Itoobiya oo qabatay hub la doonayay in dalkeeda la geliyo
Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Siraj Fegessa oo Warbaahinta la hadlay, ayaa tilmaamay in dowladiisu ay gacanta ku dhigtay hub iyo rasaas, la doonayay buu yiri in si qarsoodi ah dalka lagu soo geliyo.
Wasiirka, ayaa bidhaamiyay in hubka la qabtay uu isugu jiro qoryo, bastoolado iyo rasaas. Qoryaha la qabtay buu yiri tiradoodu waa 270 qori oo AK47, 200 oo bastooladood iyo rasaas dhan 66,000 oo xabo.
Wasiirku ma sheegin goorta gacanta lagu dhigay hubkan iyo halka laga qabtayba, balse ay hubkaasi gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka, lana doonayay in lagu sii huriyo xiisadaha ka jira qaybo ka mid ah dalkaasi, sida uu yiri.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, ayaan soo hadalqaadin halka laga keenay hubkaasi iyo haddii ay jiraan dad ay u soo qab qabteen iyo haddii kaleba, ha yeeshee ay wateen dad aan u wanaagsanayn buu yiri Itoobiya.
Dhanka kale Siraj Fegessa, ayaa sheegay in qalalaasihii ka dhex jiray qowmiyadaha degan dalka Itoobiya qaarkood, ay hadda u muuqdaan kuwo degan inay yihiin, ka dib markii sida uu sheegay la kala dhex dhigay ciidamo militari ah.
Waxaa uu soo hadalqaaday rabshadihii dhawaan ka dhex dhacay Somalida iyo Oromada, oo uu sheegay in la kala fogeeyay, lana dhex dhigay ciidamo militari, si aanay markale isugu dhicin.
Itoobiya oo qabatay hub la doonayay in dalkeeda la geliyo
Dowladda Itoobiya, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay shixnad hub ah, oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo dalkeeda.