Warbixintani oo ay soo saartay Dowladda Mareykanka, isla markaana lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in 10-kan dal uu Mareykanku u aqoonsaday in ay yihiin kuwa ay ka jirto khatar amni, islamarkaana uu muwaadiniintiisa uga digayo in ay u safraan dalalkaasi.

Waxaana dalalkaasi ka mid ah:- Afghanistan, Somalia Iran, Iraq, Libya, Mali,  South Sudan, Syria, Central African Republic, iyo Yemen, kuwaasi oo ay ku sheegtay Dowladda Mareykanka in yihiin Wadamo colaaded oo ay adagtay in la isku aamino

Dhawaan ayey ahayd markii Dowladda Mareykanku ay ugu baaqday Muwaadiinteeda ku sugan Soomaaliya in ay isaga soo baxaa, sababo laxariira amaankooda.