Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug oo lagu xiray Gaalkacyo

0
Friday January 12, 2018 - 22:17:36 in Wararka by
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug oo lagu xiray Gaalkacyo

    Wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in duhurnimadii maanta halkaasi lagu xiray Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ka tirsan Idaacadda Codka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in duhurnimadii maanta halkaasi lagu xiray Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ka tirsan Idaacadda Codka Mudug.

Wariye Hanad Cabdi Faarax ayaa ah Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug, oo xarunteeda ay tahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan qeybta Galmudug.

Ciidamo hubeysan watana gaadiidka Dagaalka oo ka tirsan Galmudug ayaa Wariyaha ka qabtay meel ka mid ah magaalada, isaga oo ku guda jira howlihiisa maalmeedka ee shaqo.

Warkan Idaacadda Risaala waxaa u xaqiijiyay Wariye Maxamed Muxudiin (Saxansaxo) oo ka tirsan shaqaalaha Idaacadda Codka Mudug, kana mid ah wariyeyaasha Risaala uga soo warama Gobolkaasi, Howlaha shaqo ee Idaacadda ayaa si caadi ah u socda.

Wariye Hanad Cabdi Faarax ayaa ku xiran saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo, ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa xariga Wariyaha




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip