Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Fanaannadii Qaranka Khadiijo Daleys.

0
Monday January 15, 2018 - 17:34:33 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Fanaannadii Qaranka Khadiijo Daleys.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, guddoomiyeyaasha labada aqalka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, guddoomiyeyaasha labada aqalka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo masuuliyiin hey'ada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyaddeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistii Fannaannadii Qaranka Khadiijo Cabdullaahi Camey (Dalays) oo ku geeriyootey dalka Canada.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka, ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed, Qoyskii iyo ehelladii ay ka baxdey Fannaannadii Qaranka Khadiijo Dalays, waxa uu Eebbe uga baryey in Samir Iyo Iimaan naga siiyo. Innaa Lillaahi Wa innaa Illeyhi Raajucuun.

Dhinaca kale Maareeye ku xigeenka xarunta Murtida iyo Madadaallada Qaranka C/kariin Faarax Qaarey (Jiir) iyo agaasimaha hobollada Qaranka Waaberi Maxamed Xasan Barroow ayaa iyaguna ka tacsiyeeyey Geerida ku timid Khadiijo Cabdullaahi Dalays.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip