Gaari ciidan ay saaran yihiin oo lagu qarxiyay Muqdisho

0
Sunday January 14, 2018 - 10:14:50 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari ciidan ay saaran yihiin oo lagu qarxiyay Muqdisho

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya nawaaxiga Haanta Dheer ee Degmada Dayniile, qarax miino ayaa goor dhaw waxaa lala eegtay gaari ciidan ay la socdeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya nawaaxiga Haanta Dheer ee Degmada Dayniile, qarax miino ayaa goor dhaw waxaa lala eegtay gaari ciidan ay la socdeen.

Qaraxan ayaa wuxuu qabsaday gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Militariga Somaliya, waxaana ka dhashay khasaare dhaawacyo ah oo soo gaaray ciidamada.

Inta la xaqiijiyay saddex askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, lama soo sheegin wax dhimasho ah oo qaraxa ka dhashay.

Wararka waxa ay sheegayaan miinada oo ku aasneyd laamiga dhinaceeda in gaarigaan oo xawaare dheereeya ku socda lala eegtay.

Jugta qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadii qaraxa ku dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip