Wuxuu intaasi ku daray Madaxweyne Farmaajo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalinteeda ka geysan doonto dib u dhiska wadadaasi oo muhiim u ah bulshada kunool Gobolkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu dhanka kale siweyn uga hadlay arrimaha nabadgeliyada magaalada Gaalkacyo,wuxuuna sheegay in shacabka ku dhaqan magaaladaasi looga baahanyahay in ay ilaashadaan amniga iyo xasilooniga magaalada Gaalkacyo.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaan madaxweynaha Soomaaliya uu kulamo kaladuwan la qaadanayaa madaxda iyo bulshada Galmudug,isagona intaasi ka dib lafilayo in uu u safro deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

Dhagax dhigga wadada Hobyo iyo Gaalkacyo
1of 7