Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ay Shabaab ku qaadeyn Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

0
Thursday January 11, 2018 - 23:11:34 in Wararka by
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ay Shabaab ku qaadeyn Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

    Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Howlgal ka waday duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe. Dagaal dhexmaray Labada dhinac ayaa la sheegay in uu qaatay ku dhawaad hal saac,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Howlgal ka waday duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe. Dagaal dhexmaray Labada dhinac ayaa la sheegay in uu qaatay ku dhawaad hal saac, waxaana la sheegay in Labo jeer la isugu soo noqday dagaalka.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerarayn Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga oo maalmahaan deegaanka Haan-shiikh ka waday Howlgalo lagu jarayo dhir goysay wadada oo Al-shabaab dhowr jeer ay ku dhuuntayn.

Ugu yaraan 6 Askari ayaa ku dhintay in 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray weerarkaasi, sida ay KNN u xaqiijiyeen Saraakiil ku sugan Jowhar iyo Balcad.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa Ciidanka ka furtay Labo qore oo ah  "Daba jeex” sida xaqiijiyeen Saraakiisha Xoogga ee Degmada Balcad.

Al-shabaab ayaa sidoo kale weerar ku qaaday Ciidamo kale oo ka soo Gurmaday magaalada Jowhar inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhankooda gaaray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Shabaab oo wata dhaawacyo iyo dhimasho ka soo gaartay weerarkii ay qaadayn ay u dhaafeyn Dhulka keynta ah ee degmada Balcad kuna Haan-shiikh.

Weerarada Al-shabaab ee deegaanka Haan-shiikh ayaa noqday joogto, waxayna Shabaab ay ku dadalaayaan in halkaasi ka joojiyaan marinka Ciidamada Dowladda iyo Mas’uuliyiinta Hirshabeelle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip