Madaxweyne Farmaajo oo uga mahad celiyey shacabka Puntland soo dhaweynta diirran iyo dareenka waddaninimo

0
Thursday January 11, 2018 - 21:57:23 in Wararka by
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo uga mahad celiyey shacabka Puntland soo dhaweynta diirran iyo dareenka waddaninimo

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu dhagax dhigay wajiga labaad ee waddo laami ah isku xireysa Ceel Daahir iyo Ceergaabo. Halka uu Deegaanka Kalabeyr ka dhagax dhigay waddo isku xiri doonta deegaankaas iyo Degmada Beyla ee Gobolka Bari.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Carmo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi ah la qaadanaayey masuuliyiinta iyo odayaasha deegannada uu socdaalka ku maray ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ugala shaqeynayso Dowlad Goboleedka Puntland daadejinta adeegyada bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qorsheysay deegannadaas.

"In badan oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda deegannadan waxa ay markasta nagala hadlaan sidii adeegyada dowladda ee heer Federaal loogu dhammeystiri lahaa. Anaga oo kaa shaneyna Dowlad Goboleedka Puntland waxaan ka shaqeynaynaa arrinkaas.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Marwada koowaad ee Puntland Drs. Hodan Siciid Ciise, wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, siyaasiyiin iyo masuuliyiin qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii soo gaaray magaalada Boosaaso halkaas oo kumannaan shacab ah iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay isugu soo baxaeen fagaarayaasha iyo bannaanka magalaada.     DHAMMAAD

 E2I9301
 E2I9257
 E2I9251
 E2I9222
 E2I9003
 E2I8548
 E2I8407
 E2I8335
 E2I8607
 E2I8591
 E2I8546
 E2I8537
 E2I8392
 E2I9373
 E2I9384
 
 









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip