WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH AXAD 14-KA JANNAAYO 2018-KA

0
Sunday January 14, 2018 - 09:38:19 in Wararka by
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH AXAD 14-KA JANNAAYO 2018-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD U JEEDIYAY SHACABKA GAALKACYO Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad dheer u jeed iyay boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Gaalkacyo ee soo dhaweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD U JEEDIYAY SHACABKA GAALKACYO Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad dheer u jeed iyay boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Gaalkacyo ee soo dhaweeyay.

Dadkii soo dhoweeyey wuxuu u sheegay in uu doonayo inuu ka shaqeeyo nabadda iyo is dhex galka Gaalkacyo, wuxuuna intaa ku daray in uu rabo in Gaalkacyo ay noqoto halka ay ka bila abanayso dib u heshiisiinta.

Wararku waxay sheegayaan in shacabka labada dhinac ee Gaalkacyo ay soo wada dhowe eyeen madaxweyne Farmaajo oo la filayo in isaga iyo wafdigiisa ay xalay halkaa ku hoydaan.

Ciidan ka kala socday waqooyiga iyo koofurta Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay si wadajir ah u sugayeen amniga.

FAAHFAAHIN HOWLGAL KA DHACAY AFGOOYE

Taliyaha Ciidamada Boliiska Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqa adir Cusmaan Mursal ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ciidamada Boliiska ay halkaasi ka sa meeyeen Saacadihii la soo dhaafay.

Waxaa uu sheegayin AlShabaab ay dadka Shacabka ah ku dilaan meelaha aysan Degmada ka joogin ciidamada Dowladda, Sidaasi darteed ay xoojiyanayaan howlgallada ka dhanka ah Al Sh baab.

Taliyaha ayaa xusayin saacadihii la soo dhaafay ay sameeyeen howlgallo isla markaana ay baaritaano ku wadaan dadkii lagu soo qabtay.

Waxaa uu tilmaamay sidoo kale inay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxihii shalay dilka ka gey stay degmada Afgooye.

Shalay ayay aheyd markii kooxo hubeysan nin ganacsade ah ay ku dileen degmada Afgoye, xiili uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi,waxaana maalmahaan la soo dhaafay Afgooye ka dhacay dilalal loo geystay dad shacab ah.

SHEIKH MAXAMED SHAAKIR OO RAALI GELIN KA BIXIYAY XARIGA XALIIMO YAREY

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo qaar ka mid ah od ayaasha dhaqanka Dhusamareeb ayaa booqday gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxa ba nan.

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in uu raali gelin ka bixinayo xarigii loo geystay Xali imo Maxamed Ismaaciil oo ah gudoomiyaha gudiga doorashooyinka oo gelinkii dambe ee daraad ay xabsi guri ka dhigeen ciidamada Ahlusuna.

Shinaca kalana madaxa xukuumadda Galmudug ayaa bogaadiyay howlasha ay hayaan gudi ga dioorashooyinka eek u aadan ka shaqeynta in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah mar ka lagaaro sanadka 2021

WIIL UU DHALAY FEYSAL CALI WARAABE OO LA SHEEGAY IN LAGU DILAY DUQEYN KA DHACDAY DALKA SUURIYA..

Wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa la sheegay in 29kii bishii December ee sanadkii hore lagu dilay dalka Suuriya.

Wiilkan oo lagu magacaabayay Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ka barbar dagaalamayay Kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Sida ay qortay Warbaahinta Goobjoog oo xarunteeda tahay magaalada Muqdisho ayaa soo xigatay Cali Feysal Cali Waraabe oo la dhashay Xuseen.

Lama sheegin goobta rasmiga ah ee lagu dilay iyo dalka fuliyay duqeynta, hase ahaatee Cali Feysal ayaa ku gaabsaday in walaalkiis lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Suuriya.

Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ku biiray Daacish sanadkii 2013, waxaana uu ka soo muu qday muuqaal ay baahisay Daacish.

Waxaa kooxda Daacish looga yaqaanay Abuu Shuceyb AsSomali, waxaa uu heystay dhalashada dalka Finland.

Xuseen ayaa mar isku dayay inuu ku biiro Kooxda AlShabaab ee Soomaaliya, hase ahaatee waxaa laga soo qabtay xuduudka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Kooxda Daacish oo looga sii adkaanayo dagaalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa wajaheysa culeys weyn, iyadoo dhowaan laga saaray meelihii u dambeeyay ee ay gacanta ku hayeen dalka Ciraaq.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO KU DHAWAAQAY XILLIGA UU FURMAYO SHIRKA WADATASHIGA MUQDISHO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay xilliga la qabanayo shirka Wadatashiga Nabadgelyada iyo Horumarka Muqdisho, kaa soo 7dii bishan u baaqday arrimo farsamo.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in 28 bishan uu furmi doono shirka wadatashiga, isla mar kaana sidii loogu tala galay uu u qabsoomi doono.

"Shirkii dib nooga dhacay ee Wadatashiga Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir, waxaa uu dhici doonaa 28ka bisha Janaayo”ayuu yiri Guddoomiye Taabid oo ka hadlayay munaasa bada uu xariga ugu jarayay wado loogu magac daray Jen. Kaahiye oo isku xirta Garoonka Diyaa radaha iyo Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye.

Shirka Wadatashiga Nabadgelyada iyo Horumarka Muqdisho ayaa la baajiyay, waxaana baa qashadiisa ka soo baxayeen warar kala duwan sida khilaaf u dhaxeeyay Guddoomiyaha Gobolka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO MAGACAABAY AGAASIMAYAAL CUSUB

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shalay war eegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/22222/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:

WAREEGTO MADAXWEYNE MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh).

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayaaragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: Latashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda shalay aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu ho os ku xusan yihiin:

Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Axmed Abokor Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalga shiga

Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komi shanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS.

QM OO SHEEGTAY INAY KOR U QAADAYSO KAALMADA BINI AADNIMO AY SIINAYO DADKA SOOMAALIYEED

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay In ay bilaabi doo naaan qorsho cusub oo looga jawaabayo xaaladaha ka taagan dalka soomaaliya oo arimaha bi ni’aadnimada ay kamid yihiin.

Hadal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha biniaadanimada ee (OCHA) ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka warbixin doonaan deeq bixiyayaasha gargaarkii ay gaa rsiiyeen dadka Soomaaliyeed ee abaarahu ay ku dhufteen iyo howlo lagu dardargelinayo deeqaha sanadkan 2018ka.

Warka ka soo baxay xafiiska bini’aadanimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in wali xaalado bini’aadnimo oo dabadheeraaday in ay ka jiraan gudaha Soomaaliya waxaana ay xuseen in kaal mada sanadkan 2018 ay kor u qaadi doonaan.

Qaramada midoobe hay’adaheeda u qaabilsan gargaarka bini’aadanimada ee dalka ka howl gala ayaa sheegay In sanadkan uu ka wanaagsan doono sanadii 2017.

Dad lagu qiyaasay tiradooda 6.2 million oo qof ayaa u baahan gargaar deg deg ah kuwaa oo ku dhawaad 5 sano xaalado abaar ah ku guda jiray.

SOMALILAND: BAARLAMAANKA OO CODKA KALSOONIDA AH SIIYEY 11 WASIIR (MAGACYADA)

Kulan ay shalay magaalada Hargeysa ku yeesheen golaha wasiirada ee Somaliland ayaa codka kalsoonida ah waxay ku siyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda cusub ee Muuse Biixi.

61 mudane oo kulanka soo xaadirtay ayaa codka kalsoonida ah siiyey 9 wasiir iyo Labo ku xigeen, iyaga oo kahorna ka dhageystay warbixinno ku aadan waxay qaban doonaan.

Magacyada Wasiirada la ansixiyay

Maxamed Cabdi Yuusuf, Wasiirka horumarinta maaliyadda

Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), wasiirka horumarinta waxbarashada iyo Sayniska

Hinda Cabdi Gaani, Wasiirka arrimaha bulshada iyo shaqo gelinta

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka diinta iyo awqaafta

Cabdirashiid Xaaji Ducaalle Qambi,wasiirka wasaaradda hawlaha guud,dhulka iyo guriyeynta

Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka

Saleebaan Cali Koorre, Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha

Axmed Muumin Seed, Wasiirka horumarinta beeraha

Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoola jiyadda

Wasiir ku xigeenno.

Yurub Abiib Cabdi, wasii ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta kalluu meysiga

Maxamed Muuse Abees, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

SHIR LOOGA HADLAAYO DIB U EEGISTA SHARCIGA SOCDAALKA OO KA FURMAY CADAADO.

Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug ee Cadaado ayaa waxaa shalay ka furmay Shirka Wadatashiga dib u eegita Sharciga Socdaalka Soomaaliya, waxaana shirkaani daahfuray la taliyaha dhanka sharciga ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda C/nasir Hashi.

Waxaa kasoo qeyb galay Shirkaan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Dastuurka iyo Wasiirka Gadiidka cir ka iyo dhulka, waxaana ay dhamaantood si isku mid ah u sheegeen in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga hada jira markii la sameenayay uu dalku ahaa dowlad dhexe, balse hadda la qaatay nidaamka Federaalka.

Hay’adda Socdaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu horma rinaayo Hay’addaasi, oo muhiim u ah bulshadda Soomaaliyeed.

KENYA OO SHEEGTAY IN AY KA HORTAGEYSO WEERARADA AL SHABAAB

Milateriga dalka Kenya ayaa sheegay in ay si weyn ugu feejigan yihiin weeraro Al Shabaab ay ku qaadaan saldhigyada Ciidamadooda ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Kenya ayaa xustay in casharo ay ka barteen weerarkii 15 january Sanadkii 2016kii Al Shab aab ay ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee gobalka Gedo, halkaasi oo kenya looga dilay boqolaal Askari.

Afhayeenka Ciidamada milateriga ee dalka Kenya Col David Obonyo ayaa sheegay in labo Sano kadib weerarkii khasaaraha badan geystay ee Ceel Cadde ay Ciidamadooda ka gaashaan teen weeraro kale oo ay ku soo qaadaan Al Shabaab.

Mr Obonyo ayaa xusay in Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay sameeyaan dhaq dhaqa aq, si ay isaga ilaaliyaan in weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadan Al Shabaab.

Waxaana uu intaasi ku daray in Ciidamadooda ay difaacyo xoogan ka sameystaan goobo ka baxsan saldhigyadooda

Weerarkii Ceel Cadde kadib ayaa waxaa Ciidamada Kenya ay saldhigyo ka sameysteen magaalooyinka Badhaadhe, Sariire, Busar, Kulbiyow iyo Ceelwaaq oo ku dhaw Xadka Kenya.

Ugu dambeyn Afhayeenka milateriga Kenya ayaa sheegay in Ciidamadooda ay fashiliyeen dhowr weerar oo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay isku dayeen in ay ku qaadaan saldhigyo Ciidamada kenya ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya.

WAARE:"FURSADO SHAQO AYAAN SIIN DOONAA DHALLINYARADDA KASOO LAABATA FIKIRKA ALSHABAAB”,

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Maamulki isa uu bilaabay howlgal lagula dagaalamayo dagaalyahanadda Xarakadda Alshabaab.

Waare ayaa sheegay in Maamulkiisa uusan u dulqaadan Karin in Alshabaab dilaan shacab aan waxbo galabsan iyo sidoo kale in jidadka laga xiro dadka shacabka ah.

"Waxaad la socotaan inuu bilowday howlgal lagula dagaallamayo Alshabaab, waxaad ogtihiin in jidadkii laga xiray dadka shacabka ah, lana dilo shacab aan waxbo galabsan,maamul ahaan wax aan diyaar u nahay In aan soo dhaweynayo dhalinyaradda kasoo baxaysa Alshabaab,shaqaaooyin baan siin doonaa” ayuu yiri Waare.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kusoo beeg maya xili Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay Gobolada Hirshabeelle kawada an holwgal lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.

SUURIYA OO LA SHEEGAYO INAY GAAS SUN AH ADEEGSATAY

Weerar loo adeegsaday gaaska Koloriinka ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu qaa day deegaan lagu hareereysan yahay oo fallaagadu haysato oo ku yaalla duleedka magaalada caa simadda ee Dimishiq.

Dadka ku nool gobolka bariga Ghouta, kaasoo maalin kasta la duqeeyo, ayaa ku soo warra may inuu u soo uray gaas, ka dib weerar gantaal, sida ay BBC ogaatay.

Shaqaalaha caafimaadka waxay sheegeen in lix qof laga daweeyey xanuuno yaryar oo xag ga neefsashada ah.

Ilaa 400,000 oo qof ayaa waxaa halkaa ku hareereeyey ciidanka uu Ruushku taageero, tan iyo 2013.

Waxaa jiray tiro weerarro ah oo loo adeegsaday gaaska Koloriinka tan iyo markii uu billowday dagaalka ahliga ah ee Suuriya, laakin xukuumaddu waxay mar walba beeninaysaa inay hub kiimiko ah adeegsatay.

"Bariga Ghouta oo hareereynta lagu hayo ay sababtay musiibo bani'aadminimo , deegaan nada ay dadku deggan yihiin waxaa laga garaacaa cirka iyo dhulka habeen iyo maalin, dadkana wa xaa lagu khasbaa inay galaan dhulka hoostiisa" sidaa waxaa hadal qoraal ah ku sheegay Zeid Ra' ad alHussein oo ah sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha.

Gobolka bariga Ghouta ayaa ah mid istaraatijiyad ahaan muhiim ah, ayadoo fallaagada hal kaa saldhigga ku leh ay awood u leeyihiin inay gantaallo ku ridaan xaafadaha ay dadku deggan yih iin ee Dimishiq.

SOMALILAND OO SIYAASADDEEDA KA DHAADHICINAYSA BRITAIN.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaqday madaxbanaabida ee Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa magaalada London kula kulmay xubno ka mid ah baarlamanka UK.

Wuxuu BBC u sheegay inuu kala hadlay halka ay Somaliland siyaasadeedu ku wajahan ta hay, gaar ahaan wixii ka dambeeyey doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday Nofembar 2017.

Waa socdaalkii ugu horreeyey ee wasiirku uu Britain ku tago tan iyo markii uu hogaanka qabtay Muuse Biixi Cabdi.

Wuxuu kaloo ka hadlay wixii ay ka wada hadleen iyaga iyo wafdi Iimaaraadka ka socday oo dhawaan Hargaysa tegey. C/xaafid Cawil Ismaaciil ayuu u warramay.

IN KA BADAN 30 SOOMAALI AH OO LAGU XIRAY KENYA

Ciidamada Dowladda Kenya ayaa Saacadihii la soo dhaafay Xabsiga dhigay in ka badan 30 Qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ku sugnaa dalkaasi.

Waxaana la sheegay in Ciidamadu dadkaasi ay ka soo qab qabteen deegaanada Shariif, Biyo Madow iyo Bajanbuula oo dhaca Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa dadkani ku eedeeyay in ay si sharci darro ah ku galeen gud aha dalkaasi.

Waxaana intaasi ay ku dareen saraakiishu in dadkaasi la soo taagi doono Maxkamad, dibna loogu celi doono Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa muddooyinkii dambe howlgallo ka waday deegaanada Xadka, kadib markii Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ku fuliyaan gudaha dalkaasi

FAAH FAAHIN DIL KA DHACAY GUDAHA DEGMADA AFGOOYE EE G/SHABEELLAHA HOOSE

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo ku hubesnaa Bustoolado oo dil ka gey stay gelinkii dambe ee Shalay Gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxdaan ayaa Goob Ganacsi uu ku sugnaa ku dilay Nin lagu Magacaabi jiray Abuukar Qaa sim Tushiba kaas oo la sheegay in uu ka mid ahaa Macalimiinta Iskuul ku yaala degmada Afgooye.

Dadkii ka dambeyay dilka ayaa Goobta isaga bxsaday,waxana markii dambe tegay Ciidamada Booliiska Afgooye kuwaas oo sameeyay Baaritaano kooban wallow aysan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

AlShabaab ayaa sheegtay masuuliyda dilkaas,iyaga oo sheegay in ay dileen mid ka mid ah Askarta Ciidamada dowladda Soomaaliya sida ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internetka.

Sikastaba Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli wax faah faa hin ah kama bixin dilkaas iyo hadii ay jiraan dad ay u soo qabteen.

"WAAN CEEBOOBAY” YUUSUF GARAAD OO QORMO LA CAJIIB AH QORAY!!!

Xuseen Shiikh Axmed Kaddare oo ahaa dhaqan yaqaan ayaa beri Radio Muqdisho ka sii deyn jiray Barnaamij toddobaadle ah oo ku saabsan Dhaqanka.

Kaddare-keligiiKaddare AUN wuxuu ahaa hadalyaqaan, caqli u saaxiib ah.

Wuxuu ahaa nin dadaal badan oo hey’ado kala duwan si uun ugu lug leh.

Wuxuu ahaa Agaasime Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Waxaa kale oo uu ka shaq eyn jiray Akade miga Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Gobolka Banaadirna wuxuu ka mid ahaa khubaro marka ganacsi cusub shati la siinayo hubisa magaca ay qaada nayaan in uu yahay munaasib, higgaaddii suna ay sax tahay.

Wuxuuna ahaa arday ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Markii la qorayay far Soomaaliga, wuxuu keenay far iyo habqoraal uu Soomaaliga u dejiyay oo ka mid ah alif ba’dii iyo hababkii la qiimeeyay in iyada la qaato iyo in kale.

Kaddare, maaddaama aan Raadiyaha ka wadashaqeyno, Jaamacaddana aan wada dhiga nno siddetamaadkii, yahayna nin aad iiga khibrad iyo aqoon badan, wuxuu ahaa nin aan la sheekey sto oo aan galbaha qaar kula ballamo Afarta Jardiino ama Siinaay oo uu inta u dhexeysa degganaa. Waxaan ula kulmi jiray in aan ka kororsado taariikh, dhaqan iyo suugaan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay Madaxda Idaacaddu u yeertay Kaddare oo ay ku wargel isay in Barnaamijkiisa Toddobaadlaha ah la joojinayo oo uu ka mid yahay dad shaqada laga fariis iyay.

Wuxuu ku jawaabay: Waxaan ahay nin weyn oo ceeboobay ee iga raalli ahaada.Dadku mar ka shaqada laga joojiyo muran iyo dacwad ayay inta badan ka keeni jireen. Kaddare sidaas oo kale ayaa laga filyay, laakiin wuu ku duwanaaday.

MAXAA DHACAY AYAA LA WEYDIIYAY?

WUXUU YIRI:

waan is howlayay oo aniga oo duruufo iyo xaalad adag ku shaqeynaya ayaan haddana ba aris, diyaarin iyo soo jeedin Barnaamij qiimo leh aan usbuuc kasta isku howlayay. Waxaan mooda yay in ay dhegeystayaasha iyo Madaxda idaacadduba ay ku qanacsan yihiin tayada Barnaamijk eyga. Ayna fahmi karaan duruufta aan ku shaqeynayo. Oo markaas ay abaal iiga hayaan. Sidaa darteed ayaan aniguna is lahaa dhankaaga ka tiiri.

Laakiin hadalkiinna marka aan maqlay waxaa ii soo baxday in aan la igu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayay intii aan soo shaqeynayay. Marka waan ceeboobay oo waxay ahayd in aan is garto in aan Barnaamijkeyga lagu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayo. Markaasna aan anigu isaga tago meesha.

Raalli ka ahaada intii aad ii dulqaadateen. Haddana in aad ii sheegteen waad ku mahadsan tihiin.

Inkasta oo ay labada mas’uuliyadood ay kala culus yihiin, haddii aan fikirka Kaddare qaato wa xay noqoneysaa in aan ceeb la wadaago. Waxaase jira asbaabo aan uga duwan ahay oo aan ugu bareeray "ceebta”.

Shalay xilligeedii ma joogo in aan faahfaahiyo, dalkana dani uguma jirto in aan sii faaqido.

W/Q: YUUSUF GARAAD.; EX WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA.



BOGGA CAYAARAHA

QIIMEYN: YAA NOQDEY XIDIG UGU FIICAN GAROONKA KULANKII AY CHELSEA BAREEJADA LA GASHEY LEICESTER

Chelsea, ayaa ku fashilantey inay badiso kulankeedii Afaraad oo xiriir ah dhamaan tartamada oo dhan, kadib markii ay Bareejo ay kula galeen Stamford Bridge, dhigooda Leicester City, oo 10 ci yaaryahan ah, shalay oo Sabti ah.

Blues oo goolal badineysa sida iska cad todobadii kulan ee Premeir League, ay ku dheeshay garoonkeeda ayaa awoodi weyday inay dhaafto Dabacooyinka kooxda lagu naaneeso, waxayna noqotey mid bandhigeeda uusan nasiibku raacsaneen.

Ciyaartoyda kala ah: Shinji Okazaki, Wilfred Ndidi iyo Riyad Mahrez, ayaa dhamaantooda wa xay ahaayeen kuwa fursado badan ku kor abuurey Blues, daqiiqadihii ugu horeeyey ee kulankaan, iyagoona goolal dhalin karey.

Ben Chilwell ayaa laga saarey Leicester City daqiiqadii 68aad, kadib markii uu qaatey Jaalihii labaad, laakiin Chelsea ayaa nan ka faa’ideysan waxayna wali yahay mid guul la’aan ah tan iyo markii uu dhashey sanadka cusub ee 2018.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Chelsea: Courtois (6), Azpilicueta (6), Cahill (5), Rudiger (5), Moses (6), Bakayoko (5), Kante (5), Fabregas (4), Alonso (6), Hazard (4), Morata (3)

Bedelka La Adeegsadey: Christensen (6), Willian (5), Pedro (5)

Leicester: Schmeichel (6), Amartey (7), Maguire (8), Dragovic (7), Chilwell (5), Mahrez (8), Ndidi (6), James (7), Albrighton (6), Okazaki (7), Vardy (6)

Bedelka La Adeegsadey: Gray (5), Iborra (5), Fuchs (5)

Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa: Harry Maguire

Laacibkaan daafaca ka dheel ayaa wuxuu ahaa midkii ugu saameynta badnaa garoonka, laakiin waxaa kula dagaalami karey Mahrez, balse waxaa loo aqoonsadey Maguire, sababtoo ah wuxuu sameeyay muuqaal ciyaareed wanagaan.

PEP GUARDIOLA OO KA HADLAY LACAGTII BARCELONA AY KU IIBSATAY PHILIPPE COUTINHO

Tababare Pep Guardiola ayaa rumaysan in Coutinho uu u qalmo lacagtii ay ka soo bixisay Barcelona

Tababaraha kooxda Manchester City ayaa ka hadlay lacagtii Barcelona ay ku iibsatay Phil ippe Coutinho suuqaan Janaayo.

Philippe Coutinho ayaa u dhaqaaqay horyaalka Spain xili kooxdiisu ay isku diyaarinaysay ku lan ay la ciyaari doonto Manchester City.

Pep ayaa sheegay in Philippe Coutinho uu yahay laacib orod badan, goolal dhaliya isl amarkaana abuura, wuxuuna intaa ku daray in wax tarkiisa fiican uu ku qasbay Barcelona inay ku iibsato 160 milyan oo euro.

"Waxaan rumaysanahay in Barcelona ay samaysay saxiix aad u fiican” ayuu yiri Pep Guardiola oo amaanay Philippe Coutinho.

"Waa laacib orod badan oo cajiib ah, waa dhaliyaa waana abuuraa goolasha, xulkiisana wu xuu ka yahay laacib wayn, taas ayaa ku qasabtay Barcelona inay ku iibsato lacag badan”.

"Sidaas oo ay tahay Liverpool waxay sii ahaanaysaa koox fiican la’aantiis”.

JADWALKA HORYAALKA SOMALIA PRIMIER LEAGUE OO LA SOO SAARAY ’ HEEGAN VS ELMAN, BANAADIR VS HORSEED

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa si hor dhac ah u soo saaray jadwalka wareega koowaad ee horyaalka Somalia Premier League.

Inkastoo jadwalka aysan ku xusneyn taariikhda uu sida rasmiga ah u furmi doono iyo maalmaha la ciyaarayo hadana kullamada koowaad ayaa ah kuwa aad u adag.

Horyaalka ayaa lagu furi doonaa kooxaha Waxool iyo Dekedda oo ka mid ah naadiyada he erka koowaad ee dalkeena Soomaaliya.

Waxool ayaa ka bad baaday in ay dib ugu laabato heerka labaad,halka Dekedda ay tahay naadiga difaacaneysa horyaalka.

Kooxaha hoos yimaada ciidamada Booliska iyo Militariga ee Horseed iyo Heegan ayaa kullamo adag ku billaaban doono iyagoo kala wajihi doono Elman iyo Banaadir.

Labada kooxood ee la qorsheynayo in magac ahaan loo badelo Madbacadda iyo Petrolka ee Savaana iyo FC Banaadir ayaa waxa ay la ciyaari doonaan Jeenyo iyo Gaadiidka.

Kullamada ugu adag ayaa ah kuwa dhex mari doono Heegan iyo Elman,iyo si la mid ah Horseed iyo Banaadir.

Waxaa la rajeenayaa in maalmaha soo aadan uu si rami ah u soo baxo jadwalka guud ee horyaalka,kaasoo ku cad taariikhda, maalinta iyo garoonka lagu ciyaari doono.

Kulamada koowaad

Waxool Vs Dekedda

Savaana Vs Gaadiidka

Heegan Vs Elman

FC:Banaadir s Jeenyo

Horseed Vs Banaadir

ENGLAND - PREMIER LEAGUE JANUARY 13

Chelsea 0 - 0 Leicester City

Crystal Palace 1 - 0 Burnley

Huddersfield Town 1 - 4 West Ham United

Newcastle United 1 - 1 Swansea City

Watford 2 - 2 Southampton

West Bromwich Albion 2 - 0 Brighton & Hove Albion

Tottenham Hotspur 1 - 0 Everton

SPAIN - LALIGA SANTANDER JANUARY 13

Girona 6 - 0 Las Palmas

Real Madrid 0 - 1 Villarreal

Eibar 0 - 1 Atletico Madrid

Deportivo La Coruna ? - ? Valencia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip