DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Maxaabiista ku xiran Hindiya

0
Saturday January 13, 2018 - 10:03:16 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Maxaabiista ku xiran Hindiya

    Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaan ku dhawaad 100 Maxbuus oo ku xirnaa Sanado badan dalka Hindiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaan ku dhawaad 100 Maxbuus oo ku xirnaa Sanado badan dalka Hindiya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheeri ah ku bixisay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiistaasi oo xilliggaan la kulmaya dhibaatooyin kala duwan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay soo deyn doonto Maxaabiista loo heysto Falalka Burcadbadeednimo ee ku xiran dalka Hindiya.

Wadanka India ayaa kamid ah wadamad ugu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida,kuwaasi oo loo heysto oo fal dambiyeed la xiriira Burcad Badeednimo,inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.

Sido kale bisha February ee sanadkan ayaa lafilayaa in Soomaaliya dib loogu soo celiyo maxaabiis kale oo iyagana ku xiran xabsiyo kaladuwan oo isla Dalkaasi kuyaala,maxaabiista haatan la sii daayay ayaa horey racfaan u qaatay oo ah in laga qafiifiyo waqtiga,balse waxaa diiday maxakamad kutaala dalkaasi,oo go’aamisay in xukunkoodi ay dhameystaan

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip