Kulan dhaqaale loogu Uruurinayay Waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo oo lagu qabtay dalka Canada

0
Saturday January 13, 2018 - 11:03:06 in Wararka by
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan dhaqaale loogu Uruurinayay Waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo oo lagu qabtay dalka Canada

    Magaalooyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgalleen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan labadaasi magaalo oo dhaqaale loogu Uruurinayay dib-u-dhiska Waddada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalooyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgalleen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan labadaasi magaalo oo dhaqaale loogu Uruurinayay dib-u-dhiska Waddada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo. Prof Cabduqaadir Maxamed Shirwac oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo hormuud u ahaa Isku imaatinka Jaaliyada Ottawa iyo Toronto ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimada ay u leedahay shacabka ku dhaqan gobollada dhexe dhismaha Waddadan isku xirta labada magaalo Gaalkacyo iyo Hobyo.
Wuxuu sheegay in aysan aheyn arin sahlan dhismaha Waddadan oo 260km ah, balse haddii lagu guuleysto wax weyn ka tari doonto Ganacsiga bulshada ku dhaqan gobollada dhexe ilaa dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyaga oo ka faa’ideysanaya dekedda Hobyo oo muddo dheer aan la isticmaalin.

Prof Shirwac ayaa soo bandhigay muuqaalo tusinaya sida ay u bur bursan tahay Waddada oo ay adag tahay in ay adeegsadaan dadka iyo gaadiidka sidaa daaraadeed muhiim tahay in la dhiso.

‘’In la dhiso Waddadan waxey faa’iido u leedahay dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee gobollada dhexe ilaa dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya madaama Hobyo tahay magaaalo Xeebeed leh Deked si fudud Gacsatadu ugala soo degi karaan Badeecadooda , waana tan keentay in aan abuulno bulshada Soomaaliyeed ee halkan ( Canada) ku dhaqan si dib u dhis loogu sameeyo Waddada xiriira Gaalkacyo iyo Hobyo.

Prof Shirwac ayaa intaa ku darray in marka laga soo tago Ganacsiga dhismahan Waddadan faa’iido gaar ah u yeelan doonto deegaanno dhowr ah oo ku yaala bartamaha Soomaaliya sida Wasil, Gawaan iyo Ceelguul oo hadda aan laheyn dhamaanba adeegyadii Aas-aasiga u ahaa nolasha.

‘’Dhismaha Waddadan waxaa kaloo ku xiran nolasha deegaanno badan oo ku yaala bartamaha Soomaaliya, waxaa ka mid ah saddexdan magaalo ee kala ah Wasil, Gawaan iyo Ceelguul oo siweyn ugu baahan dhismaha Waddadan Hobyo’’ ayuu yiri Prof Shirwac.

Magaalada Toronto ayaa laga Ururriyay lacag dhan $ 27 Kun oo dollar, halka Jaaliyada magaalada Ottawa bixiyeen lacag gaareysa $ 16 Kun oo dollar.

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in Prof Shirwac uu kulan la yeesho Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Edmonton, isaga oo kala hadli doona dhismaha Waddada Hobyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in uu booqdo maalmaha soo socda deegaannada Galmudug ayuu ka codsaday Prof Shirwac in uu dhagax dhigo Waddada Hobyo oo sida uu sheegay muhiim u ah nolasha dadka ku dhaqan gobollada dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip