Safaaradda Mareykanka ee Islamabad ayaa beenisay in ay heshay go’aanka Dowladda Pakistan ee xiriirka Milatariga iyo sirdoonka la xiriira ee uu Wasiirku sheegay in Pakistaan joojisay.
Mareykanka waxaa uu sheegay in lacag dhan $255 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ay gargaar ciidan ahaan u siin jirtay Pakistan hayeeshee la joojiyay kaddib markii madaxweyne Trump ku eedeeyay Pakistan in aysan la dagaallameyn Daalibaanka Afghanistan,kaas oo askar Mareykan ah ku dilay gudaha Pakistan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka aya horay u sheegtay in kaalmada Milatari ay ka joojiyeen Pakistan,dibna ay u billaaban karto marka Pakistan tallaabo milatari ka qaaddo Daalibaan iyo kooxda Xaqaani.
Pakistan Oo Xiriirkii Milatari Iyo Sirdoon U Jartay Mareykanka
Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday in xiriirkii Milatariga iyo iskaashiga sirdoonka ay u jartay Dowladda Mareykanka kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in kaalmada milatari uu ka jarayo dalka Pakistan.