WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA JANNAAYO 2018-KA

0
Monday January 15, 2018 - 09:08:59 in Wararka by
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA JANNAAYO 2018-KA

    FARMAAJO OO GAALKACYO KA DHAGAX DHIGAY XARUNTA NABADEYNTA IYO DIB U HESHIISIINTA.. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan safar ku marayay Puntland ayaa gaaray xarunta Madaxtooyada Dowlad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FARMAAJO OO GAALKACYO KA DHAGAX DHIGAY XARUNTA NABADEYNTA IYO DIB U HESHIISIINTA.. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan safar ku marayay Puntland ayaa gaaray xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo isaga oo shacabkii soo dhaweeyay u sheegay in dowladda Federaalka ay ka go'antahay nabadeynta Galkacyo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay higsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen khilaafaadka soo noqnoqday ee ragaadiyey nolashooda.

"Nabad la’aanta waxaa idin kaga maqan horumar. Annaga dowlad ahaan wixii mashaariic horum arineed ah ee aad u baahantihiin waa idin keeneynaa, balse reer Gaalkacayo maanta waa in ay kala doortaan in ay ku tartamaan Colaadda ama horumarka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso midnimada iyo wada jirka bulshada Gobolka Mudug, isagoona faray dhammaan dhinacyada kale ee heer Gobol iyo heer Degmo in ay u istaagaan Dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee ku cool Galkacyo..

"Dib u heshiisiinta aan wadno waxa ay tahay in qofkasta oo gobolkan ku sugan uu kaalintiisa ka qaato sidii aan u ilaashan lahayn midnimadeenna iyo wada jirkeenna. Gaalkacayo oo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah.”

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweyn aha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigay Xar nta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirg elinayo Gaalkacayo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmada Hobyo iyo magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo wada tashi la qaatay Madaxda heer Dowlad Goboleed, duubabka dhaqanka, culumada iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo dar dar geliyo dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka.

FAYSAL CALI WARAABE OO KA HADLAY WIIL UU DHALAY OO LAGU DILAY SUURIYA

Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay wiil uu dhalay oo la sheegay in lagu dilay dalka Suuriya, kasoo ka tirsanaa Kooxda Daacish.

Waxaa uu sheegay in wiilkaasi uu dhintay, islamarkaana uu qaatay fakirka Kooxda Daa cish,isagoona ka yimid Qaaradda Yurub.

Wiilka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Faysal , waxaana lagu dilay duqeyn ka dhacday goob isaga iyo koox ka tirsan Daacish ay ku wada sugnaayeen,halkaas oo Diyaaradaha Syria ay ku duqeeyeen.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Hooyada u dhashay wiilkan uu u sheegay in aan dib loogu cusbooneysiin Baasaboorka Finland,maaddaama ay suuragal tahay in uu dhibaato ka geysto gudaha dalkaas.

Faysal waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu ka baxay Dalka Finland halkaas oo uu ku dha shay,waxaana uu xusay in dowladda Finland ku wargeliyay warka soo gaaray isaga.

DAD KU DHINTAY SHIL KA DHACAY WAJEER

Ugu yaraan Afar Qof ayaa ku geeriyootay Toban kalana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray shil baabuur oo ka dhacay inta u dhaxaysa Habasweyn iyo Laghboghol oo ka tirsan ismaamulka Wajeer Kenya.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii uu gaari Tareella ah ku dhacay Bas, kaas oo ay saarnaayeen inta badan Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay sida uu saxaafadda u sheegay Taliyaha Ciidanka waddooyinka Wajeer, James Cheptiony.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka waddooyinka Wajeer, James Cheptiony ayaa warbaahinta u sheegay in gar gaar deg deg ah loo fidiyay dadkii waxyeelada dhaawaca ah uu ka soo gaaray shilka, ayna wadaan waxa sababay shilka.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku soo badanaya shilalka Baabuurta kala duwan, taasoo loo aane ynayo taxaddar la’aan ay muujiyaan wadayaasha Gaadiidka Xamuulka iyo kuwa raaxada, gaar ahaan marka ay ku safrayaan goobaha ka baxsan Magaalooyinka.

RAISULWASAARE KHEYRE OO KA QEYB GALAYA SHIRKA MADASHA DHAQAALAHA ADUUNKA SWITZERLAND.

farmajo-dhagaxdhig-5 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Kaasi oo ka furmidoono Dalka Switzerland.

Shirka oo ay ka qeybgalidoonaan hogaamiyaal ka kala socoda wadamada Caalamka ayaa lafilayaa in lo oga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo si dii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaali ya ay kujirto,wuxuuna furmaya bishan Janaayo gudehee da.

kheyre_suaalo-620x330 Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah hogaamiyaal ka socda Qaaradda Africa ,waxaana lafilayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ka socota wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha.

Shir ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay kujiro wadamo yer oo Africa ka tirsan,kuwaasi oo si gaar ah loogu casuumay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu shalay la kulmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowlad da Soomaaliya,isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha Wasaaradda.

Wuxuu kula dardaarmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay sii kordhiyaan dadaalkoodi ku aadan sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dhaqaalaha Dalka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DHAGAX DHIGAY WADDADA XIRIIRISA GAALKACYO IYO HOBYO 

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa shalay meel fagaaro ah kala hadlay bulshada ku dhaqan Koonfurta magaalada, isaga oo ku booriyay in nabada laga shaqeeyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tagay oo soo arkay goobihii ay u dagaalameen labada maamul, waxaana uu amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada halkaa ku sugan la ga kaxeeyo.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa dhagax dhigay Waddada xiriirisa magaalada Gaalkacyo iyo Hobyo oo ah muddo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaale ee guud ahaanba marka la eego deeg aannada gobollada dhexe, isaga oo balanqaaday in dowladdiisu ka shaqeyn doonto hormarinta iyo dhismaha adeega bulshada.

ALSHABAAB OO DAGAAL KULA WAREEGAY DEEGAANKA CEELKA GEELOW EE DEGMADA BALCAD

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan AlShabaab ay soo weerareen deegaanka CeelkaGeelow oo u dhexeeysa magaalada Jow har iyo Balcad halkaasna uu ku dhex maray iskahorimaad hubeysan ciidamo halkaas ku sugnaa.

Dagaalka ka dhacay deegaankaas ayaa la sheegay inuu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyadoo ay tahay markii labaad oo deegaankaas ay soo weeraraan ururka Alshabaab muddo labao toddobaad ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawacba ay soo gaartay, hase yeeshee deegaanka CeelkaGeelow oo ku yaal wadada laamiga ah una dhexeeya Jo har iyo Balcad ayaa ahayd Bar koontarool oo ay ciidamo Milatari ku sugnaayeen.

Kulan shalay ay ku yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa qodobadii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa amniga gaar ahaan wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in amniga wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho uu xumaaday loona baahan yahay in madaxda dowlad goboleedka ay isticmaalaan isla markaana la geeyo ciidamo xoog leh.

AKHRISO:MADAXWEYNE SHARIIF XASAN OO XILAL CUSUB MAGACAABAY

Degreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda Sare ee maamulkaasi,iyo Xeer ilaaliyaha guud ee K/Galbeed oo markii ugu horeysay uu yeesho Dowlada Goboleedka K/Galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa guddoomiyaha Maxakamadda Sare u magacaabay Axmed Cali Muuse,kaasi oo bedelaya guddoomiyihii hore ee Maxakamadda Sare oo horey xilka qaadis loogu sameeyey.

Sidoo kale Degreetada xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan ka soo baxday waxaa lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulkaasi Koonfur Galbeed,kaasi oo loo magacaabay Maxamed Macalin Cabdiyow.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiintani in ay xilkoodi u gutaan si hufan,islamarkaana ay qabtaan adeegyada ay uga baahanyihiin bulshada ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed.

XUKUMADDA KHEYRRE OO DALBATAY IN LAGA GACAN SIIYO WAX KA QABASHADA ARIMAHA GARSOORKA.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukumadda Fedraalka Soomaaliya oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in hay,addaha garsoorka aysan u dhameystirn een wax yaabihii Shaqadooda aas aasiga u ahaa, sida Xarumihii ay ku shaqeyn lahayeen islamarkaan ay laga maarmaan tahay in la helo.

somalia-logo Sidoo kale wasiirka Caadalada ayaa tilmaamay in dadka maxkmadda aadaya qaarkod ay sabol yihiin oo aysan heli Karin qarashkii ay ku aadi lahayeen waxaana uu intaasi raaciyay in hay,adaha Caalamka ay arrintaasi u gudbiyeen kana dalbadeen in laga gacan siiyo.

Abuuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa qiray in wadaarada Cadaalada xiligan caqabado badan ay ku hor gud banyihiin.

MAREYKANKA IYO ITOOBIYA OO KA WADA HADLAY DAGAALKA AL SHABAAB

hh-696x389 U qaabilsanaha arrimha Afrika ee Mareykanka Donald Yamamoto oo ka hadlay Booqasho uu ku maray dalal ka mid ah Qaaradda Afrika ayaa sheegay kadib kulan uu la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Deseleng in ay ka wada hadleen sidii DFS u xoojin lahayd la dagaalanka Al Shabaab iyo Kooxda Daacish, si nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo Soomaaliya.

Mr Yamamoto ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Ehio pia uu kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa Shaqaaqooyinka Qowmiy daha ee ka taagan gudaha dalkaasi.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay jaritaanka Saadkii DowladdA Mareykanku ay siin jirtay Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa uu ku Jawaabay in ay tahay arrin KMG ah, taas oo lagu xaqiijinayo dhanka isla xisaabtanka.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada DFS ay u baahan yihiin in la siiyo tababar isku mid ah, islamarkaana ay yeeshan hoggaan mideysan.

Dhawaan ayey ahayd markii Dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday in ay jartay Sahaydii ay siin jirtay Ciidanka milateriga Soomaaliya sababo ay ku sheegeen masuqmaasuq hareeyay Saha ydaasi.

Q.M OO DALBAATAY IN WAX LOO QABTO CARUUR LAGA BURBURIYAY GURYAHOODII M/MUQDISHO.

Hayadaha Qaramada midoobay uqaabilsan caruurta ee Unicef iyo Save the Children ayaa warbixin waxaa ey kasoo saareen dad kusoo barakacay duleedka muqdisho oo dhawaan laga saaray xeryahoodii oo ku yaalay degmada Kaxda ee Gobolkan Benaadir.

Warbixintan wadajirka ah ayaa Labada hayadood waxa ey ku sheegeen in kumanaan qaxootiya markale dib looga barakiciyay guryahoodii iyaga oona walaac xoogan ka muujiyay xaalad da dadkaas.

In kabadan 4kun oo qoys ayaa la sheegay in ey meesha ka baxday agabyadii nolosha iyo deegaankii ey daganayeen.

Dadkan ayaan la sheegay in ey daganaayeen deegaanka KM13 lana barakciyay 2930 bishii December ee sanadkii hore ee 2017kii, iyaga oo ubadnaa haween iyo caruur la daalaa dhacayay adeegyada yari ka taagan xaryaha barakaca ee gudaha dalka ka jira.

Iyada oo deegaanka ey ku noolaayeen ku dhawaad 3kun oo caruur ah jirtana da’ada waxb arashada kuwaa oo tira badan oo kamid ah ey waxbarasho ku heesteen xeryahooda ayaa waxa dhacday in la burburiyay guud ahaan deegaankii, ugu yaraanna 4iskuul oo xeradan ku yalla ayaa la burburiyay taa oo keentay in caruurta ey dugsigii seegaan.

Hayadahan ayaa walaac ka muujiyay in caruurtaa ey dib uhelaan tacliintii iyo inkale waxa eyna ugu danbeeyn soo jeediyaan in loo baahanyahay in caruurtan iyo qoysaskooda laga caawiyo sidii ey uheli lahaayeen adeegga caafimaadka iyo nafaqeynta, biyo nadiif ah, nadaafad iyo Waxbara sho.Dadkan oo kasoo barakacay intooda badan gobolada koofureed ee dalka xilligii ey socotay abaartii Sima ayaa dagay dhul banaan oo si gaar ah loo leeyahay, taa oo markii danbe keentay in dadkii dhulka lahaa ey dalbadaan in dhulkooda looga saaro dadka barakaca ah.

Balse dadkan markii laga saaray halkii ey daganaayeen waxaa dib udajin usameeyay maamulka gobolka Banaadir

CUMAR SHARIIF JEEG ” DEGMADDA XAMARWEYNE WAXAA NOQON DOONTAA MEELAHA UGU QURUX BADAN CAASIMADDA MOGADISHU…”

Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne mudane Cumar Shariif Jeeg oo aan ka wareysanay xaaladda degmada Xamarweyne ayaa wuxuu nooga faahfaahiyey horumarka ay gaartay iyo hour marka ay higsan doonto mustaqbalka, maadaama ay xamrweyne tahay caasimada Mogadishu xudunteeda ama Senterkeeda, loona baahan yahay in ay lamid noqoto sida caasimadha aduunka oo kale, ayuu wuxuu sheegay gudoomiyaha in hadda waxyaabo badan sax laga qabtay sida laam iyadaha oo dhismooyin lagu hayo isla markaasina howlaaha adeega bulshada la soo celiyo.

Gudoomiyaha asigoo waxbixin dheer ah siiyey cidaacadda Somaliweyn Radio ee dalka Swe den oo uu inoo wareysanaayey wariye Yoonis Khaliif ayaa waxaa uu dhacay sidatan

XOOGAGA NISA OO 3 NIN KU DILAY DEEGAANKA CEELASHA BIYAHA

Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa gelinkii dambe ee maanta hawlgal gaar ahi ka fuliyay Deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ku yaala wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Hawlgalkan oo ahaa mid ka dhan ah kooxo lagu sheegay inay burcad yihiin, ayaa ka dhex dhacay maqaaxi ku taala Ceelasha Biyaha, iyadoona lagu dilay saddex ka mid ahayd burcaddii.

Goobjoogeyaal, ayaa sheegay in Ciidanka NISA ay si gaadmo ah ku soo weerareen raggaasi, xilli ay qaad ku cunayeen maqaaxi ku dhow Al Nasri 3 ee Ceelasha Biyaha, islamarkaana uu hal kaasi ka dhacay iska horimaad.

Goobjoobe magaciisa ka gabsaday, ayaa isna sheegay in Ciidanka NISA ay halkaasi ku dile en saddex ka mid ah raggii uu bartilmaameydku ahaa, halka NISA laga dhaawacay laba askari.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in goobtaasi uu ka baxsaday ninkii madaxda u ahaa burcadda, oo naaneystiisu lagu sheegay Faaraxey.

Burcadan, ayaa la tilmaamay inay markii hore la shaqayn jireen Gudoomiyaha Ceelasha Biya ha, balse ay mar dambe isu dhaceen, iyagoona bilaabay in ay dadka ka qaadaan lacago aan sharci ahayn, waana taas midda keentay in weeraro.

MADAXWEYNAHA FALASTIINIYIINTA OO KU GACAN SAYDHAY QORSHAHA TRUMP

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, oo hadal ka jeedinayey shirka hogaanka Fala stiiniyiinta oo ka arinsanayay sida ay uga fal celinayaan go'aanka Maraykanku ugu soo rarayo safaa radiisa magaalada Qudus, ayaa aad u dhaliilay madaxweyne Trump.

Cabbaas ayaa ku tilmaamay talaabadaa weji gabaxii qarniga, taas oo uu ugu dacal dhabayey tilmaantii uu Trump ku sheegay qorshaha nabada Bariga Dhexe ee Maraykanku wadaa inuu noqon doono heshiiskii qarniga.

Cabbaas ayaa sidoo kale sheegay in Falastiiniyiintu aanay ka qayb geli doonin qorshahaa mar hadii Trump si cad Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

SHABAAB OO SHEEGTAY IN AY QARAX LA EEGTEEN CIIDANKA KENYA

Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa qarax jidgal ah lagula eegtay degaan ka tirsan Gobolkaasi.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa kol onyada Kenya ka tirsan ee lala eegtay waxa ay ku sii jeedeen degaanka Faxfaxdhuun ee Gobalka asi, iyaga oo sahay u siday Ciidan halkaasi ku sugnaa.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan inuu haleelay mid ka mid ah kolonyada Cii amada Kenya, iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay degaano iyo Tuulooyin u dhaw goobta qaraxa uu ka dhacay.

Shabaab oo masuuliyadda qaraxan sheegtay ayaa waxa ay sheegeen qaraxa jid galka ah in uu qabsaday gaari Beeba ah, iyaga oo sidoo kale sheegay in gabi ahaan uu burburay gaariga, sidoo kalena ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiiyeen Ciidanka Kenya. Ma jirto ilo rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ciidamada Kenyanka ka soo gaaray qaraxaasi Miinada ah ee Al Shabaab wadada ugu aaseen ciidamada Kenyanka.

Inta badan ciidamada Kenya xilliyada ay doonanayaan sahayda iyo waxyaabaha la midka ah waxaa wadada u gala xoogaga Ururka AlShabaab oo qaraxyo iyo dagaal toos ah ku qaada.

KENYA OO MAANTA XUSEYSA WEERARKII CEELCADDE

Dowladda Kenya ayaa maanta oo Isniin ah qabaneysa xus ku saabsan askartii uga dhimatay weerarkii Ceel Cadde ka dhacay 15kii January 2016, Askar badan ayaa Kenya looga laayay weerark aasi.

Waxa ay Kenya sanad walba xus u sameysaa Askarta looga laayay Ceel Cadde, kuwaasi oo ay ku sheegtay in ay ahaayeen geesiyaal wadaniyiin ah, iyada oo Kenya weli aysan sheegin tirada rasmiga ah ee weerarka looga laayay.

Xoogag ka tirsan ururka Alshabaab ayaa xilli subax ah weerar ku ekeeyay Ceel Cadde, Hay’adaha ammaanka ayaa ku sheegay khasaaraha weerarkaasi in ka badan 100 Askari, iyada oo ay jiraan weli Askar nolol iyo geeri aanan lagu heyn.

Kenya ayaa bixisa mushaarka Askartii lagu laayay Ceel Cadde, taasi oo la siiyo qoysaskoodii sida in askartii nool yihiin, hayeeshee waalidiinta Askartaas waxa ay doonayaan in wax u kala cadaadaan.

Ururka Alshabaab ayaa weerarkii Ceel Cadde ku qabsaday Askar nool oo Kenyan ah, qaar kood ayay muuqaalo ka soo duubeen oo ay soo geliyeen baraha Internetka, halka qaarka kalena ay weli heystaan.

"Dowladda aniga iguma aysan casuumin xuska weerarkii Ceel Cadde, wiilkeyga waxaa lagu magacaabi jiray Jonathan Anunda, waxa uu ku dhintay weerarkaasi, balse Dowladdu iima aysan sheegin in wiilkeyga uu nool yahay ama dhintay, qoysaska wiilashooda dhinteen waa lagu marti qaa daa goobta xuska, waxaan la yaabanahay dhaqanka Dowladda.” Ayuu yiri Benson Anunda oo ka mid ah waalidinta wiilashooda lagu dilay weerarki Ceel Cadde.

Sanad walba xilligan oo kale Ciidamada Kenya waxaa ay galaan heegan iyo feejignaan dheeraad ah, oo ku aadan in Shabaab weeraro la mid ah kuwii horey ay fuliyaan geystaan, January 2016 waxaa wada dhacay weerarkii Ceel Cadde iyo midkii Kulbiyow oo labaduba lagu beegsaday Ciidamada Kenya.

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN 

{SHEEKOTAXANE AH}

Q/84aad

Raxmo:Gacaliye Abboowe Macaan C/qaadir, Ab boowe waxaa jira MaahMaah soomaal iyeed oo oran eysa {Ninka Daciifkaahi Ma Kasban karo Qalbiya da Haweenka}.

Midda kale Gacaliye Abboowe Macaan C/dir Waxa ad xaggeyga ka tahy Nin muuqaal ahan soo jiidasho leh dhaayaheygana soo jiitaan, xagga hadalka marka aan ka hadlona Af Ma lab ah Codka rnnimadana uu Ila ahey uu Hi bo u siiyey, Hal Abuurna ah Suugaan tiisu na Heeso, Gaba yo, Guuroow, Geer aaro ey u badan yihiin…

Miisaan Aqliyeed oo kala harana leh , dareen feeji ganna eebbe ugu deeqay , wax bada nna ka fahamsan Haaswaaha iyo soo jiidashada dumarka intaana wa xaa kuu dheer gacaliye Abboowe Macaane C/qaadir waxaad tahay nin sheeko badan oo bulsh aawi iyo be ysaani ahoo aan xiiseeyo aniga Raxmo ahaan Mark aan iska hadlo la kulankiisa .

Midda kale C/qaadir Aboowe Macaane Magaca Ja ceyl waa xarfo ka kooban lix xarafood oo muctarin ah oo isla mar ahaantaana kudhawaaqistooda uu xa nbaarsan yahay sifo wanaagsan degganaan iyo ra alli ahaansho nafta xageeda ah.

Jaceylku waa mid muctarif ah oo isku keena amaba kulmiya bulsho aan isku heyb iyo isku midab ahyen , kaasoo ka dhiga ka isku koox ama iksu dan meel qura ka soo wada jeeda ogowna mac aane in ay jirto oraah oraneysa { illaaheey markuu irid kaa oodo irid kaluu ku u furaa } adigana ii noqo qaaligeyoow C/qaadir Abboo we Macaane.

Farj uu alle ii furay, ogowna inay ay jirto xigmad dha heysa {kibirka wuxuu kaa saaraa harka, meel wan aagsanna kuma geeyo} {Pridetake.you any where} ee Kibirka iska ilaali oo xey daabka aad ku jirto yuusan kaa saarindda kale Gacaliye C/qaadir Abboowe Mac aane Jac eylka waa midka sababta u ah guri dhisan oo ay ku nool yihiin qos dhan oo ay Hooyo iyo Ambbe u madax yihiin lagan yaabo in ay gaaraan ambka ab ill aa iyo abuullan.

Hadaba Jaceylka haddiibu uu sifahaasi quruaxda badan uu ku socdo macaan oo loo aayo ayuu dhalaa Gabagabdiisuna waa guul lagu faxo .

lMidda kale Qaaligeygiyoo C/qadir Abboowe Macaa ne uur ku taalada haweenka la bado iyo jaceylka aan daacadda ahyen ee lagu beero qaluubtooda ma yaree mar marka qaarna wa xaa lala sameeyaa xiriir aan dhab aheyn iyo sheeko aan bushaha sii dhaafsii sneyn oo ku meel gaar iyo qatri lumis ah , waxaan aan marksta aan arkaa dumar fara badan oo raggae ed ka tirsanaya sidii ballanta lagu galayna aan looga soo bixeyn, waxaana wax lagu yaqaano ragga shalay jira ee koonkaan dushiisa ku nool, Markii ay dantooda gaaranna meel cidlo ah kaga dhaqaaqa axdigii ay galeen , alle maxaa eed nabsi iyo denbi laga galay du marka oo hadimmop loo geystay , maxaa riyo aan dhaboobeyn run looga dhigay oo reero gabdhoodu gabdho u hey teen laga garoobeeyey mana yara godo bta maalin kasta loo geysto gadhaha gabooleeyda caalamka oo idil ee da’yarta ah , mana yara inta gab dho masaakiin ah been been lagu soo xero geliyey lag una dhaqay runta , mana yara inta aan aragnay dumar la ilmeeyey dhibaatada soo food saa ray markii ay no loshooda ku aamineen rag beenaal ayaal ah oo Qaa ’imiin ah iyadoo shabaq aad u dhe ena dacallada ugu dhex daadshan yahay raggaas qaa;imiinta ah si ay u ga soo dhacaan gabdho daaca u mooda dabinkaas loo maleegayo.

Midda kale Gacaliye C/qadir Abboowe Macaane waxaa jira in hablaha yar yar ee soo koraya oo aan weli indha bikaacsan ay waddada ku sugaan rag shab eel naagoodyo loo yaqaanno ogowna Gacaliye in ay jirto Mahmaahyo soomaaliyeed oo oraneysa

{Qof aad isku kobo tihiin baa la raacaa },{Birds of Feathers Flook Togthar}. Gacaliye C/qadir Abboowe Macaane Runtii Jaceylka waa mid jira dareenka bei’a adankana ku baahi jirayna ilaa maa illaa iyo waqtigii {Aadan iyo Xaawo} soona tixnaa ilaa iyo shalaydan oo aynu jooghno, wa ana mid ku sifoobay qurux iyo wa naag il qabad leh sidiisuna waxaa laga dhexlaa sam aan iyo xummaan ku xiranhadba sida uu ruuxu ugu xoogeysto,

Midda kale Gacaliye C/qadir Abboowe Macaane naf wax jeceli lamma sasabi karo,laguman qan cion karo in ay ilowdo ruuxii ay ku hammineysay laabteedana ku heysay. tan kale Gacaliye C/qadir Abboowe Macaane si isku mid ah looma dhamdhamiyo macaanka iyo qar aarka max aase ka ciil iyo murgo badan adigoo jaceyl muddo badan la soo jilaayey lammaanagada oo aad if ka ugu jaceshay ugu danbeystana uu meel cidlo ah kaaga dhaqaaqo jaceylkana uu kuugu cidl eeyo adigoo dhib badan aad ka soo martay koolkoolintiisa iyo kobci ntiisa si uu kiro u dhalo.

ogo ow Gacaliye C/qadir Abboowe Macaane qofk ast qofka uu ka dhib badan yahay waa uu ka calaacal badan yahay,tan kale Gacaliye C/qadir Abboowe Mac aane Jaceylka daraasad lagu sameeyye ayaa lagu og aaday in wanaagiisa ay dhibaatadiisu ay ka waxyeelo badan tahay imisaase lammaanayaal is jecel dabeed na is doortay oo doonaayey in ay ila aqal galaan is haleeli waayeen iyagoo ay caqabado yasan filaneyn ka horyimaadeen oo ay isla markaana la hor

dhigay caqabd kala geysa

LA SOCO ISNIINTA DANBE INSHA ALLAAH

W/QORAY C/QAADIR CABDULLE NUUR {QALBBI

DAHAB} TEL: 0618455506

BOGGA CAYAARAHA

MARCELO OO WEERAR AFKA AH KU QAADEY KOOXDIISA KADIB GUUL DARADII KASOO GAARTEY VILLARREAL

Real Madrid ayaa waxay kala kulantey kooxda kubada cagta Villarreal guul daro xanuun bad an kadib markii looga badiyey garoonkeeda kulan ciyaareed xiiso badnaa kasoo ka tirsanaa horyaalka La Liga ee wadanka Spain.

Kulankaan oo kusoo dhamaadey 10 oo looga badiyey Madrid ayaa waaa goolkaas uu yimid daqiiqadihii ugu dambeeyey ee kulankaan, waxaana ugu shubey laacibka lagu magacaano Pablo Fornal, kaasoo yimid daqiiqadii 87aad.

Kadib kulankaas ayaa daafaca Real Madrid ee Marcelo, wuxuu ku tilmaamay dhibaatada hada haysata iyo guud ahaan kulankaas midii ugu xumeed ee soo marta Taariikhdiisa kubada cagta.

Wuxuu yiri kadib kulankaas: "Waa mid kamid ah, xaaladihii ugu xumaa ee isoo mara, dhamaan xirfadeyda kubada cagta. [11 sano ayuu Real ka tirsan yahay].

Wuxuu intaas ku darey: "Anigoo isku dayeyna inaan dheelo kubad wanaagsan, oo aan qaadeyno Banooniga si aan gool udhalino ayaa waxaa yimid bedal.

Wuxuu intaas raaciyey: "Ma ahan sida aan udhibaatooneyno mid banaanka ka timid [Waa dhaxdeena] waa murugooneynaa, waana careysan nahay, waxaana umuuqaa kuwa ah quusanaya.

LIVERPOOL OO GUUL DARADII UGU HOREYSAY GAARSIISEY MAN CITY MARKII AY KU BILBISHAY ANFIELD

Liverpool ayaa guul daradii ugu horesay oo Premier League ah gaarsiisey Manchester City oo la loodhin waayey dhamaan kulamadii laga dheelay horyaalka heerka koowaad ee wadanka UK, fasal ciyaareedkan.

Reds ayaa waxay garoonka lasoo gashey dardar xoog leh, iyadoona umuuqatey mid ka du wan wixii la saadaalinayey oo ahaa inay udhutin doonto bixitaanka Coutinho, kaasoo Barcelona aadey todobaadkii lasoo dhaafey.

Goolka koowaad ayaa waxaa ku hormartey Liverpool, kadib markii uu udhaliyay Daqiiqadii 9aad wiilkii hore ee Arsenal, Alex OxladeChamberlain, waxaaan goolkiisa uu noqdo mid ay aad ugu farxeen Jamaahirta Reds.

Wixii xiligaas ka dambeeyay wiilasha Pep ayaa waxay bilaabeen wixii lagu yaqiiney oo ahaa inay cadaadis badan ay saaraan kooxda kasoo horjeeda marka ay goolka uga hormarto, waxaana ay abuureen fursado badan.

Halgan dheer kadib, Man City ayaa heshay goolka Bareejada inta aan la kala aadin qeybta nasiinada waxaana goolkaas ay ka heshay ciyaaryahanka lagu magacaabo Leroy Sane, Daqiiqadii 40aad.

Ugu dambeyn, qeybta koowaad ayaa kusoo dhamaatey 11.

Markii dib leyskugu soo laabtey wiilasha Liverpool ayaa waxay meeshooda ay kasii wadeen mucjisadii ay soo bandhigeen ciyaartaan, waxaana hogaanka qeybta labaad Daqiiqadii 59aad gool udhaliyay Roberto Firmino.

Hal daqiiqado kadib, waxaa gool labaad raacsadey Sadio Mane, waxaana Daqiiqadii 68aad goolka Afaraad udhaliyay Liverpool, Maxamed Saalax iyadoona sidaas loogu kala baxay Manchester City.

Macalinka Liverpool ee Klopp ayaa waxaa muuqata in dardaarankii uu soo siiyey wiilashiisa ay udhaqan gelinyeen, laakiin Pep wiilashiisa ayaa noqde kuwa aanan kasoo bixin balankii ay nasiinada kasoo qaadeen macalinkooda.

Daqiiqadii 84aad, ciyaaryahanka lagu magacaabo Mota Bernardo Silva, ayaa gool usoo celiyey Man City, iyadoona uu ciyaarta ka dhigey 42, waxaase wax yar kadib dhamaadka kulanka 43 ka dhigey Ilkay Gundogan.

Ugu dambeyn kulanka ayaa wuxuu kusoo gaba gaboobey 43, oo lagu bilbilay Hogaamiyaasha Premier League.

RASMI: KOOXDA RB LEIPZING OO GO,AAN KAMA DAMBAYS AH KA GAARTAY MUSTAQBALKA NABY KEITA, MIYUU IMANAYAA LIVERPOOL MISE?

Kooxda RB Leipzing ayaa si Rasmi ah warbixin uga soo saartay go,aana uga gaartay wararkii maalmahan la isla dhexe marayay ee ku aadanaa in ay kooxda Liverpool ku dhawdahay saxiixa xiddiga Naby Keita kaas oo ay doonayaan in ay helaan wakhti ka horeeya wakhtigii loogu tala galay in uu xiddigu Liverpool yimaado xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda reer Germany ayaa si Rasmi shaaca uga qaaday in uu xiddigu sii joogi doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan oo uuna Liverpool ku biiri doonin January.

Liverpool ayaa xiddigan kula wareegtay 66.4 milyan euro laakiin waxa uu amaah ku joogayay kooxdiisa haatan ee RB Leipzig ka hor inta uuna xagaaga dambe ku biiri doono.

Si kasta ha ahaatee kooxda reer Germanya ayaa haatan si Rasmi ah u sheegtay in uu xiddigoodu kooxda joogi doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Warkan ayaa soo baxaya kadib markii ay Liverpool wadahadalo la qaadatay kooxda RB Leipzig si ay ugu qanciyaan in heshiiska horay loo soo dhigo kaas oo haatan u

muuqada in uu midha dhalin waayay.

HALYEEYHORE OO LIVERPOOL AH OO SHAACIYEY WAR U ROON MAAMULKA REAL OO KU SAABSAN MO SAALAX

Halyeeygii hore ee Liverpool, Ian Rush, oo muujiyey amaantiisa Geesiga cusub ee Anfield, Maxamed Saalax, ayaa wuxuu muujiyey baqdin ku aadan in dhaqaalo badan, uu kaga tago wiilkaan reer Masar kooxdiisa Reds.

Saalax, oo tan iyo markii xili ciyaareedkaan uu uga soo biirey AS Roma, aad loola xiriirinayey Real Madrid, ayaa waxaa la sheegayaa inay kusoo dalbaneyso Los Blancos, aduun lacageed waali ah.

Rush ayaa yiri: "Yaa ku eedeyn kara hee, Real Madrid waxaa la hadalhayaa inay raadineyso isaga [Maxamed Saalax]?

Wuxuu raacsadey: "Suuqaan aan ka fiirsashada lahayn iyo sababta la’aan ah, wuxuu yahay mid aysan noqoneen mid lala yaabo hadii ay heshay Liverpool dalab dhan 225 Malyuun oo Yuuroo, oo isaga [Saalax] ku saabsan.

Wuxuu intaas ku darey: "Kadib markii uu kaliya yimid xili ciyaareedkii lasoo dhaafey, waxaan aad urajeynayaa inuu yahay mid hada ku faraxsan halka uu hada ku sugan yahay.

Rush ayaa daba dhigey: "Waxa jira jirtey waqti iyo meel uu ciyaaryahan ku haboon iyo lacagta uu ku haboon yahay lagu iibinsan jirey, laakiin hada ma ahan Liverpool mid xasiloon.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: "Hadii ay doonayaa iyaga [Liverpool] inay ku guuleystaan mustaqbalka horyaalka Premier League, kaliya waxay ku gaari karaan ciyaartoyda Saalax lamid ah, marka waa in ayan kooxa ka iibin.

England - Premier League January 14

AFC Bournemouth 2 - 1 Arsenal

Liverpool 4 - 3 Manchester City

Spain - LaLiga Santander January 14

Levante 0 - 1 Celta Vigo

Alaves 1 - 0 Sevilla

Espanyol 1 - 1 Athletic Bilbao

Real Sociedad 2 - 4 Barcelona

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip