Muxuu uga dhiggan yahay madaxweyne Farmaajo socdaalka uu ku marayo Puntland

0
Thursday January 11, 2018 - 10:59:27 in Wararka by
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu uga dhiggan yahay madaxweyne Farmaajo socdaalka uu ku marayo Puntland

    Ma'aha socdaalkiisii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo oo uu ku tago meel ka baxsan caasimada tan iyo markii 08 bishii Febarayo ee sanadkii tagay 2017 loo doortay madaxweyne, laakiin waa socdaalkii ugu horeeyay masaafo dheer uu ku safro dhulka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma'aha socdaalkiisii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo oo uu ku tago meel ka baxsan caasimada tan iyo markii 08 bishii Febarayo ee sanadkii tagay 2017 loo doortay madaxweyne, laakiin waa socdaalkii ugu horeeyay masaafo dheer uu ku safro dhulka isaga oo sii maraya deegaanno kala duwan. Horey suurtagal uma aheyn in madaxweynuhu socdaal xagga dhulka ah uu ku tago magaalooyinka dalka marka laga reebo Afgooye oo caasimadda u jirta 30km oo kaliya.
Puntland oo ah dowlad gobolleed fac-weyn waxaa ay muhiiim u tahay kaabayaasha dhaqaale oo ay ku tiirsan tahay Dowladda Federaalka waxaana ku taala Dekedda Boosaaso oo ah il dhaqaale oo siweyn loogu xisaabtamo marka laga soo tago Dekedda Xamar.

Inkastoo Puntland ay dagaal adag kula jirto Ururrada Al-shabaab iyo Daacish hadana waxaa ay daruuftu u saamaxday in madaxweynaha iyo wafdigiisu socdaal dhulka ah ku maraan magaalooyin kala duwan oo kulaalaya gobollada Nugaal, Bari iyo Karkaar.

Waa dhul Geedku aad ugu yar yahay, Buuraley ah,  laakiin dadkiisu ku faanaan dhulkii Beey’ada iyo Xijijga, waxaana lagu tilmamaa kaydka kheyraadka dabiiciga ah oo aanan wali la soo fagin.

Puntland laftirkeeda muhiim ayuu u yahay socdaalka madaxweynaha Soomaaliya oo waxaa jira mashaariic fara-badan oo qaarna daah furay kuwa kalana uu dhax-dhigayo sida Garoonka diyaaradaha Garoowe oo xariga la jaray iyo madaxweynaha oo dhagax dhigay Waddo Laami oo isku xiri doonta deegaannada Dan-Goronyo iyo Eyl.

Booqashadan xitaa marka la eego waxaa ay uga duwan tahay kuwii ka horeeyay ee madaxweyuhu ku tagay gobollada kale ee dalka sida uu bulshada u dhax-galay iyo Bulshada reer Puntland laftirkooda oo madaxweynaha u muujiyay soo dhaweyn Gacaltooyo.

Garoowe iyo magaalada Qardho waxaa ay isku jiraan qiyaastii illaa 240km oo ah masaafo dheer marka baabuur lagu marayo,  iyadoo waliba maanka lagu hayo xaaladaha ammaanka ee dalka.

Magaalada Qardho ayaa la filayaa in uu uga sii gudbo dhinaca gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso oo siweyn isugu diyaarisay soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda waana halka ugu muhiimsan safarka madaxweynaha marka laga soo tago magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland

Marka uu gobolka Bari u gudbo madaxweyhuhu waxaa uu sii mari doona Buuraha Galgala oo caan ku ah dagaallada u dhaxeeya Puntland iyo Kooxaha ku abtirsada Al-shabaab iyo Daacish waxaana la socda oo Amaanka sugaya ciidamo ka raacay magaalada Muqdisho iyo kuwa dowlad gobolleedka Punland.

Boosaaso waayadii ugu danbeeyayba waxaa ka taagnaa qalalaase u dhaxeeya Ganacsatada iyo maamulka Puntland gacan ka hadal ka dhashayna waxaa uu sababay in dad ay ku dhintaan, sidaa daraadeed waxaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo uu arintaa kala hadlo Ganacsatada magaalada, isaga oo sidoo kalana tagi doona Dekedda Weyn ee Boosaaso.

Lama oga halka madaxweynuhu u jiheysan doono booqashadiisa Boosaaso kaddib waloow wararka qaar sheegayaan in madaxweynuhu ku soo wajahan yahay dhinaca magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyo deegaanno ka tirsan gobollada Bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 


diini@hiiraan.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip