Raisulwasaare Kheyre ooKa Qeyb Galaya Shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Switzerland.

0
Sunday January 14, 2018 - 19:59:45 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raisulwasaare Kheyre ooKa Qeyb Galaya Shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Switzerland.

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Kaasi oo ka furmidoono Dalka Switzerland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Kaasi oo ka furmidoono Dalka Switzerland.

Shirka oo ay ka qeybgalidoonaan hogaamiyaal ka kala socoda wadamada Caalamka ayaa lafilayaa in looga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,wuxuuna furmaya bishan Janaayo gudeheeda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah hogaamiyaal ka socda Qaaradda Africa ,waxaana lafilayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ka socota wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha.

Shir ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya,maadaama ay kujiro wadamo yer oo Africa ka tirsan,kuwaasi oo si gaar ah loogu casuumay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu maanta la kulmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya,isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha Wasaaradda.

Wuxuu kula dardaarmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay sii kordhiyaan dadaalkoodi ku aadan sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dhaqaalaha Dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip