DEG-DEG:- Dhagayso: Dab Goor Dhaw Ka Kacay Warshadda Isbuuyada Mubaarak Xarunteeda Dagmada Hiliwaa

0
Friday January 12, 2018 - 22:36:11 in Wararka by
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG-DEG:- Dhagayso: Dab Goor Dhaw Ka Kacay Warshadda Isbuuyada Mubaarak Xarunteeda Dagmada Hiliwaa

    Wararka naga soo gaaraya Dagmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaaysheegayaan in caawa dab uu ka kacay warshadda isbuunyada Mubaarak xarunteeda dagmada hiliwaa ee magaalada muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Dagmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaaysheegayaan in caawa dab uu ka kacay warshadda isbuunyada Mubaarak xarunteeda dagmada hiliwaa ee magaalada muqdisho.
Goobjooge ku sugan nawaaxiga xarunta ayaa warbaahinta u  usheegay in dabku wali uu olalayo isla markaana ay soo geereen ciidamada amniga dagmada iyo gawaarida dab damiska ah ee gobolka banaadir iyo kuwa shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyada oo aan wali lagu guulaysan bakhjiitinta Dabkaas.

Waxaana wali la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay in dabkaasi uu kaco sida warbaahinta qaar  ay u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Warshadda isbuunyada Mubaarak, sidoo kale Waxaa wali la ogayn Khasaaraha nafeed marka laga soo tago in uu jiro mid hantiyadeed.


Saameynta ugu badan waxa uu soo gaaray School-ka Hooyga Xmar iyo Guryihii kale ee ka ag dhawaa Xarunta Waana Markii labaad ee xarunta warshadaasi uu qabsado dab intii ay shaqeyneysay 
dhinaca kale waxaa beryahaan ku soo badanaya dab ka kaca qeybo ka mid ah m. muqdisho waxaana habeen hore uu ka kacay xaafadda suuq bacaad ka tirsan guri ku yaal iyodoo dabeyl xoog lihi ka jirto dalka ayaana inta badan dadka la sheegaa inuu ka kaco korontada taasoo u baahan xal iyo foojignaan dheri ah oo ay ku jirto masuuliyad shirkadaha korontada iyo maamulada   Degmooyinka G/ banaadir.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip