Itoobiya oo mamnuucday in ajaaniibtu ay korsadaan carruurteeda
Baarlamaanka Itoobiya ayaa ansixiyay sharci ka dhan ah carruurta Itoobiyaanka ah ee ay korsadaan dadka aan waalidkood ahayn.
Arrinta dadka korsada carruurta aanay dhalin ayaa dood weyn ka dhex abuurtay Itoobiya, gaar ahaan sannadkii 2013 xilligaas oo gabar 13 jir ah oo dalkaasi lagala tagay ay ku dhimatay Maraykanka, taasoo dhalisay in maxkamad lasoo taago qoyskii korsanayay.
Sannadkii 2005, atooraha iyo atariishada caanka ah ee Brad Pitt iyo Angelina Jolie ayaa gabadhoodii koobaad ee ay korsadaan kala tagay dalka Itoobiya.
Sharcigan cusub ayaa la meelmariyay ka dib walaac ka dhashay in qaar ka mid ah carruurta Itoobiyaanka ah ee dibedaha lagu korsado ay la kulmaan dayacaad iyo tacaddiyo.
Sharciga ayaa dhigaya in dadka doonaya inay caawiyaan carruurta agoonta ah iyo kuwa saboolka ah ay wax ugu qabtaan gudaha dalkooda Itoobiya.
Balse qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa walaac ka muujiyay in adeegyo ku filan ay carruurtaasi ka heli karaan gudaha dalkooda.
Laba sano ka hor Denmark ayaa joojisay carruurta lagala soo wareego qoysaska Itoobiyaanka ah ee dalkeeda lagu koriyo, waxayna sheegtay inuu jiro walaac ay ka qabto in si sharci darra ah loo soo dhoofiyo.
Itoobiya oo mamnuucday in ajaaniibtu ay korsadaan carruurteeda
Baarlamaanka Itoobiya ayaa ansixiyay sharci ka dhan ah carruurta Itoobiyaanka ah ee ay korsadaan dadka aan waalidkood ahayn. Arrinta dadka korsada carruurta aanay dhalin ayaa dood weyn ka dhex abuurtay Itoobiya, gaar ahaan sannadkii 2013 xilligaas o