Is bedelkan ayaa qeyb ka ah amar ka soo baxay Madaxweynaha oo ahaa in Saraakiisha dhalinyarada ee ka midka ah Ciidamada qalabka sida loo magacaabo Hoggaanada qeybaha kala duwan ee ciidanka.
Labo ka mid ah dhalinyaradii ka baxday jaamacadaha ee ku biiray Taliska Booliska, oo dhowaan darajooyin loo xiray ayaa loo magacaabay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Shibis iyo Boondheere.
Cali Xasan Axmed ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Shibis, halka Cabdi Wakiil C/llaahi loo magacaabay Taliyaha Booliska saldhiga degmada Boondheere, waxaa xilalka laga qaaday taliyeyaashii hayay oo ahaa kuwo aad uga da’ weynaa dhalinyaradan la magacaabay.
Inkastoo tallaabadan ay tahay mid dhiira gelin u dhalinyarada, hadana dadka qaarkood waxay su’aal ka keenayaan khibradooda shaqo, marka loo eego xilka loo dhiibay.
Taliyeyaal dhalinyaro ah oo loo magacaabay qaar ka mid ah Saldhigyada Booliska degmooyinka G/Banaadir
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa markii u horeysay howl geliyay Saraakiisha dhalinyarada Booliska ee dhowaan ku soo biiray, kuwaasoo loo magacaabay Taliyeyaal saldhigyo boolis ku yaala qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.