War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay Dr. Workneh Gebeyehu uu soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaa ay ka wada hadli doonaan arrimo kala duwan, iyadoo Itoobiya xiriir dhow la leedahay Somaliland, isla markaana Dekeda Berbera ay ku leedahay saami qeybsi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweyne Biixi uu qeyb ka yahay dadaalo ay dowladda Itoobiya ku dooneyso inay ku qaboojiso xiisada ka soo cusboonaatay Puntland iyo Somaliland, kaddib markii todobaadkii hore Ciidamo ka tirsan Somaliland la wareegeen deegaanka Tukaraq oo dhaca duleedka Garoowe.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu Addis Ababa ku wajahan yahay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo dhowaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland.

Itoobiya ayaa si dhow ula macaamisha maamulada Soomaalida ee deriska la ah, iyadoo dano badan ka leh, waxaana Madax kasta ee laga soo doorto Somaliland iyo Puntland ay la sameysaa xiriir dhow.

Biixi oo gaaray Addis Ababa
1of 3