Safiirka Kazakhstan ee dalka Ethiopia Yerlik Cali ayaa sheegay in wafdi ka socda Dowladdiisa ay tagi doonaan Soomaaliya, si u soo kormeeraan mashaariicda lagu qabtay lacagaha deeqdaha ah oo ay ugu talo galeen in dadka ay ku helaan Biyo nadiif ah oo ay cabaan.

Kazasakhstan ayaa sheegtay in deeqaha gargaarka ah ee ay ugu tala gashay Soomaaliya ay u sii marin doonto Ururka Midowga Afrika oo Ciidamo nabad ilaalin ah ay ka joogaan Soomaaliya.

Yerlik Cali ayaa xusay in ay mashaariic kala duwan ay ka sameyn doonaan deegaanada ay dhibaatooyinka xoogan ka geysteen Xarakada Al Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorka ay Dowladda kazakhastan ka qaadeyneyso in gargaar la gaarsiiyo qaar ka mid shacabka Soomaaliyeed ee saameynta ku yeesheen colaadaha ka taagan Soomaaliya.