Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta "Soomaaliya kama shaqeyn karo fure aan ahayn dalkugelka 252"

0
Monday January 15, 2018 - 10:32:01 in Wararka by
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta "Soomaaliya kama shaqeyn karo fure aan ahayn dalkugelka 252"

    Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaariinta iyo Tiknolojiyada Cabdi Cashur Xasan ayaa Sheegay in aysan suurtogel ahayn in uu dalka ka shaqeeyo fure aan ahayn dalkugalka dalka ee 252 ee soomaaliya isaga oo sidoo kale digniin adag u jeediyey Shirkadaha I

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaariinta iyo Tiknolojiyada Cabdi Cashur Xasan ayaa Sheegay in aysan suurtogel ahayn in uu dalka ka shaqeeyo fure aan ahayn dalkugalka dalka ee 252 ee soomaaliya isaga oo sidoo kale digniin adag u jeediyey Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Cidkasta oo isku dayda in ay dalka soo gelisa isgaarsiin ku shaqeysa fure aan ahayn 252 in ay wasaaraddu awood u leedahay xanibaad adeeggooda ah ah.

Hadalkan oo uu Wasiirku ku faafiyey Bartiisa facebook-ga ayaa waxa uu sheegay In Wasaaraddiisu ay gacanta ku hayso qorshe dib u habayn balaaran lagu samaynayo qorsheynta Lumberada ay isticmaalaan dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka oo ay bilawdeen wadatashiyadiisa

.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay dhowaan dhamaystiri doonaan howlaha la xiriira howlgelinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka

Haddalkan ka soo yeeray Wasiirka ayaa waxa uu u muuqdaa mid jawaab u ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland C/wali C/llahi Suufi oo dhawaan sheegay in uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal Isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip