Waare:-"Fursado Shaqo Ayaan Siin Doonaa Dhallinyaradda Kasoo Laabata Fikirka Al-shabaab",

0
Saturday January 13, 2018 - 19:12:36 in Wararka by
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waare:-"Fursado Shaqo Ayaan Siin Doonaa Dhallinyaradda Kasoo Laabata Fikirka Al-shabaab",

    Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Maamulkiisa uu bilaabay howlgal lagula dagaalamayo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Maamulkiisa uu bilaabay howlgal lagula dagaalamayo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Waare ayaa sheegay in Maamulkiisa uusan u dulqaadan Karin in Al-shabaab dilaan shacab aan waxbo galabsan iyo sidoo kale in jidadka laga xiro dadka shacabka ah.

"Waxaad la socotaan inuu bilowday howlgal lagula dagaallamayo Al-shabaab, waxaad ogtihiin in jidadkii laga xiray dadka shacabka ah, lana dilo shacab aan waxbo galabsan,maamul ahaan waxaan diyaar u nahay In aan soo dhaweynayo dhalinyaradda kasoo baxaysa Al-shabaab,shaqaaooyin baan siin doonaaā€¯ ayuu yiri Waare.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kusoo beegmaya xili Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay Gobolada Hir-shabeelle kawadaan holwgal lagula dagaalamayo Xarakadda Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip