Waxaa uu wacad ku maray inuu hor istaagi doono qorshe kasta oo lagu tababarayo ciidamo Kurdiyiin ah oo ka mid ah xooggaga uu taageero Mareykanka ee ku sugan Suuriya.

Jabhadda Kurdiyiinta ee SDF ayaa ka mid ah xooggaga uu taageero Mareykanka oo dagaal kula jira Kooxda Daacish.

Turkiga ayaa u arka jabhadan inay xiriir la sameysan karaan Kooxda kale ee Kurdiyiinta PKK oo dagaal kula jirta dowladda Turkiga.

Isbaheysiga Mareykanka ayaa wada dadaalo uu ku tababarayo ciidamada Kurdiyiinta oo ka dagaalamaya gudaha Suuriya, kuwaasoo horay dhowr deegaan uga qabsaday Kooxda Daacish.