Faah-faahin:-Diyaarado Dagaal oo Duqeeyay Degmadda Ceel-waaq

0
Monday January 15, 2018 - 18:13:07 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahin:-Diyaarado Dagaal oo Duqeeyay Degmadda Ceel-waaq

    Wararka ka imaanaya Degmadda Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen saldhig Xarakadda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaankaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Degmadda Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen saldhig Xarakadda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaankaas

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo Xasan C/llaahi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab lagu duqeeyay qeybo ka mid ah degmadaasi,isagoona tilmaamay in duqeynta keliya lala bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in xaaladda ay tahay hadda mid degan,islamarkaana duqeynta ay joogsatay.

wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta diyaaradaha ay fuliyeen diyaaradaha Kenya oo deegaanadaasi ku baacsada Al-Shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakadda Al-shabaab oo loogu hadlaayo duqeynta ka dhacday Degmadda Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip