WAA WARARKA WARGEYTSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA JANNAAYO 2018-KA
Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay qatarta cayayaankaan duulaanka ku soo qaaday beeraleyda Soomaaliyeed kaas oo lagu magacaabo Fall Armyworm {FAW} waxaana uu wasiirku xaqiijiyay in uu diirtay cayayaankani dalagii beeraleydu ay beerteen wasiirka ayaa xusay in arintani ay qatar galineyso wax soo saarka cuntada iyo ilaha dhaqaalaha ee beeraleyda dalka.
"Dhibaatada cayayaanka {FAW}oo si kadis ah dalka ku soo gashay si deg deg ahna ugu baahday mudo yar gudaheed waxay musiibo kale oo lama filaan ah ku noqotay uguna sii dartay xaalada sugnaan la’aanta cuntada ee awalba wadanka ka jirtay ayna keeneen colaadaha iyo abaaraha badan ee is badalka cimilada ay qeyb lixaadleh ka mas,uul ahaayeen”ayuu yiri Wasiir Saalax.
Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa,id ku sheegay in wasaaradu ay baaq u dirtay hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ahba oo ay ku jiraan kuwa saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya isla markaasna dhibaatadaan cusub si uun u quseyso inay dadaal dheeri ah la yimaadaan si loo qaado tilaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo duullaanka Cayayaankaan.
Warkaa ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in musiibada ka dhalatay cayayaanka FAW ay ku baahday dhowr gobol oo dalka ah sida Shabellada hoose &Shabellada Dhexe Hiiraan,Bakool iyo Gedo iyo degaano ka mid ah Puntland, Galmudug iyo Soomaaliland .
GANACSATADDA SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO KULAN YEELANAYA
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib Safar Shaqo oo uu ku tagay dalka Turkiga ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay yeelan doonaan xiriir ganacsi oo ballaaran.
Waxaa uu sheegay in dhawaan ay yeelan doonaan kulan ganacsatadda dowladda Turkiga iyo sidoo kale Ganacsatadda Soomaaliyeed, kasoo ku aadan horumarinta Ganacsiga labada dal.
Mudane Mahdi ayaa sheegay in Shirkaasi ay Soomaaliya kusoo bandhigi doonto waxyaabaha ay dibadda u dhoofinkarto.
Dhawaan ayay aheyd Markii Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ay gaareen dalka Turkiga si ay heshiis Ganacsi ula soo saxiixdaan dowladda Turkiga.
FAAHFAAHIN:DIYAARADO DAGAAL OO DUQEEYAY DEGMADDA CEELWAAQ
Wararka ka imaanaya Degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen saldhig Xarakadda Alshabaab ay ku lahaayeen deegaankaas.
Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo Xasan C/llaahi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan AlShabaab lagu duqeeyay qeybo ka mid ah degmadaasi,isagoona tilmaamay in duqeynta keliya lala bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen AlShabaab.
Wuxuu sheegay in xaaladda ay tahay hadda mid degan,islamarkaana duqeynta ay joogsatay.
wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta diyaaradaha ay fuliyeen diyaaradaha Kenya oo deegaanadaasi ku baacsada AlShabaab, lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakadda Alshabaab oo loogu hadlaayo duqeynta ka dhacday Degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
GALMUDUG OO SIIDEYSAY WARIYE HANAD CABDI FAARAX
Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug ayaa shalay xabsi ku yaalla Magaalada Gaalkacyo kasii daayay Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ah Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug.
Wariyeyaasha gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay sii deynta Wariye Hanad oo Saddex maalmood ku xirnaa Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Booliska Galmudug ayaa xiray Agaasimaha Radio Codka Mudug subaxnimadii Janaayo 12keedii ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu wax ka oggaa banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.
Ma jirin wax maxkamad ah oo lasoo taagay intii uu xirnaa, waxaana la xirnaa Ganacsato laga yaqaano Koonfurta Gaalkacyo.
Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo adkeeyay, maadaama uu booqasho ku tagay Madaxweyne Farmaajo, waxaana ciidamada ay xireen cid kaste oo tuhun amni daro uu soo galay.
MADAXDA QARANKA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDII KU TIMID FANAANNADII QARANKA KHADIIJO DALEYS.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, guddoomiyeyaasha labada aqalka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo masuuliyiin hey’ada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyaddeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistii Fannaannadii Qaranka Khadiijo Cabdullaahi Camey (Dalays) oo ku geeriyootey dalka Canada.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka, ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed, Qoyskii iyo ehelladii ay ka baxdey Fannaannadii Qaranka Khadiijo Dalays, waxa uu Eebbe uga baryey in Samir Iyo Iimaan naga siiyo. Innaa Lillaahi Wa innaa Illeyhi Raajucuun.
Dhinaca kale Maareeye ku xigeenka xarunta Murtida iyo Madadaallada Qaranka C/kariin Faarax Qaarey (Jiir) iyo agaasimaha hobollada Qaranka Waaberi Maxamed Xasan Barroow ayaa iyaguna ka tacsiyeeyey Geerida ku timid Khadiijo Cabdullaahi Dalays.
CIIDAMADA AMISOM OO QARAX LAGULA EEGTAY BUULO MAREER
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabellaha hoose, ciidamada Amisom ayaa shalay halkaasi waxaa lagula beegsaday qarax.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wuxuu qabsaday mid ka mid ah kolonyo gaadiid Amisom oo maraayay duleedka deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabellaha hoose.
Wararka waxa ay sheegayaan in qaybta dambe uu qabsaday qaraxan gaariga Amisom, waxayna taasi keentay in gaari uu socon waayo oo ciidamada Amisom, halkaasi ay ka jiidaan.
Lama ogaan karo inta uu la eeg yahay khasaaraha askarta Amisom soo gaaray, balse qaraxa miinada oo aad u cuslaa ayaa la soo sheegayaa in waxyeelo xoogan uu gaarsiiyay gaariga.
Dadka ku sugan deegaanka Buulo Mareer waxa ay sheegayaan gaadiidka Amisom oo la jiidaayo in la soo galiyay gudaha Magaalada, maadaama gaari uu socon waayay oo taayarada iyo qaybta dambe ee gaariga uu saameeyay qaraxa.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Amisom qarax lagula beegsado deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha hoose.
DAD BADAN OO KU DHINTAY LABO QARAX OO KA DHACAY BAQDAAD
Inta la xaqiijiyay 20 ruux ayaa ku dhimatay labo qarax oo shalayy ka dhacay Magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.
Sida ay sheegeen saraakiisha, Waxaa sidoo kale Qaraxyaddaasi ku dhaawacmay ku dhawaad 30 qof.
Baqdaad ayay qaraxyadu aad uga dhacayeen tan iyo markii kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ay dhul wayn ka qabsatay dalka Ciraaq sannadkii 2014kii.
Wasiirka arrimaha dibdda ee Ciraaq ayaa sheegay in laga yaabo in ay dhimashadu intaas ka sii badato maadaama oo maydad hor leh la helayo.
Weerar is qarxin ah oo Sabtidii ka dhacay bar kontorool oo ku taalla waqooyiga caasimadda ayay ku dhinteen shan ruux, sida ay booliisku sheegeen.
MADAXWEYNE FARMAAJO "DOWLADDA FEDERAALKA AH WAXAY DADAAL DHEER GELISAY XASILINTA DEEGANNADA GALMUDUG
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadatashiyo la leh madaxda iyo qeybaha bulshada ee Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay ka go’antahay nabadeynta Galkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin socdaalka dib u heshiisiinta ee uu ku marayo Madaxweynahau Dowlad Gobolleedka Galmudug.
"Madaxweynaha inta uu nala joogay waxaan uga warbixinnay xaaladda guud ee gobollada, annagoona u gudbinay baahiyaha jira. Runtii muhiimad weyn ayuu noo leeyahay socdaalkaagu Mudane Madaxweyne.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in socdaalka uu ku marayo gobollada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo nabadda iyo is dhexgalka Bulshada.
"Maadama aan cidna kali noolaan Karin waa in dhammaanteen aan danta dalka u mideysannahay. Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug iyo sidii aan u mideyn laheyn shacabka ku dhaqan.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiska dhawaan lagu mideeyey dhinacyada Galmudug uu ka tarjumayo hiigsiga Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan Galmudug oo xasilloon, dadkeeduna nabad iyo horumar gaareen.
Munaasabadda soo dhaweyn waxaa ka soo qeyb galey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed, Wasiirro iyo xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.
Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ay wehelinayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa marti qaad ugu sameeyey goob beer ah oo 45 Km ka jirta waqooyiga magaalada Gaalkacayo Islaan Bshiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa marti qaadkan mid lamid ah u sameeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdulqaadir.
WASIIRKA BOOSTADA IYO ISGAARIINTA AYAA SHEEGAY IN AYSAN SUURTOGEL AHAYN IN UU DALKA KA SHAQEEYO FURE AAN AHAYN..
Wasiirka Boostada iyo Isgaariinta iyo Tiknolojiyada Cabdi Cashur Xasan ayaa Sheegay in aysan suurtogel ahayn in uu dalka ka shaqeeyo fure aan ahayn dalkugalka dalka ee 252 ee soomaaliya isaga oo sidoo kale digniin adag u jeediyey Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Cidkasta oo isku dayda in ay dalka soo gelisa isgaarsiin ku shaqeysa fure aan ahayn 252 in ay wasaaraddu awood u leedahay xanibaad adeeggooda ah ah.
Hadalkan oo uu Wasiirku ku faafiyey Bartiisa facebookga ayaa waxa uu sheegay In Wasaaraddiisu ay gacanta ku hayso qorshe dib u habayn balaaran lagu samaynayo qorsheynta Lumberada ay isticmaalaan dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka oo ay bilawdeen wadatashiyadiisa
. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay dhowaan dhamaystiri doonaan howlaha la xiriira howlgelinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka
Haddalkan ka soo yeeray Wasiirka ayaa waxa uu u muuqdaa mid jawaab u ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland C/wali C/llahi Suufi oo dhawaan sheegay in uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal Isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya
MAXKAMADDA DEGMADDA BERBERA OO LABA WARIYE XUKUNNO KU RIDAY
Maxkamadda degmadda Berbera ayaa shalay xukunno ku riday laba suxufi oo uu hore u soo dacweeyey maayarka magaaladda Berbera Cabdicashuur Cidin.
Maxkamadda degmadda Berbera ayaa toddoba bilood oo xadhig ah ku xukuntay labadan wariye ee magacyadoodda kala yihiin Cabdiraxmaan Maxamed Cigge oo ka hawlgala Saab Tv, xaruntiisa Berbera iyo Axmed Siciid Maxamed oo isna ka hawlgala Television Eryal.
Labadan wariye ayaa lagu eedeeyey inay warar been ah ka baahiyeen Maayarka degmadda Berbera, waxaanay maxkamadda Berbera ku xukuntay xukun dhan toddoba bilood.
Sidoo kale, waxa xabsiga Boorama ku jira laba wariye oo iyagana maxkamaddi ku xukuntay midkiiba laba sanno oo xadhig ah.
AKHRISO: SOOYAALKA IYO TAARIIKHDA AUN FANAANNAD KHADIIJO C/HI DALEYS..
Magaceedu waa Khadiijo C/lahi Daleys, waxay ku dhalatay magaalada Baydhabo sanadkii 1934kii ,waxayna kusoo barbaartay Isla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaas oo ay ku sugnayd ilaa ay noqoto gabadh gashaanti guur gal ah.
Sido kale waxay waxbarashada hoose dhexe ku qaadatay isla gobolka Bay,waxaa laga sheegaa Dalays inay sameeyn jirtay heeso iyo ciyaaro marka la joogo xilliyada Fasaxa, islamarkaana waxay ahayd Inan Ilahay ku manaystay hibo iyo hal abuur aan horey loogu arag hablaha Aynigeeda ah.
WAA WARARKA WARGEYTSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA JANNAAYO 2018-KA
WASAARADDA BEERAHA OO WALAAC KA MUUJISAY CAYAYAAN FARA BA'AN KU HAYA BEERALEYDA SOOMAALIYEED… Wasiirka wasaaradda beeraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid oo Shalay hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in