta Dowladda gaar ahaan Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada ayaa sheegtay du qeyntaasi in lala eegtay Saldhig Ururka AlShabaab ay ku lahaayeen degaanka, islamarkaana lagu dilay xubno ka tirsanaa Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya qaybta 43aad General Ismaaciil Saxardiid, ayaa u sheegay Warbaahinta Dowladda in 7 Dagaalame iyo Afar Sarkaal oo uu ka mid ahaa sarkaal kii Shabaab ee degaankaasi lagu dilay duqeyntaasi, oo daba socotay Howlgal Shabaab looga saar ay degaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay Howlgalkan Duqeynta ah in ay iska kaashadeen Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, kuwa Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Mareykanka, sidoo kalena ay Ciidamada gacanta ku dhigeen laba gaadiid oo nuuca dagaalka ah, kuwaasi oo ay lahaayeen Shabaab, balse si dhab ah looma xaqiijin karo sheegashada ku aadan in xubno Shabaab ka tirsan lagu dilay duqeynta.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqey maha ay la beegsanayaan Saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka gaar ahaan Gobol ada Jubbooyinka.

Alshabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobo lada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay Saraakiilna looga dilay duqeymo kala duw an oo ka dhacay.

khayre-2-6-640x439MADAXWEYNAYAASHA MAAMULADA PUNTLAND IYO KOOFUR GALBEED OO GAARAY DHUUSAMAREEB

Madaxweynaha maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed C/wali Maxamed Cali Ga as iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Gaas ayaa ku tagay Dhuusamareeb diyaarad qaas ah oo ka soo qa aday magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa diyaarad qaas ay gey say, waxaana labadaba loo soo dhoweeyay si diiran.

Waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxda Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoo la dejiyay guri gaar ah oo looga diyaariyay magaalada.

C/wali Gaas ayaa daraad ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Dhuusamareeb, kaddib markii diyaarad ay leedahay UNka ay diiday inay qaado boorsooyin iyo agab aanay baarin, waxaana sara akiisha la socotay Madaxweyne Gaas ay diideen in la baaro alaabtii ay wateen.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu gaaray Dhuusamareeb ayaa sheegay in taariikh gaar u leedahay magaalada, maadaama ay tahay magaaladii uu ku dhashay.

Madaxda ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda dhameystirka heshiiska Ahlusuna iyo Galm udug iyo midowga labada maamul oo wixii hada ka dambeeya ay dowlad goboleedka Galmudug ku howl geli doonto Dhuusamareeb, maadaama ay tahay caasimadda maamulkaas.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamulada Galmudug, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Puntland, iyadoo Mad axweynaha Jubbaland uu ka baaqday safarkii uu ku tagi lahaa.

R/W KHAYRE OO SHIR GUDOOMIYAY KULAN LOOGA HADLAYAY ARRMAHA GARGAAR EE BINIAADANIMADDA SOOMAALIYA.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ahee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay ka qaybgalay shirk ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo looga hadlayay qorshaha gargaar ee arrmaha biniaadanimadda sanadka 2018.

Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howl gala dalka, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017ka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saabsan howlihii ay xuku umaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Sooma aliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan.

"Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noqnoqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hortagida abaaraha” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gur mata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye.

Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda shee gay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood,kuwaas oo u baahan gargaar.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aad anaa gargaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

MAXKAMAD AMARTAY IN XABSI LAGU SII HAYO AHED TAMIMI IYO HOOYADEED

Maxkamada Israel ayaa xukuntay in xabsiga ay ku sii jireen gabar u dhaqdhaqaaqda Falastiin Ahed Tamimi iyo hooyadeed muddo aan la cayimin.

Ahed Tamimi oo 16 sano jir ah ayaa bishii hore la xirey kadib markii ay ciidamada Israel weera reen guriga ay kula nooleyd waalidkeed oo ku yaal deegaanka lagu magacaabo Nabi Saleh ee daanta galbeed,kadib markii muuqaal video ah oo laga arkayo iyadoo dharbaaxayso askari Israeli ah dunida uu ku faafay.

Hase yeeshee muuqaalkan ayaa la duubay kadib markii wiil ay ilmo adeer ahaayeen oo 15 jir ah ay ciidamada Israel ay ku dhaawaceen rasaas cinjir ah oo si toos ah wajiga loogaga dhiftey, Si doo kale waxa ay ciidamada soo xireen Ahed hooyadeed Nairman iyo Nour oo ay ilmo adeer yihiin ahna 20 jir.

Horaantii bishan January ayaa 12 dambi oo kala duwan lagu soo eedeeyay Ahed, halka ho oyadeed Nariman lagu eedeynayo inay muuqaalka ku faafisay baraha bulshada.

Hase yeeshee Nour ayaa laga sii daayay xabsiga si damiin ah loogaga sii daayay balse wax aa lagu eedeeyay weerar lagu qaaday askari howl shaqo ku jira.

Ahed ayaa markale la dhagaysan doonaa dacwada loo haysto 31ka January iyadoo xilligaa ay da’adeedu gaari doonto 17 sano jir halka Nariman iyo Nour dacwadooda la dhagaysan doono bisha Febraayo .

Qoyska Tamimi ayaa caan ka ah deegaanka Nabi Saleh waxana ay muddo dheer u dhaq dha qaaqayeen xornimada reer Falastiin. Bassem Tamimi oo ah Ahed aabaheed ayaa dhowr jeer ay Israeliyiintu xabsiga dhigeen waxana uu muddo afar sano ah ku qaatay xabsiga. Halka Nari man hooyada reerka la xirey ugu yaraan shan jeer.

DAB KHASAARO HANTIYADEED GEYSTAY OO KA KACAY NAWAAXIGA SAYIDKA

Dab xoogan oo khasaaro geystay ayaa Shalay ka kacay Kaam Barakac oo ku yaalla Nawaax iga Isgosyka Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa uu ka dhashay Dabkaasi, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in uu ka dhashay Koronto.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabeelle ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dha shay Dabkaasi

Waxaana uu sheegay in uu baabi’iyay Guryo Cooshado ka sameysnaa oo ay daganaayeen dad Barakacayaal ah, inkastoo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo Dabkaasi.

ITOOBIYA OO U YEERTAY MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALILAND IYO PUNTLAND SI LOOGA HADLO DAGAALKII TUKERAQ….

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay u yeertay Madaxweynayaasha Soomaaliland iyo Puntland, Muuse Biixi Cabdi iyo Cwali Maxamed Cali Gaas si xal loogu helo xiisadda ka taagan gob alka Sool.

Warar ay heshay Idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in Itoobiya labada madaxweyne ay ka dalbatay in ay soo gaaraan magaalada AdisAbaba ee xarunta Dalka Itoobiya, waxaana gaaray ma daxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha Soomaaliland iyo Wafdigiisa ayaa ka degay Adisababa waxaana la sheega yaa in ay socdaalka ku wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano, iyo Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaa liland waxaana la sugayaa dhinaca Puntland.

Magaalada Garowe ayaa la sheegayaa in ay maalinta biri ah ay ka bixi doonaan wafdi ka so cda Puntland kuwaas oo gaari doona Dalka Itoobiya, waxaana hogaamin doona madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa shalay ka qayb galaya Shirka dhameestirka heshiiska Ahlusunna iyo Galmudug oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana sidoo kale ka qayb galaya Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

XAWAALADA TAWAKAL OO MUDO KOOBAN SAMAYSAY HORUMarBALAADHAN, NOQOTAYNA...

Shirkada Xawaalada ee Tawakal oo sanad walba samaysa horumar balaadhan oo macaa mii shu aad ugu diirsadaa. ayaa sanadkan 2018 la filaya in ay sii laban laaaban adeegaasi hore ee shacabku ku barteen.

Xawaalada Tawakal oo inta badan xarumo waawayn ku leh gudaha iyo dibeda. Ayaa shacab ka somaliyeed si fiican u isticmaalan maadama adeegoodu ka sareeyo kama dhaqso badan yah ay xawaaladaha kale.

Adeega E Tawakal ayaa noqday mid ka mid ah waxyaabaha lagu majeerto xawaalada ee ay u samaysay macaamiisheeda. Adeegan ayaa noqday kan sahlayaa in macaamiil badan ku soo xi dhmaan xawaalada.

Masuuliyiinta kala duwan ee Xawalaada Tawakal ayaa inta badan ku hawlan sidii markasta loo heli lahaa in xawaaladu la jaan qaado tiknoolajiga casriga ah ee aduunku isticmaalo. Halka shaq aalahana la siiyo tababaro dheeraada oo shaqada lagu horumarinaayo.

Magaalooyin dhowra oo ku yaala gudaha dalka oo ay ka mid yihiin.

Muqdisho,Hargeysa,Bosaaso,Garowe, Kismaayo iyo Baydhaba oo ay tageen Weriyayaasha shabakada wararka ee Somaliweyn.com ayay ku soo arkeen in shacabka ku nooli si fiican u isticma alan Xawalaada Tawakal. iyaga oo sababta ugu weyn ku sheegay adeeg hufan iyo degdegsiimo ba dan laga helo xawaalada

Ganacsatada Somaliyeed ayaa iyana xawaalada ku leh account ay lacagta dhigtaan.

Muxuu yahay adeega ETawakal

Adeega Etawakal waa adeeg casri ah oo si ay xoriyadi ku jirto aad u maamulan karto lacag aha aad u dirto eheladaada, Shaqaalahaga iyo wixii la mid ah sido kale Adeega ETawakal waxaad ku kaydsan karta lacagtaada.

BOGGA CAYAARAHA




BOGGA CAYAARAHA

HALYAYGA REE BRAZIL EE PELE OO WARAYSI UU BIXIYAY KU SHARAXAY FARQIGA U DHEXEEYA CRISTIANO RONALDO IYO LIONEL MESSI.

Halyaygii hore ee ree Brazil ee Pele oo lagu tilmaamo boqorkii kubbada kubbada cagta ayaa warysi uu siiyay SporTv waxa uu sharaxaad kooban kaga bixiyay farqiga u dhexeeya labada xidig ee tobankii sano ee ugu danbeeyay sida joogtada ah laysku barbar dhigayay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Pele ayaa sheegay in Ronaldo uu yahay gool dhaliye balse Lionel Messi uu yahay gool dhal iye isla markaana jeedhiya hal abuurka ciyaarta kaas oo uu ku tilmaamay ciyaartoy dhamaystiran. Pele ayaa sheegay in Messi uu tobankii sano ee ugu danbeeyay ahaa mid isku dheeli tirnaa.

Pele oo la hadlayay Sport TV ayaa yidhi: ” Messi waxa uu ahaa ka ugu dheeli tirnaa tobankii sano ee ugu danbeeyay, halka Cristiano Ronaldo uu ahaa gool dhaliye wayn. Ronaldo waxa uu awo oday in uu goolal dhaliyo halka aad arki karto Messi oo goolal abuuraya, ciyaarta yeedhinaya isla markaana goolal dhalinaya”.

Intaa kadib halyaygii hore ee ree Brazil ayaa sheegay in Ronaldo uu yahay gool dhaliye wayn balse shaki la’aan uu Messi yahay ciyaartoy dhamaystiran wuxuuna yidhi: ” Ronaldo waa gool dhal iye wayn, laakiin marka ay noqoto ciyaartoyga dhamayska tiran, wax shaki ahi kama jiro in Messi uu yahay kan ugu fiican”.

Crstiano Ronaldo ayaa bishii September sheegay in uu yahay ciyaartoyga taariikhda kubbada cagta aduunka ugu fiican isaga oo markaas ku dooday in aanu waligii arag ciyaartoy sameeyay wixii uu soo qabtay laakiin Pele oo markaas ka jawaabay ayaa yidhi; ” Dhali in ka badan 1283 gool”.

Isaga oo markaas Ronaldo kaga soo horjeeday eradaydii uu sida layaabka leh iskugu amaan ay. Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa tobankii sano ee ugu danbeeyay ahaa labada xidig ee abaal marin kasta oo shaqsi ah ku soo kala guulaystay.

RASMI: THEO WALCOTT OO KU BIIRAY EVERTON (LAMBARKEE LOO XIRAY?)

(Liverpool) 17 Jan 2018 Arsenal ayaa si rasmi ah u shaacisay in Theo Walcott uu ku biiray koo xda Everton oo ku iibsatay lacag dhan 20 milyan oo Ginni.

Theo Walcott ayaa daraad ka gudbay tijaabada caafimaadka kooxda Everton, wuxuuna u saxi ixay heshiis ku eg ilaa 2021.

28 jirka reer ingiriis ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub lambarka "11” kadib markii uu ka ta gay Arsenal oo uu u xiran jiray lambar "14”.

Theo Walcott ayaa ku soo biiray Arsenal Janaayo 2006, wuxuuna kooxda la joogay 12sano, wuxuu u saftay 397 kulan isaga oo u dhaliyay 108 gool.

Intii uu la joogay Arsenal wuxuu la qaaday 3 FA Cup iyo 3 Community Shield, wuxuuna ahaa laacibka waqtiga ugu badan u soo ciyaaray Arsenal marka lala barbardhigo ciyaartoyda haatan u ciyaara Gunners.

"Dhab ahaan waan ka murugaysanahay inaan ka tago Arsenal laakiin waan ku faraxsanahay tijaabadayda cusub ee Everton, waxaan u rajaynayaa iyaga (Arsenal) guul mustaqbalka” ayuu yiri Walcott

Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Weeraryahan Horay Uga Soo Ciyaaray Premier League Haatana Wacdaro Ka Dhigaya Italy, & Jawaabtii La Soo Siiyay

Kooxda chelsea ayaa wali suuqa ugu jirta sidii ay kooxdeeda ugu soo dari lahayd wee raryahan cusub inta ka dhiman suuqa kala iibsiga January iyada oo aan ku kalsoonayn in uu Alvaro Morata kaligii wadi karo kooxda kadib qaab ciyaareedkii kulamadii ugu dambeeyay.

Wargauyska Premium Sports ayaa haatan sheegaya in ay kooxda chelsea u dhaqaaqday weerarkanka kooxda Roma ee Edin Džeko kadib markii ay la xiriirtay kooxda Roma waxna ka waydiisay helitaanka xiddigan ee bisha January.

Si kasta ha ahaatee kooxda Roma oo uu hogaamiyo agaasimaha Monchi ayaa isla markiiba u soo jawaabay iyaga oo ku wargaliyay in uuna xiddigan iib ahayn.

Chelsea ayaa Džeko u aragta xidig kooxda ka caawin kara in ay meel fiican kaga dhamaystato xilli ciyaareedkan marka loo eego qaab ciyaareedka fiican ee uu ku jiro iyo waliba khibarada uu u leeyahay premier league.

Laakiin kooxda Roma ayaa sheegtay in aanu xiddigan iib ahayn ita lagu guda jiro suuqa kala iibsiga January oo ayna wakhtiga isaga lumin in ay dalab ka gudbiyaan.

XASAASI: JUVENTUS OO DAGSATAY QORSHE AY ARSENAL UGA AFDUUBANAYSO HECTOR BELLERIN

Warar ka soo baxaya Tuttosport ayaa sheegaya in goolhayihii hore ee Tottenham Hotspur Pau Lopez uu door muhiim ah ka ciyaari lahaa inuu Hector Beller ka Ka Tagi Karo Arsenal.

Pau Lopez oo 23 jir ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Espanyol halka uu ku fashilmay in uu kooxda Tottenham u ciyaaro wakhtigii uu amaahda kula joogay.

Waxa la sheegayaa in ay Juventus Lopz doonayso in ay la soo saxiixato iyo waliba xiddiga Arsenal ee Hector Bellerin waxana uu Lopez ka caawin karaa in ay Juventus hesho Bellerin.

Inkasta oo uuna Lopez saamayn toos ah ku yeelan karin laakiin labada xiddig ayaa hal wakiil wadaaga waxana uu wargaysku sheegi karaa in ay Juventus wakiilka ku riixi karto in uu ka caawiyo heli taanka xiddiga.

Kooxda Juventus ayaa xiiso u qabta xiddiga reer Spain iyada oo doonaysa in ay u dhaqaaqdo adeegiisa si ay ugu buuxiso booskii uu Dani Alves baneeyay.

SPAIN COPA DEL REY

Atletico Madrid 1 - 2 Sevilla

Valencia 2 - 1 Alaves

Espanyol 1 - 0 Barcelona

ENGLAND FA CUP

Swansea City 2 - 1 Wolverhampton Wanderers

Wigan Athletic 3 -0 AFC Bournemouth

Chelsea 1 - 1 Norwich City{ Chelsea ayaa Rigooore 5 iyo 4 guusha ku raacday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip