Duqa Muqdisho oo kafaalo qaaday cafimaadka gabar indhaha ka jiran oo dalka wax looga qaban waayay + Sawiro

0
Tuesday January 16, 2018 - 16:44:39 in Wararka by
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo kafaalo qaaday cafimaadka gabar indhaha ka jiran oo dalka wax looga qaban waayay + Sawiro

    Samiiro Cumar Maxamed waa gabar 3 jir ah oo indhaha ka xanuunsan, qoyskeeddu waa sabool waxaana ay ka mid yihiin qoysaska Barakacayaasha ah ee Muqdisho. Iyadoo 7 bilood jirta ayuu asiibay xanuunkan aafayeeyay arageedda, waxaa adag iney farxad ku jii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Samiiro Cumar Maxamed waa gabar 3 jir ah oo indhaha ka xanuunsan, qoyskeeddu waa sabool waxaana ay ka mid yihiin qoysaska Barakacayaasha ah ee Muqdisho. Iyadoo 7 bilood jirta ayuu asiibay xanuunkan aafayeeyay arageedda, waxaa adag iney farxad ku jiifato habeenkii ama ay ku joogto maalinkii ,waalidkeed waxaa ku adag iney maareeyaan nolasha kale ee qoyska tiiyoo ay Samiira caafimaad daro la jiifto.

Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo baraarugay xaaladda gabadhaan markii ay dhaqaatiirta isbitaalka Digfeer sheegeen inaan dalka waxba looga qaban karin ayna u baahan tahay caafimaad dibadda ah gaar ahan isbitaaladda waa weyn ee wadanka Turkiga.

Gudoomiye Taabit aya durba u howl galay sidii maamulka gobalka Banaadir uu wax uga qaban lahaa caafimaadka gabadhaan iyadoo durba loo raadiyo Visa, tikidh iyo qarashkii daaweynta.

Isagoo wariyaasha kula hadlaayay gudaha isbitalka Digfeer wuxuu yiri gudoomiye Taabit " Dhaqaatiirtu waxey noo sheegeen in xaaladda caafimaad ee Samiira wax laga qaban karo haddii la geeyo Isbitaaladda waa weynka ee Turkiga, Maamulka gobalka Banaadir wuxuu la wareegay guud ahaan inuu la tacaalo xaaaladda gabadhan oo qoys Barakac ah ka dhalatay, waxaan Alle ka rajeynaya iney hesho caafimaad buuxa waana ku dadaali doonaa maamul ahaan inaan la socono xaaladeedda.

Iisha Xasan Aadan oo ah hooyaddda dhashay gabadhaan ayaa sheegtay iney aad ugga walaacsan tahay xaalada Samiiro , waxey u mahad celisay duqa magaaladda Muqdisho oo la wareegay masuuliyadda caafimaad ee gabadhaan.

Samiiro Cumar Maxamed waxaa barri loo qaadi doonaa Turkigga , maamulka gobalka Banaadir ayaa u muuqda mid dusha u dhigtay inuu dhibaatadda la qeybsado dadka caasimadda ku nool gaar ahaan dadka caafimadkooda wax looga qaban waayay dalka gudihiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip