Farmaajo oo Boosaaso kula kulmaya qeybaha bulshada

0
Friday January 12, 2018 - 18:23:23 in Wararka by
  • Visits: 423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo Boosaaso kula kulmaya qeybaha bulshada

    Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Boosaaso ayaa inta uu joogo waxaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la yeesho bulshada, waxgaradka iyo mas'uuliyiinta, wuxuuna sidoo kale booqan doonaa goobo kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Boosaaso ayaa inta uu joogo waxaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la yeesho bulshada, waxgaradka iyo mas'uuliyiinta, wuxuuna sidoo kale booqan doonaa goobo kale.

Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa la kulmaya ardayda Jaamacadaha, waxgaradka iyo guud ahaan shacabka Boosaaso ku dhaqan, isagoo ka dhageysan doona warbixino ku aadan dareenka ay ka qabaan hana qaadka dowladnimo iyo baahiyaha ay qabaan in laga caawiyo dhinaca adeegyada bulshada Gobolkaasi Bari ku nool.

Dhanka kale iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu weli ku guda jiro booqasho uu ku tagayo degaano kala dwuan oo ay ka mid tahay Puntland, ayaa waxaa la filayaa in dhawaan uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado, iyadoo waddooyinka lagu xardhayo sawirada Madaxweynaha Soomaaliya.

Booqashadiisa Boosaaso kadib ayaa lagu wadaa in wafdiga Madaxweyne (Farmaajo) uu gaaro degaanada Galmudug, halkaasi oo uu kula kulmi doono qeybaha bulshada.

Ammaanka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado oo uu booqan doono Madaxweynaha ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo ciidamada ammaanka heegan ballaaran la geliyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip