Maraykanka: Digniintii beenta ahayd oo faahfaahin laga bixiyey
Sarkaalka Maraykanka ah ee hogaaminaya baadhitaanka lagu hayo sababta keentay in digniin weerar gantaal ah oo lagu soo ekaynayo loogu diray dadka reer Hawaii, ayaa sheegay in aan gobolku lahayn hanaan haboon oo lagu baajin karo khaladaadka noocaas ah.
Digniintaa beenta ah ayaa waxay Sabtidii abuurtay baqe dadka ku baahay.
Warbixin uu soo saaray gudoomiyaha gudida isgaadhsiinta heer federaal ee Maraykanka, Ajit Pai, ayaa sheegtay in ay haboon tahay in saraakiisha dawladdu xil iska saaraan sidii ay uga hortagi lahaayeen in dhacdo tan oo kale ahi mar kale timaad.
Wuxu sheegay in ay ma huraan tahay in wixii sixid ah ee lagaga gaashaamanayo in digniin been ahi ay mar kale baxdo si deg deg ah loo meel mariyo.
Image caption Lahaanshaha sawirka.
Maraykanka: Digniintii beenta ahayd oo faahfaahin laga bixiyey
Sarkaalka Maraykanka ah ee hogaaminaya baadhitaanka lagu hayo sababta keentay in digniin weerar gantaal ah oo lagu soo ekaynayo loogu diray dadka reer Hawaii, ayaa sheegay in aan gobolku lahayn hanaan haboon oo lagu baajin karo khaladaadka noocaas ah