Arrimaha ugu weyn ee Beesha Cadaado ka cabaneyso ayaa ahaa maqaamka ay yeelaneyso Cadaado, mar hadii loo guurayo magaalada Dhuusamareeb oo horay loo asteeyay inay tahay Caasimada Maamulka Galmudug iyo qodob kale.

Hase ahaatee markii ay qodobadaas la hortageen Madaxweyne Farmaajo ayuu ka dalbaday inay wadatashi kale isugu yimaadaan, isla markaana isaga uu safar ku yahay magaalada Dhuusamareeb.

Waxgaradkii ka qeyb galayay kulanka ayaa ka carooday in Madaxweynaha uu goobta uga dhaqaaqo, isla markaana raaco gaadiidkii u kaxeyn lahaa Dhuusamareeb, waxaana markii dambe ay goobta noqotay mid lagu kala dareero.

Safarka Madaxweynaha ayaa saacado dib uga dhacay, intii uu wada hadalka uu la lahaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beesha Cadaado oo ka gadooday heshiiskii ay ku midoobeen Ahlusuna iyo Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xaaf, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare iyo xubnihi kale ee wafdiga ayaa safar dhulka ah ugu soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb oo tan iyo shalay laga sugayay.

Cadaado ayaa muddo labo sano aheyd caasimada KMG ah ee Galmudug, intii uu khilaafka ka jiray dhismaha maamulka Galmudug, waxaana hadii uu dhaqan galo heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug uu suura gelin doonaa in loo guuro magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda maamulka.