Cali Dheere ayaa sheegay in arrinta labaad ee uu doonayay Mukhtaar Roobow ay aheyd inuu u hoggaansamo dalabaadka Beesha Caalamka, isla markaana wada hadal lala galo dowladda Federaalka.

Waxaa uu sheegay in la isku la isku dayay in mujaahidiinta la kala jabiyo lana dacmiyiyo Muqtaar Roobow balse laga hor tagay arrintaas shirqoolka ah, sida uu hadalka u dhigay.

"Go’aankaas uma cunanmin Mukhtaar Roobow, aakhirkiina waa tan keentay inuu u hogaansamo waxa loogu yeero beesha caalamka iyo dowlada ridada ee ay beesha caalamku dhisatay si ay ugula dagaalamaan ku dhaqanka sharciga Alaah” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu marar badan isku dayay shirqoolo, isagoo ku sugan deegaanada Shabaabka joogeen, isla markaana isku daygii ugu dambeeyay uu ku baxay, balse aysan ka hortageen sidii loogu tala galay.

"Qorshaha ay gaaladu damacsaneyd ee Roobowna uu waafaqay ayaa aheyd in ciidan lagu diyaariyo gudaha wilaayaadka Islaamiga ah, Roobowna uu qaato hirgelinta abaabulka ciidan, dhaqaalaha iyo hubka ku baxayana ay bixiso dowlada mareykanka, iyadoo gacan saar kala yeelaneyso dowlada itoobiya. Allah mahadii waxaa ah in hubkii ay gaaladu usoo dhiibtey in badan oo kamid ah ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen. Hadafka ay lahaayeen gaaladuna wuxuu ahaa in ay ugu suureeyaan ummada inuu yahay dagaal u dhaxeeyo dad muslimiin ah ka hor tageen, gacantana ku dhigeen hub ay shisheeyuhu usoo dhiibeen”ayuu yiri Cali Dheere.

Ugu dameyn Cali Dheere ayaa sheegay in aysan Mukhtaar Roobow u hirgeli doonin qorshaha uu wato, isla markaana uu mari doono wadadii ay mareen raggii isaga ka horeeyay oo uu soo hadal qaaday Axmed Madoobe iyo Sheekh Shariif.