Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay khilaafka ku soo noq noqday dowladda

0
Saturday January 13, 2018 - 10:27:51 in Wararka by
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay khilaafka ku soo noq noqday dowladda

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka ku soo noq noqday dowladda, ee lagu carqaladeynayo waxqabadkeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka ku soo noq noqday dowladda, ee lagu carqaladeynayo waxqabadkeeda

Madaxweynaha Somaliya, ayaa hoosta ka xariiqay in is qabqabsiga uu yahay waxa Somaliya ka reebay dowladaha jaalkeeda ah, isagoona soo hadalqaaday in dowlad loo doorto mudada la doortay inay wax ku qabato, balse uu dhaqanka Somalidu noqday in dowladdii la doortaba aanu waqtigeedu dhaafin hal sano.

"Is qabqabsiga, khilaafka iyo dhibaatada inay tahay waxa dib noo dhigay ee naga reebay dowladaha caalamka. Dowlad waala doortaa, madaxna waala doortaa waqti ayayna leeyihiin oo waajibaadkooda ay ku gutaan, laakiin anagu dhaqankan leenahay waxay tahay in dowladdii timaadaba aysan dhaafin sanad.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa yiri "Dowlad waxaan ka wadaa xukuumadda oo lagu mashquuliyo ama lagu mashquulo lix bilood oo dowlad la saaro iyo lix bilood oo dowlad la rido, macnaheedu waxay tahay haddii mar khilaaf uu dowladda dhexdeeda ka yimaado inaanan waxba la qaban, inaan umadda loo adeegin.”

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xusay haddii aanay dowladdu horumar la imaanin inay ka faa’iideysan karaan cadowga dalka iyo dadkuba oo uu kala jeedo Ururka Al Shabaab.

"Waxqabadna hadduusan imaanin waxaa ka faa’iideysanaya qolada cadowga nala ah, oo aan ognahay inaanay waxba u aabo yeeleynin ee Shabaabka la yiraahdo.” Ayuu yiri Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu sagootinayay oo xalay lagu qabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip