Dowladda Soomaaliya oo mushaarka ka joojineysa qaar ka mid ah Shaqaalaheeda.

0
Thursday January 11, 2018 - 23:07:25 in Wararka by
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo mushaarka ka joojineysa qaar ka mid ah Shaqaalaheeda.

    Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah,waxaana ka mid ahaa waxyaabaha la isku soo qaaday qorshe iyo tira koob uu Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha hor geeyay golaha wasiirrada. Wasiirka Warfaafinta Xu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah,waxaana ka mid ahaa waxyaabaha la isku soo qaaday qorshe iyo tira koob uu Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha hor geeyay golaha wasiirrada. Wasiirka Warfaafinta Xukumada Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, oo shir jaraa'id qabtay kaddib kulanka Golaha wasiirrada ayaa u sheegay Warbaahinta in Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha uu maanta golaha wasiirrada horgeeyay liiska shaqaalaha rayidka ah ee dowladda,tiradooda,tayadooda iyo shaqada ay qabtaan.

Waxaa uu sheegay in Shaqaalaha u diiwaangeshan Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ay ka badanyihiin 5,000 oo shaqaale ah,waxaana uu xusay in hadda dowladda ay mushaarka ka joojineyso shaqaale diiwaangeshan oo aan shaqeyn kuwaas oo uu sheegay in ay mushaar ka qaataan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhamaadkii Bishii June ee Sanadkii hore sheegay in laga billaabo 1da July 2017 dowladda ay joojineyso mushaarka la siiyo shaqaalaha ka shaqeeya meelo kale una diiwaangeshan dowladda.

Waxaana uu Dadkaas ku tilmaamay in ay dhibaato ku yihiin hannaanka sugnaanta Misaaniyadda dowladda sidaas darteedna dabagal lagu sameynayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip