Axmed Madoobe oo baajiyay safar uu ku tagi lahaa Dhuusamareeb (Maxay tahay sababta)

0
Tuesday January 16, 2018 - 23:49:50 in Wararka by
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo baajiyay safar uu ku tagi lahaa Dhuusamareeb (Maxay tahay sababta)

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saacadihii u dambeeyay ku dhawaaqay inuu baajiyay safar uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, si uu uga qeyb galo munaasabadda lagu dhameystirayo heshiiska Ahlusu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saacadihii u dambeeyay ku dhawaaqay inuu baajiyay safar uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, si uu uga qeyb galo munaasabadda lagu dhameystirayo heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.

War qoraal ah oo la soo dhigay Page-ka Facebook ee Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay inuu u baajiyay shaqooyin muhiim ah oo uu ka qabanayo xarunta KMG ee Kismaayo iyo safaro uu ku tagayo magaalooyin ka mid ah Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu soo dhoweynato dhameystirka heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo uu rajeynayo inay dhabaha u xaarto degenaan siyaasadeed iyo horumarka gobolka oo sii socda.
Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa maanta laga sugayay magaalada Dhuusamareeb, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo lagu waday inuu maanta tago ayaa loo diiday diyaarad ka qaadi laheyd Gaalkacyo, kaddib markii la isku qabtay in baaritaan lagu sameeyo boorsooyinkii iyo agabkii ay wateen, taasoo keentay is qab qabsi kaddib in diyaaradii UN-ka lahaa ay ka duusho garoonka Gaalkacyo, iyadoo rakaab la’aan ah.
Lama oga in sababtaas diyaaradda loogu diiday darteed inuu gebi ahaanba u baajiyo tagidiisa Magaalada Dhuusamareeb, balse tan iyo maanta waxaa socda dadaalo diyaarad kale loogu dirayay, si ay u soo qaado, balse ma dhicin.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii gelinkii dambe ee maanta safar dhulka ah kaga soo ambabaxeen magaalada Cadaado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip