Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyay J/Hoose

0
Wednesday January 17, 2018 - 20:14:01 in Wararka by
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyay J/Hoose

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, Duqeyn diyaaradeed ayaa waxa ay ka dhacday degaanka Baar Sanguuni oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, Duqeyn diyaaradeed ayaa waxa ay ka dhacday degaanka Baar Sanguuni oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Warbaahinta Dowladda gaar ahaan Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada ayaa sheegtay duqeyntaasi in lala eegtay Saldhig Ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka, islamarkaana lagu dilay xubno ka tirsanaa Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya qaybta 43-aad General Ismaaciil Saxardiid, ayaa u sheegay Warbaahinta Dowladda in 7 Dagaalame iyo Afar Sarkaal oo uu ka mid ahaa sarkaalkii Shabaab ee degaankaasi lagu dilay duqeyntaasi, oo daba socotay Howlgal Shabaab looga saaray degaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay Howlgalkan Duqeynta ah in ay iska kaashadeen Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, kuwa Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Mareykanka, sidoo kalena ay Ciidamada gacanta ku dhigeen laba gaadiid oo nuuca dagaalka ah, kuwaasi oo ay lahaayeen Shabaab, balse si dhab ah looma xaqiijin karo sheegashada ku aadan in xubno Shabaab ka tirsan lagu dilay duqeynta.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka.

Al-shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay Saraakiilna looga dilay duqeymo kala duwan oo ka dhacay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip