Madaafiic ku soo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

0
Thursday January 11, 2018 - 21:51:08 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaafiic ku soo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

    Hoobiyeyaal Afar ah ayaa lagu garaacay Degmada Wardhiigley gaar ahaan agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi maanta ay keeneen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoobiyeyaal Afar ah ayaa lagu garaacay Degmada Wardhiigley gaar ahaan agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi maanta ay keeneen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Daqiiqado ka hor ayaa tiro Hoobiyaal ah lagu garaacay Degmada Wardhiigley gaar ahaan agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay inay si aad ah uga argagaxeen madaafiicdan lagu soo weeraray Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo madaafiicdaas ay ku dhaceen qaarkood Ex fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaafiicdaan ayaa sidookale waxay ku dhacday agagaarka Godka jilacow ee degmada B/Dheere, iyo Guriga Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ee ku yaala Madaxtooyada Gudaheeda.

Dhanka kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda Federaalka, mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada weerarkaan hoobiyaashaan ah.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip