Madaxweyne Farmaajo "Waa in Galkacayo ay noqoto meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed "

0
Sunday January 14, 2018 - 09:49:11 in Wararka by
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo "Waa in Galkacayo ay noqoto meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed "

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug. Soodhaweynta Madaxwey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug. Soodhaweynta Madaxweynaha ee Galkacyo waxaa ka qeyb qaatay Kumannaan shacab oo isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuriyadda, kuna dhawaaqaya ereyo ay ku muujinayaan dareenka faraxadeed ee ay u hayaan booqashada Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo waxaa salaan sharaf siiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

"Waxaan dooneynaa in aan ka shaqeyno sidii magaaladan ay ku noqon lahayd meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, annaga oo meesha ka saareyna kala qeybsanaanta jirta.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Mudug waxa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Masuuliyiintii Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo waxaa ka mid ahaa, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

====DHAMMAAD====

 E2I0845
 E2I0830 1
 E2I0851
 E2I0849
 E2I0887
 E2I0977
 E2I0913
 E2I0900
 E2I1167
 E2I1314
 E2I1248
 E2I0962
 E2I0908
 E2I1025
 E2I1386
 E2I1062
 E2I1294















































































©2018 Office of the President of Somalia | Villa Somalia, Mogadishu, Somalia - media@presidency.gov.so




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip