DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyay Shacabka Gaalkacyo
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad dheer u jeediyay boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Gaalkacyo ee soo dhaweeyay.
Dadkii soo dhoweeyey wuxuu u sheegay in uu doonayo inuu ka shaqeeyo nabadda iyo is dhex galka Gaalkacyo, wuxuuna intaa ku daray in uu rabo in Gaalkacyo ay noqoto halka ay ka bilaabanayso dib u heshiisiinta.
Wararku waxay sheegayaan in shacabka labada dhinac ee Gaalkacyo ay soo wada dhoweeyeen madaxweyne Farmaajo oo la filayo in isaga iyo wafdigiisa ay caawa halkaa ku hoydaan.
Ciidan ka kala socday waqooyiga iyo koofurta Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay si wadajir ah u sugayeen amniga.
Audio Player