Wafdi horudhac u ah Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Gobolada Dhexe
Wafdi horudhac u ah Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ka mid ah goobaha uu Madaxweynuhu booqan doono.
Wafdiga gaaray Guriceel ayaa waxaa hoggaaminayay Cali Cabdi Wardheere oo loo yaqaano Cali Yare, oo ka mid ah howl wadeenada Madaxtooyada Villa Somalia.
Cali Yare iyo xubnaha la socda ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay Guriceel, waxaana markii dambe u gudbeen magaalada Dhuusa Mareeb.
Waxaa la filayaa inay booqasho ku tagaan Cadaado iyo Caabudwaaq oo ka mid ah meelaha uu booqanayo Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa safar dhinaca dhulka ah ku imaan doona deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe, waxaa uu booqan doonaa Dhuusa Mareeb, Cadaado, Guriceel iyo Caabudwaaq.
Madaxweynaha ayaa Dhuusa Mareeb waxaa uu kaga qeyb galayaa munaasabadda isku darka Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug oo bilo ka hor heshiis gaaray.
Diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe.
Wafdiga horudhaca ah
1of 6