Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Kenya oo dagaal xoogan ku dhexmaray Ceelwaaq
Ciidan ka tirsan Dowladda Kenya gaar ahaan kuwa loo Yaqaano RDU ayaa Ka soo tilaabay Xadka dhinaca Ceelwaaq waxeyna gudaha usoo galeen Magaalada iyadoo aaney jirin wax war ah oo ay iska soo hormariyeen marka ay Magaalada soo galiyeen sida horayba looga bartay.
Ciidamada Kenyan oo dhowr gaari dagaal watay ayaa Wajiyada soo duubtay, waxaana gawaaridooda ka babanayay Calanka Madow ee Al-Shabaab lagu yaqiinay sid ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Ceelwaaq.
Ciidamada Dowladda ayaa muujiay shaki ku aadan in Ciidankan yihiin Al-Shabaab, waxeyna uyeerteen askarta kale oo xiligaa guryohooda ku maqnaa iyagoo soo buux dhaafiyay halka laga boxo Magaalada si ay isaga caabiyeen Ciidankan hadey yihiin Shabaab.
Kenyan oo iyaga dhankooda qabay cabsi ku aadan iney dhexda ugalaan Shabaab ayaa markii ay arkeen Ciidanka Dowladda oo wada ufadhiya rasaas ooda kaga rogay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday oo geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dadka dagaalka ku dhintay waxaa kamid ah Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf (ilka Case ) oo kamid ah Saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan Gobolka Gedo.
Sarkaalka oo Cidanka hogaaminayay ayaa halka lagu dilay u tagay si uu u ogaado waxa ay yihiin Ciidanka Magaalada iska soo galay iyagoon laga warqabin, Isagoo mar kaliya ka war helay rasaas ku socoto, Waxa uu ugeeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ka haleeshay Miskaha..
Kenyan ayaan la ogeyn dhankooda hadii uu jiro wax khasaare ah oo ka soo gaaray dagaalka maanta ka dhacay Magaalada dhacda Xuduuda ee Ceelwaaq.
Ciidanka RDU ee Kenya ayaa udhigma kuwa Alpha Group ee Somaliya, waxeyna Xadka ka soo tilaabaan oo kaliya marka ay usodaan howlgal qorsheysan, Lama Ujeedka Saaka ay usoo galeen Magaalada, Saraakiisga Gedo ayaa sheegay ineysan Sharci u heysan Ciidankan iney xadka ka soo tilaabaan maadaama Amisom aysan ka mid eheyn.
Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Kenya oo dagaal xoogan ku dhexmaray Ceelwaaq
Dagaal xoogan ayaa Saaka ku dhexmaray Gobolka Gedo Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Kenya kadib markii ay iska shakiyeen labada Ciidan.