WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 11-KA JANNAAYO 2018-KA

0
Thursday January 11, 2018 - 10:21:13 in Wararka by
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 11-KA JANNAAYO 2018-KA

    TRUMP OO SHEEGAY IN MAREYKANKA UU DIB UGU BIIRI KARO HESHIISKA CIMILADA PARIS Donald Trump, ayaa sheegay inuu dalkiisa u furan yahay inuu dib ugu biiro hesh iiska Paris ee isbadelka cimilada waa haddii Mareykanka loo soo bandhigo heshiis wanaa gsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TRUMP OO SHEEGAY IN MAREYKANKA UU DIB UGU BIIRI KARO HESHIISKA CIMILADA PARIS Donald Trump, ayaa sheegay inuu dalkiisa u furan yahay inuu dib ugu biiro hesh iiska Paris ee isbadelka cimilada waa haddii Mareykanka loo soo bandhigo heshiis wanaa gsan.

 

Mr Trump ayaa sheegay in ganacsiyada Mareykanka uu heshiiskan si aan cadaalad aha yn ciqaab u marsiiyay.

Bishii June ee sanadkii hore ayey aheyd markii uu ku dhawaaqay inuu isaga baxayo heshiiskaasi lagu doonayo in lagu dhimo uumibaxa caalamka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u caddeeyay in uu albaabku wali u furan yahay kasii mid ahaanshaha heshiiska cimilada ee Paris, sida uu sheegay wasiirkiisa arrimaha dibad da.

Arrintan ayaana kusoo beegmatay saacado uun ka dib markii Aqalka Cad ee looga arri miyo dalka Maraykanka uu ku adkaystay in aan wax isbadal ah lagu samaynaynin siyaasa dda Maraykanka.

Rex Tillerson ayaa sheegay in Maraykanku uu heshiiskaas ka sii mid ahaan doono "had dii la samayn karo shuruudo aan rumaysannahay in ay dhexdhexaad yihiin".

Haddalkiisan ayaa yimid iyadoo Aqalka cad uu goor sii horraysay diiday wararka shee gaya in Maraykanku uu dabcinayo meeshii uu ka taagnaa heshiiskaas.

Bishii Juunyo Trump ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu ka baxayo heshiiskaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaas uu ka mid yahay "hawlaha uu ka difaacayo Maraykanka" isaga oo ku tilmaamay in dhaqaalaha Maraykanka lagu dabrayo iyada oo arrant aas loogu xaglinayo Shiinaha iyo Hindiya.

DFS OO KA WALAACSAN XIISADDA TUKARAQ EE G/SOOL WAR {SAXAAFADEED}

Dawladda FS oo ka walaacsan colla adaha ka soo aloosmay deegaanka Tuk araq ee G/Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaan ka Tukaraq ay si deg deg ah oo shur uud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

Qorshaha DFS ayaa ah in si degdeg ah ay u joojiso dagaallada iyo cola daha, waxeyna baaq u diraysaa Somali land iyo Puntland, mas’uuliyiinta deega ankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonya hanada iyo qeybaha kala duwan ee bu lshada inay mas’uuliyad gaar ah iska sa araan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nab adeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

Guud ahaan dalka intiisa badani wa xuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo am nidaradii ragaadisay shacabka Soomaa liyeed, gaar ahaan degaanadan ay had da mashaqadu ka dhacday waxey mud dooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto.

Dawladda FS sayaa wadda dada llo lagu xoojinayo dibuheshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, ta noo fursad siineysaa dhammaan inta diiddan nabadda iyo horumarka.

DFS waxey ugu baaqeysaa dhamm aan qeybaha ay khuseyso inaan wadaj irkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeey no oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dibuheshiisiin.

DHAMAAD

KEATING IYO MUUSE BIIXI OO KA WADA HADLAY WADAHADALKA SOOMALIYA IYO SOMALILAND

Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabi lsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keat ing oo dalka booqasho ku jooga.

Kulankan oo xarunta qasriga mada xtooyada Somaliland ka qabsoomay Shalay, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Md. C/raxmaan C/laahi Ism aaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha gud aha iyo dibadda Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr.Sacad Cali Shire, waxaa na ay labada dhinac kulankooda diirad da ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya sidii kor loogu qaadi lahaa xidhi idhka ay Somaliland la leedahay QM, isla markaana loo abuuri lahaa jawi huf an oo ay 2da dhinac ku wada shaqee yaan.

Kulanka uu madaxweyne Biixi la qaa tay ergayga gaarka ah ee xoghayaha QM oo ahaa mid albaabadu u xidhanaa, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey was iirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaana uu tilmaamay inay 2da dhinac kulankooda ku lafogureen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka dhinac yada kala duwan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo QM, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Wefti ka socda QM oo uu hoggaaminayo erg ayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa , ayaa halkan inoogu yimi, waxaana isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaaba la kulmeen madaxweynaha Somali land, waxaana ay ka wada hadleen wax yaabo badan oo la xidhiidha shaqada iyo iskaashiga jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo Somaliland, waxyaa baha ay ka wadahadleen waxa kamid ah arrimo la xidhiidha siyaasadda, dim uqraaddiyadda, nabadgelyada, dhaqaa laha iyo mucaawimada,

kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, waxaana aanu rajaynaynaa in xidhiidhkii wanaa gsanaa ee wadashaqaynta ahaa ee ay nu la lahayn Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa uu halkaas kasii socon doo no.”

Mr.Michael Keating halkaas ka had lay, ayaa si qoto dheer u sharraxay wax yaabaha ay sida gaarka ah uga wadahadleen madaxweynaha Somaliland iyo ujeeddada uu dalka u yimi, waxaana is aga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, " Halkan waxan u imi inaan kulan la qaato madaxweynaha cusub, waxaana aanu kulan heersare ah ka yeelanay me elaha ay muhiimadda gaarka ah siina yso xukuumadda cusubi iyo sidii aan shacabweynaha reer Somaliland ugu hambalyeyn lahaa madaxweynaha cu sub ee ay doorteen sanadkii hore, isla markaana aan muhiimad gaar ah siiyo qorsheyaasha xukuumadda cusub, sida ammaanka, ka hortagga abaaraha, sha qabuurka loo samaynayo da’yarta, xooj inta caafimaadka iyo waxbarashada, madaxweynahana waxaan u sheegay inay QM diyaar ula tahay sidii ay Somal iland uga taageeri lahayd

XIISADDA KA TAAGAN DEGAANKA TUKAR AQ OO XOOGEYSATAY IYO BARAKAC KA SOCDA

Wararka naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi wali ay ka taa gan tahay xiisad u dhaxeysa maamu lada Somaliland iyo Puntland.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in maamulada Somaliland iyo Puntland ay Ciidamo badan geeyeen degaanka Tukaraq iyo degaanada hoos yimaada.

Ciidamada Somaliland ayaa wali ga canta ku haaya degaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada, waxaana Puntland ay doonaysaa in ay gacanteeda kusoo celiso degaankaasi oo fariisin u ahaa ciidamada Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa she egay 8dii bishan Ciidamo laga soo aba abulay M/Hargeysa in ay duulaan ku soo qaadeen degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna sheegay dagaalka inuu ku soo aaday xilli booqa sho uu Puntland ku joogo Madaxwey naha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Madaxweyne (Ga as) in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda. Somal iland ayaa dhankeeda she egtay in Pu ntland ay dhowr jeer kusoo qaaday Wee raro daandaansi ah.

Wariyeyaasha gobolka Sool ayaa soo sheegaya in inta badan dadkii kunoolaa degaanada ay isku horfadhiyaan Ciida mada Somaliland iyo Puntland in ay barakaceen.

TACSI TIIRANYO LEH

Dhammaan Reer Maxamed Jimca ale Cigalle,Axmed Jimcaale Cigalle, Mu xumed Jimcaale Cigalle xuseen Jimca ale Cigalle,Aamino Jimcaale Cigalle, Mu mino Jimcaale Cigalle,Madiino, Jimcaa le Cigalle, Nuurto Jimcaale Cigalle, Dha mmaan reer Cigalle Gadiid Geeddow waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Dhammaan Ilmo Reer Xasan JimcaaleCigalle iyo Caruurta ay ka Geeriyootay MarxuumadMaka Xasan Jimcaale oo ku Geeriyootay Dorraad M/Muqdisho waxayna alle ugu baryayaan marxuum ad inuu alle u naxariisto qosyka iyo qar aabadana samir uu kasiiyo.. Aamiin

WASIIRKA WAXBARASHADA C/RAXMA AN DAAHIR OO LA KULMAY MADAXDA JAAMACADAHA MUQDISHO

Wasiirka Waxbarshada XFS C/raxm aan Daahir Cismaan ayaa la kulmay Ma amulayaasha Jaamacadaha, Aqoonyah anno iyo Macalimiin, waxaana uu kala hadlay tayeynta tacliint sa re ee dalka maadaama tirada dhigata Jaamacada ha laga dareemayo kobac aad u balaa ran.

Kulankan ayaa waxaa ugu horeyn ka adlay lataliyaha wasiirka waxbara shada waxaana uu sheegay in Jaamac ada ay qeyb weyn kasoo qaateen he erka Waxbarshada Dalka. "Dalka haddii aysan jiri laheyn jaamacadahan hada ji ra dhibaatada intaan wey ka sii badn aan laheyd ama waxay qeyb weyn ka qaadan lahaayeen nabad gelyo xumada dalka ka jirta”

Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Soomaali ya Xasan Maxamed Cali ayaa tilmaam ay in hiigsiga Wasaarada uu yahay mid aad u fog sidoo kale ay gaba gabo ma rayaan Buugaagtii Dugsiyada hoose iyo dhexe oo ku qoran Manaahij mideysan

"Buugaagtii ayaa la qorayaa hadda buuggii Afraad ayaa socdo waxaan gac anta ku haya aqoonyahano iyo qaar ka mid ah Macalimiinta Jaamacadaha san adka soo socdana waxaa lagu bilaabi doonaa manhaj mideysan”.

Wasiirka waxbarshada Xxfs ayaa wa xa uu sheegay in Wasaarada Waxbara shada ay ka go’an tahay tayeynta Wax barashada dalka loogana baahan yahay in Jaamacadaha ay sare u qaadaan aq oonta Ardayda dhigata Dudsiyada ku ya ala dalka. "Annaga Wasaarada waxba rshada wey naga go’antahay in aan soo celino dalkaan waxbarshadiisa wey jir aan caqabado yar yar balse markaan ja amacadaha waxaa laga rabaa inay sare u qaadaan tayeynta tacliinta dalka anag ga diyaar ayaa ula nahay wax walbo”

SARKAAL KA TIRSAN MAAMULKA D/ HEL IWAA OO ISKU DAY DIL KA BADBADAY

Waxaa shalay Qarax Miino UU Ka dhacay Magaalada Muqdishogaar aha an nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waay eel ee Degmada Heliwaaee G/Banaa dir, warar halkaa laha helaayo ayaa wa xa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dha cay qarax miino oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Heliwaa. Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhul ka lagu Aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala eegtay gaari uu saarnaa Gudoomiye Ku xigeenka dhan ka ammaanka Degmada Heliwaa oo lagu Magacaabo Abshir Kaaraan.

Gaarigii uu watay Gudoomiye ku xig eenka markii uu dhaafay meesha mina da ku aasneyd ayeey qaraxday, mina da waxaana la sheegay wax khasaare ah inuusan ka dhalan.

Saraakiisha ammaanka Degmada Heliwaa, ayaa waxa ay sheegeen in qar axaasi uusan waxba khasaare gaysan.

Ciidamada dowladda oo goobta tagay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan wa xa ayna soo qabteen tiro dhalinyaro oo ay ku tuhmayaan inay miinada qarxiy een.

Nawaaxiga Shaneemo Cabdi Wa ayeel ee Degmada Heliwaa, ayaa xilliy ada qaar sidan oo kale waxaa uga dha ca qaraxyada miinada ah ee Shabaab ay sheegtaan masuuliyadooda.

DAB XOOGGAN OO KA KACAY SHALAY AROORTII HORE M/MUQDISHO

Warar aan ka helayno xaafadda SYL ee degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir waxa ay sheegayaan in Shalay subaxdii hore uu qabsaday mid kamid ah guryaha xaafaddaas dab ba ’an.Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dabka uu burburiyay qeybo badan oo ka mid ah dhismayaasha ku hareerreysnaa guriga uu qabsaday.

Gaadiidka gurmadka deg degga ah ee dab demiska ayaa durba soo gaaray goobta, waxaana lagu soo waramayaa in lagu guuleystay in dabkala demiyo iyadoo uu saacado ka mid ah haraadigiisa uu jiray maadaam dabylo xooggani ay muqdisho ka jiraan hase eyes yeesha xooggiisa la bakhtiijiyay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo badanaya guryaha dabka uu ka kacayo, waxaana sabab u ah korontooyinka dal ka oo aan dammaanad badan u lahayn dabka iyo xilliga uu kaco.

SARAAKIISHA CIIDAMADA X.D.S OO KA HADLAY DEGAANO SHABA AB LAGALA WAREEGAY

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan General Tawane Axmed Gurey ayaa faah faahin ka bi xiyay dagaallo Ciidamada xoogga dal ka iyo ururka Alshabaab ku dhexma ray degaano ka tirsan Gobolka Hiira an. Wuxuu sheegay degaano dhowr ah oo ka tirsan Hiiraan in Shabaab ay ka saareen, isaga oo tilmaamay degaanad aas in ay u dhaxeeyaan Maxaas iyo ha lgan. Sidoo kale wuxuu sheegay ururka Alshabaab in ay dhibaato ku hayaan shacabka ku sugan goobaha ay ma amulaan oo ay ka qaadaan lacago shac abka ay san raali ka aheyn, sida uu sheegay Taliyaha.

Gen. Tawane ayaa shacabka Soo ma aliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan Hii raan ugu baaqay inay garab siiyaan CXD ee dagaalka kulaJira Alshabaab.

Ciidamada Itoobiya iyo Xoogaga Sha baab, ayaa dorraad waxa uu dagaal cul us ku dhexmaray duleedka G/Hiiraan, Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii Shabaab ay wadada u gal een kolonyo gaadiid toobiya ah oo ka yi

mid dhanka M/Feerfeer.

MAHIIGAAN IYO DHUL SOO GO’AY OO 13 RUUX KU DILAY CALIFORNIA

Daadad iyo dhul go’ay ayaa saa meeyay deegaannadii uu burburiyay dabkii kaymaha ka soo kacay bishii ho re, waxayna gooyeen in kabdan 30km oo ka mid ah jidka wayn ee halbaw la ha u ah xeebta gobolka California ee dalka Maraykanka.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in ay jiraan tiro dad ah oo aan wali meelna lagu ogayn, wa xyna rajaynayaan in dhimashadu ay intaas ka sii korodho. Kumannaan dad ah ayaa daadadka ka firxaday, ilaa 50 hawlgal oo samato bixin ahna ayaana la sameeyay.

Goobaha ay dhibaatada ugu badan ka dhacay waa kuwii aan daad gura ynta laga samaynin, sida ay saraaki ishu sheegeen. Roobab mahiigaanno ah ayaa sababay in dhiiqo ay ku rogm ato Montecito, guryaha qaarkoodna waxaa u soo ruqay aas aaskii, sida uu sheegay Mike Eliason oo ah afhayeen ka waaxda dabdamiska ee deegaan ka Barbara County.

Dhagaxaan la eg gawaarida yaryar ayaa ka soo daatay buuraha hareer ahooda waxayna jareen waddooyinka, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC ee Los Angeles James Cook.

Dadka goobaha ammaanka ah loo daad gureeyay waxaa ka mid ah ga ba dh 14 jir ah oo saacado ku go’doon sanayd gurigooda oo mahiigaan ku da’ay. Waaxda dabdamiska ayaa soo bandhigay sawirka gabadha oo ay dhi iqo ka saareen ayey ku badbadiyee .

MAXKAMADDA HARGEYSA OO XUKUN TAY DHALLINYARO DHACDAY SAWIR QAADE REER JAPAN AH!!

Maxkamadda Gobolka Maroodije ex, ayaa laba sannadood iyo sagaal bilood oo xarig ah ku riday afar dhalli nyaro ah oo dhac u geystay nin sawir qaade ah oo u dhashay dalka Japan.

Dhallinyaradan oo maxkamadda horteeda ka qirtay faldambiyeedka waxa kaloo lagu xukumay in ay soo celiyaan lacag 5,000 kun oo Dollar oo ay ka dhaceen sawir qaadahan.

Sawir qaadahan oo lagu magacaa bo Kazawa Taichi, ahna sawir qaade dhinaca farshaxanka ah (Photo Artist), islamarkaana Soomaliland ku soo galay ruqsad sharci ah, 24kii Dece mber 2017, abaaro labadii saac ee gel inkii dambe ayey saddex dhallinyaro ah ka heleen Degmada Koodbuur ee Hargeysa, waxaana ay ka qaadeen la cag dhan 5000 kun oo Doollar, Baas aboorkii, Lenska Kamaradda iyo Hard disk.

Waxaa la sheegay in Dhalinyarada an markii la kulmeen Sawir qaadaha an waxay markii hore ka codsadeen inuu sawir ka qaado laba ka mid ah, balse kii saddexaad ayaa xagga dan be kaga yimid, kadibna shandad ama boorso uu ninkaasi dhabarka ku sitay ayuu kala baxay lacag dhan 5000 kun oo Dollar iyo alaabta kale.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa geeyay ninkaan Saldhiga Koodb uur, Booliiska Kodbuur inkasta oo ay gurmad galeen kumay guulaysan soo qabashada dhallinyaradii falkan geys atay,saddexdan dhallinyarada ahi isla markiiba lacagtii ay dhaceen waxay ku iibsadeen gaari.

Sidoo kale waxay soo celiyeen Le nskii Kamarada, halka Basaboorkii oo uu qaaday wiil afraad oo la kulmay markay lacagta dhacayeen, kaas oo ay siiyeen 300 boqol oo Dollar, isla markaana ay ku yidhaahdeen noo hay Basaboorka, oo isagana ay markii da nbe Booliisku soo xidheen.3dii dhalli nyarada ahaa ee dhaca geystay waxa midkiiba lagu xuk umay laba sanno iyo in ay celiyaan la cag dhan 4700 (afar kun iyo toddoba boqol oo Dollar).

HOOYO GAAJO DARTEED UGU GEERIYOO TAY M/MUQDISHO

HOOYO BAAHI UGU DHIMATAY MUQDISHO Haweeney kamid aheyd dadkii ka soo barakacay abaaraha ku dhuftay oboladda Koonfureed ee dalka Soo maaliya ayaa gaajo darteed ugu geeri yootay mid kamid Xiryaha Barakaca yaasha Degmadda Kaxda ee Gobo lka Banaadir.

Qof kamid ah dad ka deegaanka oo la hadlay Idaaca dda Simba ayaa she egay in haween eydaan ay geeriyootay iyadoo xaabo guranaysay, isla mar kaana meydkee da uu yaalaga helay halkii xaabada ay ka guraneysay xero barakac oo ku taala degmadda kaxda.

"Haweeney ka mid aheyd dadka barakacaasha ah ayaa shalay subaxdii ku geeriyooday kaam bara kac oo ku yaala Degmadda Kaxda ee gobolka banaadir,waxay geeriyootay iyadoo xaabo guranaysa, waxaa la sheegay in aysan 3maalin waxba cu nin,runtii dhibaato badan ayay ku nool yihiin dadkaan”, ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Xerada ay Haweeney ku geeriyoo tay ayaa waxaa gaaray taliyaha Nab ad Sugida iyo Taliyaha Booliska Deg mada Kaxda ee G/Banaadir iyo ma s’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degma da kuwaasi oo qaban qaabiney Hawe eyneyda geeriyootay Aaskeeda

MADAXWEYNAHA PUNTLAND CABDIWELI GAAS OO KU HANJABAY INAY JAWAAB KA BIXINAYAAN WEERARKII TUKARAQ

Madaxweynaha Maamul Goboleed ka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadl ay weerarka ay ciid amada Somaliland ku soo qaadeen de egaanka Tuka raq. Md.Cabdiweli M. C. aas ayaa she egay in Maam ulka Somaliland ay wee rarkaasi ku soo beegeen xili fafdi ball aaran oo uu hogaaminayo

Gaas--100x70 Madaxweynaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin M/Garowe, taasi uu ku til maamay in carqalad ku tahay geeddi socodka nabadda. Sidoo kale Cabdi weli Maxamad Cali Gaas ayaa sheeg ay in Somaliland garab iyo gaashan u tahay maleeshiyada Shabaab iyo Daa cish: "Puntland waxay dagaal kula jirtaa kooxaha Shabaab iyo Daacish, weer arkii Maamulka Hargeysa waxa uu gaashaan iyo garab u yahay argagixi sada…” ayuu yiri Madaxweynaha Pun tland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Maxamad Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay u di y aargaroobaan difaaca dalkooda, wuxu una Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya u diray fariin ahayd wixii ka dhasha weerarka Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadayo maamulka asi. Ciidamda Somaliland ayaa la war eegay kadib mar kii weerar kedis ah ay ku soo qaadeen deegaanka Tukar aq oo ka tirsan G/Sool. Waxaa jirta xiis ad ka jirta deegaanada ku dhowdhow Tukaraq iyadoo weerarka lagu soo qa aday deegaanka Tukaraq uu ku soo beegmay xilli Farmaajo uu booqanyo

Puntiland

WAFDI HORUDHAC U AH MADAXWEYNE FARMAAJO OO GAARAY GOBOLADA DHEXE

Wafdi horudhac u ah Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray M/Guriceel ee G/ Galgaduud, halkaasoo ka mid ah goob aha uu Madaxweynuhu booqan doono.

Wafdiga gaaray Guriceel ayaa waxaa hoggaaminayay Cali Cabdi Wardheere oo loo yaqaano Cali Yare, oo ka mid ah howl wadeenada Madaxtooyada Villa Somalia.Cali Yare iyo xubnaha la socda ayaa waxaa si diiran loogu soo dhowe eyay Guriceel, waxaana markii dambe u gudbeen magaalada Dhuusa Mareeb.

yare1-696x464 (1) Waxaa la filayaa inay booqasho ku ta gaan Cadaado iyo Caabudwaaq oo ka mid ah meelaha uu booqanayo Md. Far maajo.

Md.Farmaajo ayaa safar dhinaca dhulka ah ku imaan doona deegaano ka tirsan G/Dhexe, waxaa uu booqan doo naa Dhuusa Mareeb, Cadaado, Gurice el iyo Caabudwaaq.Madaxweynaha ay aa Dhuusa Mareeb waxaa uu kaga qe yb galayaa munaasabadda isku darka Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug oo bilo ka hor heshiis gaaray.Diyaargarow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo yaa kasocda deegaano ka tirsan G/Dhexe

SHIR UGA FURMAYA SHALAY DALKA KU WAIT WASIIRADA QORSHEYNTA DALALKA CARABTA

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumari nta Dhaqaalaha Dowladda Somaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, isla markaana ay qeyb ka yahiin la tali yaha wasiirka Cabdi Salaan Salwa iyo Agaasimaha Waaxda horumarinta isk aashiga carabta iyo Islaamka ee Was aaradda ahna madaxa tababarada Md. Maslax Wehliye, ayaa gaaray dal ka kuwait, halkaasi oo ay kaga qeyb geli doonaan shirka Wasiirada Qorshe ynta ee Wadamada Carabta.

Wasiirka iyo wafdiga uu Hoggaamin ayo, ayaa waxaa garoonka diyaarada ha dalkaasi ku soo dhoweeyay Agaasi maha Guud ee Machadka Qorsheynta Dowladdaha Carbeed iyo Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Md.Jamaal,Ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan ee loo same eyay, isagoo sheegay in inta uu ku su gan yahay dalka kuwait uu kulamo la qaadan doona madaxda sare dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasio.

Dhinaca kale Wasiir Jamaal Maxm aed Xasan, ayaa waxa uu kulan la qa atay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Dhaqaalaha ee (kuwait Fund). Md. Abdul Wahab Albadir, waxaana wasiir ka uu warbixin uu ka siiyey horumarka Somaaliya ay sameeyneyso iyo dada al ada hadda socda, siddii ay uga qe yb qaadan lahayd dowladda Kuwait oo soomaaliya xariir wanaagsan kala dhaxeeyo.

Agaasimaha Sanduuqa Dhaqaala ha Dowladda Kuwait, Mudane Abdul Wahab Albadir, ayaa waxuu boggaad iyay Horumarka ka socda dalka soom aaliya, waxuuna sheegay in Kuwait do or wanaagsan ay ka qaadan doonta ta ageerada dowladda Somaaliya iyo shacabkeeda. Wafdiga uu hoggaami nayo Wasiir ka Qorsheynta XFS, ayaa wax ay ka qeybgali doonaan shirka W.Q. Dowladaha /Carbeed oo maan ta ka furmi doona dalkaasi.

JEN.L MUKHTAAR OO FARRIIN U DIRAY DHALINYARADA KUSOO BIIRAY BOOLISKA

Kusimaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Mukhtaar ayaa ugu baaqay dhalinyaradda Aqoo nyahanada ah ee kusoo biiray Ciida mada Booliska Soomaaliyeed in ay u dhabar adeegaan Shaqadda ay door teen. Waxaa uu sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliyeed aan laga qaad an dhaqaalle badan , laakiin qofka ku soo biiraya uu doortay in uu u shaq eeyo Qarankiisa.

Waxaa uu u xusay in laga doonaa yo inay si hufan uga adeegaan Sha cabka Soomaaliyeed,islamarkaana ay noqdaan kuwo ku xiran Alle. Sana dya dii ugu dambeeyay ayaa wa xaa ci ida mada Booliska Soomaaliye ed ku soo biiray Dhalinyaro Aqoonya no ah oo ka qalin jabiyay Jaamacadd aha M/ Muqdisho.

SHAQAALE DIYAARADEED OO LAGU QAB TAY LACAG BADAN OO SHARCI DARRO AH

Gabadh adeegto ka ah diyaarad iyo nin kale ayaa la xiray iyaga oo lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay si sharci darro ah uga saaraan Hindiya 500,000 oo doolar, sida ay sheegeen masuuliyiinta waaxda canshuuraha.

Gabadhan ayaa saarnayd diyaarad ay leedahay shirkadda Jet Airways oo ka soo duushay Delhi kuna sii jeeday magaalada Hong Kong, waxaana lac agta laga helay boorsadii ay wadatay, sida uu sarkaal u sheegay BBC.

Wuxuu intaas ku daray "in baarita anno noocaas oo kale ah la samayn doono” Hirkadda diyaaraddaha ayaa sheegtay in aysan u dulqaadanaynin in shaqaalahoodu ay sameeyaan wax yaabo sharci darro ah.

War qoraal ah oo shirkadda ka soo baxay ayay ku xaqiijisay in la xiray qof ka mid ah shaqaalaheeda.

MUNAASABAD LAGU SOO XIRAYAY KALFA DHIGA 2AAD EE AQALKA SARE OO MUQDISHO LAGU QABTAY

Munaasabad lagu soo xerayay kal fadhiga 2aad ee golaha aqalka sare ay aa lagu qabtay M/Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo ku xi geenadiisa, GGSH Md.Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, G.maxkamadda sa re ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.

GG.B/dir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Xildhibaano ka tirsan 2da Gole iyo Masuuliyiin kale. Guddoomiye kuxig eenka 1aad ee golaha aqalka sare Md. Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa Munaasabada kasoo jeediyay Warbixin uu kaga hadlayo waxybaabihii u qab soomay Kalfadhigii 2aad isagoona she egay in ay qabteen howlo aad iyo aad u farabadan, lagama maarmaanna u ah dowladnimada korjoogteynta, xeerdeji nta iyo matalaadda, isaga oo hiigsanaya guddiyadiisa kuwaas oo mar walba hor keenayey fadhiga guud ee golaha si go’ aan looga gaaro, howlahaasi waxaa ka mid ahaa: hindise sharciyeedyo dhowr ah kuwaas oo goluhu si taxadar leh uga baaraandagay iyada oo lagu sad goyna yey danaha guud ee qaranka isaga oo mid ka mid ah la meelmariyay halka ku wa kalana u madlan yihiin kalfadhiga soo socda.

G.G.B/dir ahna Duqa Muqdisho Thaa bid Cabdi ayaa sheegay in ay la shaq eyn doonaan Aqalka sare, isagoo boga adiyay howlihii ay qabteen Kalfadhigii 2aad.GM.sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhankiisa amaa nay guulihii aqalka sare uu gaaray Kalf adhigii 2aad, isagoo sheegay in wax la gu farxo ay tahay howlaha adag ee qa bsoomay. sidoo kale waxaa Munaasaba da ka hadlay Guddoomiye Jawaari oo u hambalyeeyay Aqalka sare, isagoona sheegay in 2ada Gole ay guud ahaan usoo xirmeen Kalfadhiyadooda 2aad.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOO DHO WEYN HEER MAAMUUS DHAQAN LOOGU SAMEEYAY QARDHO

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay si weyn loogu soo dhoweeyay M/ Qardha, halkaasoo uu ku tagay safar dhanka lugta ah, waxaana wehliyay Ga as iyo mas’uuliyiin kale. Md/Farmaajo ayaa hab maamuus dha an heerkeedu sareysay loo sameeyay, iyadoo Boqor Beelaha Daarood, Boqor Burhaan ayaa guddoonsiiyay bilad shaal, koofiyad iyo faras, taas oo ah maamuus dhaqan.

Kummanaan dadweyne ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Md.Farmaao, wa xaana ay taagnaayeen waddooyinka, iy adoo Madaxweynuhu uu dadka dhex ga lay, isla markaana qaarkood gacan qaa day. Isagoo qaabilay wiil taageereu ahaa doorshadiisa kaa oo la yiraahdo Mustaf C/raxmaanayaaaadna ugu riy aaqay la kulnka farmaajo iyadoo shacab ka reer Qardho ay uu kula hadlay Mada xtooyada Qardho, waxaana uu uga mah ad celiyay sidii loo soo dhoweeyay. Dhi naca kale Farmaajo ayaa shalay Dhag ax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Dang oroyo iyo Eyl isag iyo Md. Gaas ayaana ka hadleen munaasbad da dhagax dhigga waddad aasii sagoo u sii gudbi doona safarka 2ad Magaal ada Boosaaso. Hadii alle idmo uuna ugu sii mari do no gobollada dhexe

SENATOR FAROOLE " SOOMAALIYA WAXA AY NABAD KA JIRTAA OO KALIYA PUNTLAND IYO SOMALILAND”

FArole Madaxweynihii Hore ee Puntland Se nator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxmuud Faroole oo Shir Jaraa,id ku qabtay M/Garoowe ee xarunta maamu lka Puntland ayaa waxa uu si cara leh kaga hadlay dagaalkii 2maalin ka hor ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxa uuna sheegay in taasi dhib aato badan fara badan ay horseedayso waxa uuna ku baaqay in lajoojiyo.

AFAR WAXYAABOOD OO SABABA MUSUQMAASUQA Faroole Waxa uu soo hadal qaaday hadal uu madaxweynaha maamulka Pu ntland Cabdi Wali Gaas habeen hore uu jeediyay kaas oo uu kaga hadlayay Dag aalka ka qarxay Tukaraq waxa uuna Dr Gaas Tilmaamay In Somaliland ay tag eero siinayso Daacishta ku dhuumaale esanaysa gobolada Puntland Faroole ayaana Hadalkaas ku tilmaamay Mid xanaf leh oo colaad ka dhex abuuri kara Puntland Iyo Somaliland.

Isaga oo sii hadlaya Mr Faroole ayaa waxa uu soo hadal qaaday in safarka Madxweynaha JFS uu ku joogo Deega nada Maamulka Puntland waxa uuna xusay in marnaba uusan salka ku hayn Safarka Madaxweynaha dagaalkas u dhexeeya Somaliland Iyo Puntland.

Dhanka Kale Waxa uu baaq ujeediy ay Madaxweynaha Cusub ee Somali land Muuse Biixi waxa uuna ujeediyay in mustqbalka Laba Maamul ay kawa hadlaan Colaadana la dhamees tiro xa lkuna uu ku jiro in lawada hadlo ciidan kana lakala qaado.

KENYA IYO K/ AFRIKA OO KA WADA HAD LAYA AMMAANKA SOOMAALIYA IYO SUU DAANTA KOONFUREED

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu dhawa an u safro K/Afrika, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha dal kaasi Jacob Zuma. Manoah Esipisu oo ah Afhayeen u hadlay Aqalka Madaxto oyada ee dalka Kenya ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru uu dhigiisa dalka K/Afrika kula kulmi doono magaalo Xe ebeedka Durban ee dalka Kaasi.

2da Madaxweyne ayaa la filayaa in ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarada laga sameeyo dhinaca ammaanka ee dalka Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya.

Dalalka Koonfur Afrika iyo Kenya oo si weyn ugu ololeeya dhinaca dhismaha Nabadda ee Q/Afrika ayaa la filayaa in

ay si weyn u lafo guraan sidii loo xoojin laha dhinaca nabad gelyada ee dallka Soomaaliya iyo Sud aanta Koonfureed. Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joo go kumanaan Askari oo qeyb ka ah how lgalka Nabad Ilaalinta M/Afrika ee AMIS OM. Madax weynaha kenya Uhuru Ken yatta ayaa ho re u sheegay in DF Soo maa liya uu kala shaqeyn doono dhina ca amniga iyo la dagaalanka Al Shab aab.

AFAR WAXYAABOOD OO SABABA MUSUQ MAASUQA (CORRUPTION)

Inkastoo musuqmaasuqa (corru ption) yahay wax aad u xun, dhibaatana ku ah noloshada dadka kale. Hadane In ka ba dan $ 1 trillion oo dolar ayaa laga xadaa wadamada aduunka ugu saboo lsan san ad kasta, tira badan oo ka mid ah laca gtaas oo ay adag tahay in la arko.

Oliver Bullough, oo ah wariye si gaar ah uga faallooda arimaha la xariira mus uqmaasuqa, ayaa qoray afar waxyaab od oo sababo musuqmaasuqa baahans an ee dunida ka jira.

1. Musuqmaasuqa waxaa uu sababaa dhiiga daadasho (Corruption causes bloodshed).

Qoraaga waxuu tusaalloyin u so qaatay ururada hubeysan ee ka so horjeeda do wladaha kuwaas an la dhacsaneen nida amka ay u shaqeyaan, mararka qaarna geysta weeraro dhiiga badan ku data an.

2. Musuqmaasuqa waxaa uu faafiya cudurada (Corruption spreads disease).

2017 wadanka Ruushka waxaa la diiw an galiyay in kabadan 100,000 oo ah dad cusub oo qaba xanuunka HIV, sido kale tira guud dadka qaba xanuunkas ee ku nool wadankas waxay garayaan 1.5 million.

3. Musuqmaasuqa waxaa uu wiiqaa di muqaraadiyada (Corruption undermines democ racy).Qoraaga waxuu tusaaloyin u so qaatay Doorashoyinkii ka dhacday wadamada mareykanka kenya Nigeria, South Afr ica, Malaysia, Ukraine.

4. Musuqmaasuqa waxuu sare u qaada qiimaha guryaha (Corruption raises ho use prices).

Magaaloyinka London, New York City, Miami iyo Los Angeles ayaa ah kuwa qa ali ah kirada gur aha ku yaal magaaloyi nkas kuuwas an awoodin tira badan oo ka mid ah bulshada.

Source:http://www.aljazeera.com/…/reasonscorruptionmatters17122…

Abdishakur Gesey

SAFIIRKII SOOMAALIYA EE ISKUTAGA IMAARAADKA CARABTA OO XILKA WAREEJIYAY

Safiirkii Soomaaliya ee Iskutaga Im aaraadka Carabta C/qaadir Shiikheey ayaa munaasabad ka dhacday M/Abu Dubai waxaa uu xilkii safaarada si KMG ah ugu wareejiyay Axmed Duc aale Maxamed. Ka qeybgalayaashii munaasabada sagootinta safiirka ay aa ka mahadceliyay wax qabadkii safii rka muddadii uu joogay safaarada, iya ga oo sheegay in uu noqonayo safiirkii ugu horeeyay ee ka taga dhisme ay le edahay safaarad Soomaaliyeed dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

Safiir Shiikheey ayaa lagu tilmaam ay inuu noqonayo safiirkii ugu horeey ay ee soo mara dalka Iskutaga Imaara adka Carabta oo xilka wareejiya isaga oo ka tagaya safaarad Soomaaliyeed oo lagu shaqeyn karo.Safaarada Soo maaliya ee Iskutaga Imaaraadka Car abta ayaa la aasaasay sanadkii 1973 kii waxaana isaga danbeeyay oo soo maray ilaa 8 safiir, hasse ahaatee safi irka xilka ka tagay ayaa lagu amaanay inuu noqonayo shaqsigii ugu horeeyay ee ku guuleysta dhismaha safaarad Soomaaliyeed.

Sii hayaha safaarada Soomaaliya ee xilka la wareegay Axmed Ducaale Maxamed ayaa ku amaanay safiir Shi ikheey uu taariikhda iyo dhaxalka uu uga tagay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Iskutaga Imaaraad ka, isaga oo balanqaaday in uu halkii sa ka sii wadi doono howlihii uu qab tay C/qaadir Shiikheey.

Isbadalka cusub ee safaarada Soo maaliya ee Abu Dubai ayaa qeyb ka noqoneysa isbadal horey sidan oo kale looga sameeyay safaaradaha So omaaliya ee dalalka Qatar, Kuwait iyo KenyaDalka Isutaga Imaaraadka ayaa waxaa ku dhaqan Jaaliyada ballaaran oo Somaaiyed oo intooda badan hal kaa ku heysta ganacsiyo kala duwan taasoo muhiim ka u ah jirtanka Som.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip