Munaasabada Sanadguurada 48-aad ee Aasaaska NISA oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho+Sawiro

0
Wednesday January 10, 2018 - 23:58:01 in Wararka by
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabada Sanadguurada 48-aad ee Aasaaska NISA oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho+Sawiro

    Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u dabaa degtay 08 01 2018 oo ku beegneyd 48 Guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay 8-dii Janaayo 1970-kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u dabaa degtay 08 01 2018 oo ku beegneyd 48 Guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay 8-dii Janaayo 1970-kii.

Munaasibad ballaaran oo lagu qabtay taliska Hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeybgalay madaxda ugu sareeya dalka sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari, Ra;iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Fedaralaaka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale, Xubno ka tirsan sadexda Gole ee dowladda, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore ee NISA iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay dabaaldagga.

Munaasabadaas waxaa lagu casuumay Fanaaniin Soomaaliyeed sida Fanaanadda Qaran ee Hoballada Qaranka Waaberi Faaduma Cali Jaamac (Nakruuma) iyo Kooxda Hilaac oo halkaas ku soo bandhigay heeso iyo ruwaayad ka hadleysay Amniga iyo falalka guracan ee Al Shabaab, iyagoo soo bandhigay ruwaayad hal ku dhiggeedu ahaa SHABAAB QARAX WADA HA U QIIL DIYIN, sidoo kale kooxda Baanda Muustiko ayaa iyana si talantaali ah u garaacayay muusig Astaanta Qaranka iyo Astaamo kale oo wadani ah.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka,iyadoo heegan sare la galiyay ciidamada amniga si looga hortago isku dagy walba oo ay qorsheynayeen kooxaha xagjirka Al Shabaab in ay ku carqaladeeyaan munaasibadda loogu dabaal dagayay Sanad guurada aas aaska Hay’adda NISA.

Madaxdii iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka soo qeybgalay xafladda ayaa jeediyay Qudbado qiiro leh oo ay ku muujinayeen qiimaha qaranimada Soomaaliyeed ay uga fadhiso NISA, waxayna si weyn uga hadleen taariikhda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya iyagoo ku ammaanay dadaalka Sirdonka iyo Amni Sugidda ee ay har iyo habeen u taaganyihiin Ciidamada iyo Saraakiisha NISA, iyo sida ay uga go’antahay in dalka dadka iyo diinta ka difaacaan cadawga gudaha iyo kan dibadda.

Ugu Dambeyntii Kusimaha Taliyaha ahna taliye ku xigeenka HSNQ G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sanadguurada 48-aad ee NISA Aawadeed u hambalyeeyay Sareeyeyaasha, Saraakiisha, S/xigeenada, Alifleyda, Dableyda, howlwadeenada HSNQ Xaasaskooda iyo Caruurtooda, isagoo u rajeeyay Sanad Wacan oo Amni, Xasillooni iyo barwaaqo xambaarsan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip